Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Independence Week - Soomaaliya at 60

Recommended Posts

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qayb galay xuska sannad-guurada 60-aad ee ka soo wareegtay maalintii Xorriyadda Gobollada Waqooyi ee dalka ayaa u hambalyeeyay dhammaan shacabka Soomaaliyeed.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

MADAXWEYNE FARMAAJO OO KA QEYB GALAY MUNAASABADDA XUSKA 26-KA JUUN

Muqdisho, Juun 26, 2020; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qayb galay xuska sannad-guurada 60-aad ee ka soo wareegtay maalintii Xorriyadda Gobollada Waqooyi ee dalka ayaa u hambalyeeyay dhammaan shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa si qoto-dheer u soo bandhigay muhiimadda maalinta 26-ka Juun oo xusuus weyn u leh shacabkeenna maadaama ay ahayd ilayskii koowaad ee halgankii xornimo doonka iyo maalintii koowaad oo calan Soomaaliyeed laga taago dhul Soomaaliyeed oo xor ah.

“Waxaa xusid mudan kaalintii SNL ay ku lahayd halgankii gobonimo doonka iyo xoreynta Gobollada Waqooyi oo la mid ahaa doorkii SYL ku lahayd xornimada Gobollada Koofureed. Labada urur waxay lahaayeen xiriir wanaagsan, ujeedooyin iyo aragtiyo mideysan.”

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa tilmaamay in wadahadalladii dhab u heshiisiinta ee ku dhisan qalbi furnaanta, is ogolaanshaha, walaaltinimada iyo daacadnimada ee ka furmay Jabuuti 14-kii bishan ay yihiin wadahadallo miro dhal ah.

“Walaaleheenna Somaliland waxaan ka raadinaynaa midnimo. Geeska Afrika waxaa ka bilaabmay iskaashi dhaqaale oo Soomaaliya ay fikirkiisa bilowday. Walaalkay Muuse Biixi waa nin Soomaali ah, waa nin waayo arag ah, mudo dheer soo shaqeeyay, wuu garoowsanyahay in aan Somaliland horey u socon karin anaguna aanan u socon karin, geesinimadeedii wuu leeyahay wuuna bilaabay.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa kula dardaarmay shacabka Soomaaliyeed in ay dib u milicsadaan sooyaalka wanaagsan ee dalkeenna, isaga oo walaalaha Waqooyiga ugu baaqay in ay hormuud u noqdaan midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

“Waxaa xaqiiqo ah, halganku in uusan marnaba dhammaan. Midka ina horyaal, waa uu ka duwan yahay kii gobonnimmo doonka. Waase lagama maarmaan inaan midnimo iyo geesinnimo ku wajahno, annaga oo Ilaahay kaashaneyna, si aan u xaqiijinno mustaqbalka jiilasha dambe ee Soomaaliyeed.”

Intii ay socotay munaasabaddu, waxaa hadallo ku aaddan halgankii xorriyadda iyo hiigsiga dadka Soomaaliyeed ee waqtigaas ka jeediyey masuuliyiin, waxgarad, Abwaanno iyo Hobollada Qaranka oo suugaan ku cabirayey qiimaha midnimada, wadaniyadda iyo wadajirka.

Dhanka kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo salaan sharaf ay siinayaan cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, baambayduna ay ku maamuusayso heesta Calanka ayaa calan-saaray Madaxtooyada Qaranka, halkaas oo ay munaasabaddu ku qabsoontay.

Munaasabaddan waxaa ka qayb-galay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh, Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad ee Aqalka Sare Senator Mowliid Xuseen Guhaad, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xasan Cali Khayre, Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Mudane Baashe Yuusuf Axmed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish), Wasiirka Warfaafinta ahna Guddoomiyaha Guddiga Qabanqaabada Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, xubno ka tirsan Golayaasha Dowladda, Taliyayaasha Ciidamada Qalabka Sida, Diblumaasiyiin iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

106031534_3287367061324063_2971148198899

106079794_3287367204657382_5034358078158

106005471_3287367424657360_7065987797654

106001834_3287367661324003_5245932717716

106064827_3287368764657226_8170771831582

106093885_3287367571324012_3562607072738

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.