Saalax

Somaliland region government arrests 17 year old poet

Recommended Posts

Cabsi intaan la eg. Dhalinta inay soo baraarugeen la arkaa.

Ciidamada Somaliland oo xabsiga dhigay dhalinyaro ku labisatay Calanka Soomaaliya

Gebiley.jpg

Wararka naga soo gaaraya Gabiley ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhafay ciidanka Booliska maamulka Somaliland ay xir-xireen dhalinyaro ku soo labisatay dharka calanka Soomaaliya, kuwaas oo ku sugna halkaasi.

Dhalinyarada xabsiga loo taxaabay ayaa xirnaa funaanado ka sameysan Calanka Soomaaliya, taas oo sababtay in ciidamadu ay qabtaan, kadibna ay xiraan.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa innoo sheegay in sababta loo xiray dhalinyaradaasi ay tahay kaliya labiska ay xirnaayeen ee Calanka Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in dhalinyaradasi ay qeyb ka ahaayeen dadka Soomaaliyeed ee u dabaal-dagayey maalinta Qaran ee kowda Luulyo.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha Booliska Somaliland oo ku aadan falkaasi xariga ah.

Si kastaba ha’ahaatee arrintan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo dhowaan Jabuuti lagu soo gaba-gabeeyey shirkii wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland oo laga soo saaray warmurtiyeed xasaasi ah oo uu ku jiro qodob ka hadlayey is-dhexgalka bulshada.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Eebboow Siyaad Barre ee maalin walba ka calaacalaan did not abuse like this:

Screenshot-20200702-103028.jpg

As I said jiilkii yaalaa waa soo wada tooseen from 30 years of come iyo marqaamid, saw the reality and abuses like this will not stop them.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.