Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Latest xeerar passed by baarlamaanka dhexe

Recommended Posts

Baarlamaanka Federaalka oo meel mariyay xeerka qoondada Haweenka

81327251_739591436529923_504054735915555

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ay ku yeeshay xaruntooda KMG waxa ay ku meel mariyeen xeerka qoondada Dumarka ku yeelanayaan Baarlamaanka iyo sida loo soo dooranayo.

Xildhibaannada ayaana shalay iyo maanta dood kulul ka yeeshay xeerkan qoondada Dumarka, waxaana ugu dambeyn Xildhibaannadu ay cod u qaadeen meel marinta ama diidmada xeekan ay soo gudbiyeen Guddiga wadajirka ee dhameystirka Xeerarka doorashooyinka.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka,Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa cod galiyay xeerka qoondada Haweenka gaar ahaan in Kuraasta Dumarka aysan Rag kula tartamin, waxaana xeerkan u codeeyay in la meel mariyo 134-Xildhibaan , waxaa sidoo kale xeerkan meel marintiisa diiday 7-Xildhibaan.

Guddoomiye Mursal, oo kulanka shir guddoominayay ayaa ansixinta kadib sheegay in xeerkan ay soo gudbiyeen Guddiga wadajirka ee dhameystirka Xeerarka doorashooyinka uu yahay ansax.

Xigasho

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xildhibaanada BF oo meel mariyey xeerka kuraasta gobollada Waqooyi

Ansixin62-696x463-696x463.jpg

Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku meel mariyey xeerka kuraasta gobollada waqooyi, kadib kulan ay ku yeesheen xarunya Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.

Sida uu shaaciyey guddoonka golaha shacabka, waxaana xeerkan ogolaatay illaa 167 mudane, hal xildhibaan ayaa ka aamusay, mana jirin wax diiday.

Guddoomiyaha golaha shacabka oo kulanka ka hadlay ayaa shaaciyey inuu ansax yahay xeerkaasi, isagoona uga mahadceliyey meel marimtiisa xildhibaanada golahaas.

Xeerka kuraasta gobollada waqooy ayaa ka mid ahaa afarta xeer ee ay soo diyaariyeen guddiga wadajirka ah, labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.

Xildhibaanada ayaa shalay dood adag ka yeeshay xeerkan oo lagu soo dooranayo kuraasta xildhibaanada ka soo jeeda gobollada waqooyi ee Somaliland.

Baarlamaanka Soomaaliya oo ku guda jira Kalfadhigiisa 7-aad oo ah kii ugu dambeeyey ayaa ku howlan howlaha doorashada oo aan weli lagu heshiin nooca la qabanayo.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

That's never gone happend in Mogadishu it will always be farrotaag.  Xeer aan jiirn siyaasin that can never visit Somaliland handpicked who just want a payment. Every one can Rob these koonfurians. 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Beesha caalamka iyo QM oo walaac ka muujiyey ‘isku day uu wado’ gudoomiye Mursal

Qaramada Midoobey iyo xubnaha kale ee beesha Caalamka ee taageera Soomaaliya ayaa walaac xoogan ka muujiyay isku day ay sheegeen in baarlamaanka Soomaaliya lagu horgeynayo hindise sharciyeed “qaladaad badan leh” oo ku saabsan dambiyada galmada.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa shaki badan ka muujiyay sax ahaanshaha hindise sharciyeedkaas, oo baarlamanka uu maanta diiday inuu ka doodo, kaasi oo ay ku sheegen inuu ogolanaayo guurka caruurta, kana hor imanaya heshiisyada caalamiga ah.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu xusay inay u gudbiyeen Gudoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal walaaca ay arirntan ka qabaan.

“Qaramada Midoobay iyo saaxiibadeeda kale ee Soomaaliya ayaa guddoomiye Golaha Shacabka Maxamed Mursal u muujiyey walaaca ay ka qabaan isku deyga miiska lagu soo saaray sharci cusub qaladaad badan leh, kaas oo oggolaanaya guurka carruurta, kana hor imaanaya heshiisyada caalamiga ah ee arrintaasi la xiriira,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Xafiiska QM oo ay ku baahisay barteeda Twitter-ka.

Waxa kale oo lagu yiri qoraalkaasi “Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa uu ku boorinaya golaha wasiirrada dalka in ay dib usoo celiyaan Hindise-sharciyeedka Dembiyada Galmada ee Asalka ah”.

Walaaca Qaramada Midoobay  ayaa kusoo aadaya xili ay maanta diideen Xildhibaanada Golaha Shacabku ansixinta Ajendaha kulanka maanta oo lagu sheegay inuu ahaa Mashruuc sharci oo ah akhrinta Koowaad ee Hindise sharciyeedka Dambiyada la xiriira Galmada.

Waxaana kulankii maanta ee golaha ka dhashay buuq badan oo looga soo horjeedo hindise sharciyeedkasi, oo ay xildhibaanada qaarkood ay meel adag iska taageen arrintaasi oo ay sheegen inuu ka hor imanayo Diinta Islaamka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.