Sign in to follow this  
Aaliyyah

Somali midnimo

Recommended Posts

Aaliyyah   

This song is dedicated to all my fellow somalis wherever you are.

 

 

Hees Somali midnimo by Bashir Husein

 

 

Soomaali waa mid

waa ul iyo meyrax

mataana weyoo meelbey

kawada timid

midigey bidix maka

maarantaa madaxow

minjo maka maarantaa

maskax iyo aqoon

maka maarantaan

miinleyda heestiyo

murtidiyo ujeeddada

jawaabahan maya baa

micnahoodu wuxuu yahay

umadyahay midnimo maka

maarantaa maamul dawladnimo

maka maarantaan nabadbaa

macaanee maka maarantaa

isma kaafsadoo midigta

is qabsada kala maarmi

meysaane Soomaaliyeey

midigta is qabsadaa.

 

Soomaali waa mid

dhaqankeedu waa mudan

asalka midabkiyo

madhabkey ka simantahay

masuulow shacbiga maka

maarantaa maatiyeey daryeel

maka maarantaa muranow

garsoor maka maarantaa

miinleyda heestiyoo

murtidiyo ujeeddada

jawaabahan maya baa

micnahoodu wuxuu yahay

umadyahay midnimo maka

maarantaa maamul dawladnimo

maka maarantaa nabadbaa

macaanee maka maarantaa

isma kaafsadoo midigta

is qabsada kala maarmi

meysaane Soomaaliyeey

midigta is qabsadaa.

 

Love,

 

Aaliyah

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Soomaali waa mid

 

Not anymore

 

waa ul iyo meyrax

 

sheekadaas waa horey dhamaatey

 

mataana weyoo meelbey

kawada timid

 

History doesn't confirm this

 

midigey bidix maka

maarantaa madaxow

minjo maka maarantaa

maskax iyo aqoon

maka maarantaan

 

Yes Soomaalida hada wey kala maarmaan

 

miinleyda heestiyo

murtidiyo ujeeddada

jawaabahan maya baa

micnahoodu wuxuu yahay

 

Jawaabaha kuma socda dadka hada jooga

 

umadyahay midnimo maka

maarantaa maamul dawladnimo

 

Yes dowlad waa laga maarmey

Midnimo waa laga maarmey

 

maka maarantaan nabadbaa

macaanee maka maarantaa

 

Nabad waa laga maarmey

Dagaal baa la macaaneestay

 

isma kaafsadoo midigta

is qabsada kala maarmi

meysaane Soomaaliyeey

midigta is qabsadaa.

 

Soomaali wey kala fogaatey midig iyo bidixba

 

 

Soomaali waa mid

 

Soomaali mid ma ahan

 

dhaqankeedu waa mudan

 

Dhaqanka ugu xun aduunka ayaan leenahay

 

asalka midabkiyo

madhabkey ka simantahay

masuulow shacbiga maka

 

Yes masuulka shacbiga wuu ka maarmaa

shacabkuna masuula wuu ka maarmaa

 

maarantaa maatiyeey daryeel

maka maarantaa muranow

garsoor maka maarantaa

 

muranbaa shaqeeya hada

Maatina lama daryeelo

waa laga maarmaa waxaas dhan

 

miinleyda heestiyoo

murtidiyo ujeeddada

jawaabahan maya baa

micnahoodu wuxuu yahay

umadyahay midnimo maka

maarantaa maamul dawladnimo

maka maarantaa nabadbaa

macaanee maka maarantaa

isma kaafsadoo midigta

is qabsada kala maarmi

meysaane Soomaaliyeey

midigta is qabsadaa.

 

 

Waa laga maarmaa waxa uu sheegay heesaagu

 

 

PS: Welcome back Aaliyah, soo ducee bal sister

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

wa ka xumahay in aad saa aminsantahay. Laakin dadkeena qaar waxaan jeclahay somali in ay isku mid noqoto oo ka fakarto say dadkooda iyo dalkooda horumar u gaadhsiin lahaayeen.

 

ninkan wuxu ku heesay lagama maarmayo, ilaahay hanaga dhigo dadkii qaata oo ku dhaqma midnimo jaceel iyo horumar!!!

 

sida iyo nabagalyo....

 

salaam

Share this post


Link to post
Share on other sites
Malika   

You lot leave Aaliyah alone,let her with her dream dee, wamaxaay this niya jeebiis aad laa so orodeen.

 

smile.gif Amiin to the dua.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Buuxo   

^Arab iyo African ma'nihiin dee.Europe warkiisna iska daa. Muslim unity is ideal tho.

 

Aaliyah,sistah-gurl.Mahadsanid for the lovely verses. It's a real shame that people lost hope in somali unity.Inshallah soon we'll be united.

Share this post


Link to post
Share on other sites

believe that!! your uncle will just use u like toilet paper and then flash u out when hes done with yah.

 

join the somaliweeyne train...its free and live life like a proud somali with your murug and your folks.

 

somali midnimo....starts from today.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this