Sign in to follow this  
nuune

Gabadhii iliga la'eed iyo aniga

Recommended Posts

nuune   

QEEBTII 4aad

 

 

Gacalisadeydi markey si fiican u dhuuxdey dadnimo jaceylkeyga iyo wadanimada igu jirto khaasatan marka laga hadlayo ibnu aadam oo dhan, waxey ogaatey in ciyaar ciyaar waxba la igu marsiin karin, waan iska soo horjeednaa hada oo labadeenuba dhulkaan fadhinaa, cuntadii waan cuney, sharaabkii caanaha dhayda ahaana waan cabey, anoo kici la' ayey igu tiri wax kale miyaad u baahantahay, waxaan ugu jawaabey Allahaa haduu Alle yahay meeshan iga kaxee inta aan la gaarin Salaada maghrib, anigu waqti ay tahay war uma hayo, qorraxda aan arko waa mid ka duwan taan arki jirey, balse waxaan arkaa in qorrax ku sheegan ay sii dhaceeso oo galabku uu yahay gabaabad, wax aan dhanneeyn 2 saac ayaa ka harsan Salaadii Maghrib, ma doonayo in habeen iigu galo dhul aan aqoonin, asxaabtydi aan la socdey een Istanbuul hoteel ku yaalo isla joogney mar hore ayey i tabeen, iyagu laftirkooda magaalada aad uma aysan aqoonin oo anaa u ahaa hormuud oo gar-qaadayey, waqtigaa igu yar, gabadhan qorshaha ay iga wadato maxey tahay, i guurso weyba itiriyee, doonistaas maba xumo oo guurku waa midkii lagu nastee lagu nagaado, ee su'aasha meesha taal waa anoo ibnu aadam ah miyaad la aqal gali kara gabadh reera Jinni ah oon dhul Jinni ku guursan karaa.

 

 

Anoo iska fakaraya ayey iga soo dhax gashey lix naasleey, markaasey igu tiri, waan ogahay waxa aad la murugeesantahay, waana daremi karaa inaad ka soo tagtey asxaabtaada ayna ku sugayaan, markey intaas tiri ayaan ku iri "shakhfir shartaada Ilaah ha iga duwo see ku ogaatey waxaan ka fakarayey", intey dhoola cadeeay iligii maqnaana qumaati u muuqdo asood moodo gumacii ku jirey qoriga tabsanka loo yaqaano ayey igu tiri "anagu hadaan nahay reera Jinni hadey noqoto cilmi iyo ka warranka mustaqbalka aad baan idin kaga naqaanaa" intaan soo boodey ayaan ku iri Ilaah mooyee cid kale ma sheegi karto waxa qarsoon iyo waxa soo socda, intey farta igu soo fiiqdey bey igu tiri kaalay soo dhawoow oo ma Ilaah ayaad rumeesan tahay, waxaan ku iri "astaqfurullaah dheh, waan rumeesnahay Muslimna waan ahay",

 

markaan intaa iri ayey tiri "aabahay ayaa Muslim ah, anigana Gaal ayaan ahay", waxaan weydiiyay aabaheed waa kuma, markaas bey igu tiri "waa kii ku dharbaaxi jirey ee gaarigii weynaa dhaxda kaga jirey", ma inkaar qabihii dhabanada i xanuujiyey ayey tiri waa Muslim oo waa aabaheed, wajigii baa inta xanaaq dartiis ii gaduutey ayaan ku iri "walaaleey cowradaada naasaha ah maad iga qarisid waa kolba adiga dhankeyga u soo jeedinayee" gabadhu waa bahal balaaya xodxodasha badan oo intaas aan is ag fadhino il-jabis iyo dhoola cadeyn iyo cirridka ay ka hadasho ayey igu waashey, iney dareemahayga kiciso unbey rabtaa oon is celin waayo, hadhowna haf ku dhaho.

 

 

Hada wax kasta waa ii kala cadyihiin, in gabadhu ay guurdoon tahay, in ay gaal tahay, in ay Jinni tahay, aabaheed Jinni Muslim yahay, in dhulku yahay dhul jinni, waxba igama qarsoona hada, guur jinni diyaar uma ihi, doonisteeda ay iga dalbatey inaan guursada kama aanan jawaabin, maya iyo haa midna la igama hayo, waxaan ciyaarayaa jar ka boodo, shaxdii aduunkaa ii dhisan, qorsha hadey wadato keygaa ka weyn, Jinni sida loola dhaqmo waan aqaanaa, horaan u soo arkey, wax igu cusub ma ahan walaw ayba ka duwantahay afduubkan la igula dhaqaaqey een soo maqnahay habeen iyo maalin, uma dulqaadan karo intaa ka badan, wax kastoon sameeyana awood uma lihi inaan ku laabto Istanbuul ama meel uu ibnu aadam joogo, waan iska nagnagleenayaa ma ogiyee waxba islama hayo, bootadeydaan iska wadan, wixii ka dhacana haka dhaco, hadaan iska hadlo ma afkaa la iga xiri.

 

Hada qorshahyga waxaa ka mid ah inaan gabadhan Muslimiyo, oon soo hanuunsho, wadada baadida ah iyo jidkaas baadilka ah ay ku sugantahay inaan ka soo leexiyo, oon tuso siraadul mustaqiimka, waxaan go'aansadey inaan qaarkeeda hore ee naasaha badidood ku taxanyihiin inaan dhar u huwiyo, anigu dhar ma wato, shaarkaas cad waxaan aheyn ma wato iyo jeanskaas, waxaa shaarka iiga hooseeyo funaanad garan ah, waxaan iska furey shaatigii oon rabaa inaan gabadha u galiyo si ay bal iiga qariso sawaariikhdan indhaha igu soo taagayo iyo kan sinta ka laadlaado, Jinni waligey hammi igama galin, laakin xoogaa xoogaa ayaad moodaa inuu jaceel igu soo abuurmayo, bilowgiisi oo aad u dareema kacsan, dhidid ayaa falalaq iga leh, gabadhii baa igu tiri waxaan waa maxey, huwo oo gasho ayaan ku iri oo iga qari naasaha calaama alla ku saaryee.

 

Sidii bey gabadhii inta badan naasaheeda ku qarisey, laakin hal mid baa harsanaa waa kan lixaad kaasoo ka laadlaado sinta, kan waxaan ku asturo uma hayo, balse qorshaan wataa oo shaatigii aan u galiyey gacantiisa dheer ayaan ka soo jarey, kadibna sidaas ku asturey naaskii lixaad, gabadhii wey yaabantahay, waan iska maamulanayaa, nin iyo xoolihii aragti baa ka dhaxeesaan maqli jirey, laba qofoo wada nool unbaan nala moodaa, waxaanba iska aaminaey iney hal iligleey tahay xaaskeyga, magac ayaan lix naasley u bixiyey, Jowhara Luula, uma aanan sheegin magacan cusub een anigu la jeclaadey gabadha, iyadana waligeed ima aysan sheegin magaceeda, mana aanan weydiin waxa la dhaho magaceeda, keygana waligeed iima aysan weydiin anna uma sheegin keyga, calaayata xaal, hada waxaan ku dadaalayaa inaan iligley ka dhigo Muslimad haduu Rabbi igu taageero.

 

Mowqifkeygaan u bandhigey Jowhara, oon ku iri sidaas ayaan damacsanahay ee ka warran, ayadoon hadalba igu soo celin ayey iigu tiri waxa aad hada i weydiineyso aabahay ayaan ka maqli waayey oon in badan isku dagaalney, sababta aan adiga kuu soo kaxeesteyna ma ahan inaan qaato diinta aad heesato, hadaan gaal ahey waa caadi iska key guurso, markey sidaas tiri ayaan ku iri anigu bari ayaan kaa ahey ee walaaleey na kala wadi, gabadh gaal ah anigu guursan maayo, gaabsina kama rabo, dareenkii yaraa ee jaceelka ahaana wuu iska dhamaadey markey ii sheegtay iney kuffaar tahay, aabaheedna kaga daalay kaalayoo Muslim noqo, caasi waaldiin weeyaan gabadhu, xageen geen caasiyad hadana gaal ah.

 

Waxaa soo dhawaadey xlgii qorraxda ay dhici laheed, gaduudkeedi baa sii buuxsamaya, godkey ku sii socotaa, cidlaan taagnahay aniga iyo gabadhii, waxey damacsantahay iyo qorshaheeda war uma hayo aan ka aheyn guurkaas aan isla af garan weynay, waan ka niyad jabey, mustaqbal kama rabo gaasha hanjafka aan laga jarin wali, khalad inaan sameeyo dooni maayo, afkeyga waan dhowrayaa, waxaan hada ka dib rabo inaan dhaho waa inaan ka fiirsadaa, fudeedkii badnaa waa iga dagey, waxaan ogaadey meeshaan joogo ineysan aheyn meel booto iyo hanjabaad waxba aysan ka tareyn, gabadhii baa wali agteyda fadhida een u galiyey shaatigeyga, halkan bey iska aamusantahay, aad moodid iney yara careysantahay oy ka xumaatey hadaladeydi ahaa ku guursan maayo gaalyahay, waan yara dhaxmoodey, maghrib baa la gaarey, salaadii baan doonayaa inaan iska rido, horaa loo dhihi jirey maghrib roobaboow iyo gabar guurkeed waa la dadajiyaa, midkoodna lama daahiyo, hada salaadaa iigu daran, ha ii danbeeso gabadhan guurkeeda, waan arkaa iney i jeceshahay, wey madluunsantahay, dhoola cadeyntii iyo qosolkii xodxodashada ahaa ma jiro.

 

Weesaan gabagabeestay, salaadii baan iska ridey, mugdi weeye dhulku aan ka aheyn iftiin khaas oo aniga iyo gabadha na wada hayo oo kaliya, sariir ma jirto, kursi lagu fadhiisto maleh, gawaankaa adeega badan ayaan salka ku hayaa, ayadaaba iga sii daran oon ka naxey waayo qaarka danbe dhar kuma xirna balse si habeysan ayaa maqaarkeeda diirka ugu dadanyihiin cowradeeda hoose illaa lugaha, iney dhaxameesantahay iyo in kale war uma hayo, inaan weydiiyana ma doonayo, hurda ayaa i heeso, inaan iska gamco oon soo toosin illaa waqti ayaan rabaa, mar hore ayaa hurdo iigu danbeesay, daal iyo rafaad ayaa iga muuqdo, gaaja ima heyso, neef dhan ayaa igu tagey oo wali aan la daacdaacayaa, gabadhii ma aanan weydiin iney cunta soo cuntey iyo in kale, jinku cunta ma cunaa, ma anaa war u hayo, markaan ogaa wey cuni jireen, tanse ayaadoo afka wax saareysa wali maana arag, wali sidii bey iigu dhirifsantahay, gafuurkey taageysaa, hada anaa ka awood badan oo hadaan dhahaba ku guursan maayo wey ii xanaaqi.

 

 

Waan iska seexdey in mudo ah, salaadii cisho waxaan raaciyey tii maghrib, intaan foorarsanayey oon sujuudayey wey i daawaneysay, kuma cusba qof tukanaya, aabaheed oo kibriyaani ah oon salada fooda darin baa dhalay, mar mar unbuu tukadaa, waa taariku salaad ilaah ka furtey laakin sidiisa kale ah ninka Jimanka kale caawiya khaasatan kuwa Muslinimada ku cusub, waa nin madax ah, jago jecel oo doonaya kursigiisa inuu ilaalsado, bulshadiisa ayuu magac ku leeyahay, rabana inuu ka dhax muuqdo, sidaa darteedna caawimaad u fidiya jimanka intooda tabaaleysan ee faqrigu diloodey.

 

Waxaan jiifeyba xalay oo dhan waxaan soo toosey subixii, waagii baa baryey, salaadii subax ayaan boobsiis kaga tuurey oo mar hore ayey iga tagtey, gabadhii wali waa i ag fadhidaa, oo maba aysan seexan, ma jin baa seexda, ma anaa war u haya markii iigu danbeesay jinku waa seexan jirey, tanse waaba jin nooc kale ah, dhaxan ma qabato, ma daasho, ma hurdooto, uma baahato musqul iyo kaadi, xoola jini, balaaya jinni, inkaar kugu dhacdey, waxan intee la iiga keenay, hadaan guursado maxey ii dhali, caruur noocma ah, ayaduse uur miyey qaadi, mise marka hore een isla seexano ayey isla markiiba ilma dhali, isla habeenkaan aqal galnaba miyey foolani, seense ooga dhalin, imisey ii dhali, ma hal qura mise labaatan jinni oo yaryar, waxaas ayaa qalbigeyga ku wareegeesanaya, oon xataa dhowr jeeer ku qarwey markaan xalay hurdey.

 

Maanta waa maalin isniin ah, taariikhda aan aniga ibnu aadam hadaan ahay heestana waa isniintii ugu danbeesay ee bishii septemberta la soo dhaafey ee 2010, laakin taariikhda jimanka waxaa lagu jiraa May 2018, taariikh waalan iyo waqti wareersan waxaan hada isku mashquulinaya ma ahan, gabadhii baan ku iri "subax wanaagsan walaal", waxey iigu jawabtey "wanaagsanoo wacan waagoon baryin ayaan wajigaaga eeganayoo waxaa igu abuurmey walbahaar xambaarsan jaceyl", waxey kaloo ii qaadey hees aad u macaan, cod aad u macaana wey ku qaadey, heestu hees aan la dhacey ayey aheyd, waxna hada kama xasuusto, laakin codkeeda macaanka badan iyo bushumaheeda madoow ayaa wali madaxeyga ka sii qeelinaya.

 

Wali meeshii cidlada aheyd ayaan joognaa, magaalo walaa miyi wax la dhahaa ma jiro, waa xilli subax ah cadceeduna ay ilayskeedu indhaha kaa galayso, maxaad ubaahantahay ayey igu tiri ood cuneysaa quraac, si dabacsan baan ku iri "saaka waxaan cunayaa waxa aad adiga cuneysid", qaab siyaasadeed ayaan hadalkaa u iri oo waxaan ogaan rabaa iney wax cuneyso iyo in kale, cuntadu waxey ku macaantahay marka la isla wadaago, walaalaa wax isla wadaago waabna isla galo anoo walwaltirayaasha akhrinaya maxaan waraabe wadkiis ka tallaabsadey, maanta se jin inaan la cunteeyo waxba ilama ahan, hamigeyga aad ayuu u weynyahay, inaan cuntada ka boobo ayaan rabaa, gaajaa si xun ii heesa, caloosheydi ayaa dhawaaq saa'id ah ka yeerayo, daryaan aanan horey u maqal, neefkii aan shalay ku qadeeyey wax u cod eg intaan la qowricin ka hor ayey caloosheyda la cabaadeysaa.

 

Markaan ku dhahay waxaad cuneysid ayaan cunayaa, ayey iigu jawaabey "maanta waan soomanahay", markiiba waan gartey iney wax iga qarineyso, ma ay dooneyso iney iga fiigsiiso oon ka boodo hadey i tiraahdo cunto ma cuno, aniga iyo ayadaba waan isa sireenaa, Lillaahi iyo Laqdaba meel ma wada maraan, laakin anigu Ilaah baa i wato, Ilaah baan aaminsanahay oon tala saartey, markaan toosayey saakana waan soo xijaabtey, Qul Uuxiya iyo Wal Casrina waan isku waaley, wax aan ka baqayaa ma jiro, Jin walaa Jaan, Cirfiid walaa Ibleez, waan shab-dhabanayaa, wax aan fooda daro ayaan doonayaa, cabsi iyo culeys kurbo i saaran ma jirto, waxaadba moodaa inaan Jin soo noqonayo, oon sidoodi u yara dhaqmayo, laakin xaalku saas ma ahan, cabsidii ibnu aadamka ku jirtey unbaa iga tagtey.

 

Markii bey ii keentay quraac kala nooc ah, oo cuntada Bariga Dhexe ah, aadna looga cuno wadanka Falastiin, tiibaan isku wadey oon iskala daaley, sadex bey dadku isku bartaan, inaad jid isla martaa, ood jabad isla gashaan, jiidna isla cuntaan, intiiba gabadhan waan isla helnay, waxba nagama maqna, faraxalkii iyo sharaabkiina waa ii diyaar, markaan wada dhameesteyna alaabtii meel ay aadey waan garan waayey, xilli aan yaabo kuma jiro, xilli aan afka qabsado lama joogo, hada iyo waxa ka danbeeya waa inaan nacam iska dhahaa wixii la i dhaho, gabadhii baa igu tiri sey cabbaar u aamusneed "ma u jeedaa reerkeyga ayaa hareerahaaga dagan oo ku daawanaya" ma anaan boodin oo sarwaalkii i dabrin kabihii aan xirnaana xarigoodi intey ii laabmeen miyaanan af af u dhicin oo gafuurka ka murxin, dhaawicii darraato ee lafaha ay igu qaraacdeyna wali waa iga qoyanyahay, oo xanuun ayaan dareemayaa, af ganbigan aan u dhacey ayaaba iiga sii daran waxan oo dhan, bishintii hoose ayaa i dillaacdey, sankiina waa i xoqmey, wajigii buus buus ayaa soo gaarey, fardhaxada gacanta midigtana waan ka jabey, si xun ayaan dhulka ugu dhacey, xanuun saa'id ah ayaan dareemay, yaa ii arxan ah, iligley baa iga naxdey Allow ku daa, kor intey ii soo qaadey ayey dhabta i saartey.

 

 

LA SOCO QEEBTA 5naad

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ismahaan   

''waxaan ugu jawaabey caano dhay ah baan rabaa, markaasey igu tiri inaad Soomaali tahay waan garanayaa, dadkiinana qaar baan asxaabo nahay, waxaan ugu jawaabey beenaleey khaaimad ilaah ka furatey dadkeyga been haka sheegin aniga unbaad isoo af duubatey ee si kale igumaadan hesheen, daacadnimo iyo dad jaceyl baa alkan i dhigtey''.

 

Innaba caadi ma aha laakiinse xalwadii baan sugi la'nahay. smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Muriidi   

Haye, waa goorma aroosku?

bacdii lafaha lo'da kuwii laga soo gaday :

 

 

 

 

 

lake_chad_1.jpg

 

 

** this is of course top secret .. but you're ok.

:D

 

 

.. ani waa iskacararay .. kala-firdhaay !

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Akhyaartii sheekadan la socotey fadlan hala iga raali ahaado, mashquul ayaan galey, Inshaa Allaah markaan firaaqo helo unbaan keeni sheekadii igu qabsatey Istanbuul anoo jooga September dhamadkeeda iyo wixii ka danbeeyay

 

 

QEEBTII 5naad

 

 

Anoo xanuunkii af-ganbiga aan u dhacey wali dareemaya, gabadhiina dhabteeda igu heyso ayaan durbaba hurda dheer qabsadey, waxaan hurdey oon hurdeyba waxaa la gaarey goor duhur aad moodo markaan hareeraha fiiriyey, waan soo toosey anoo dhaawac aad u il-daran iga soo gaarey wajiga, isla markii aan tooseyba waxaan xasuustey hadalkii gabadha ee ahaa "ma u jeedaa reerkeyga ayaa hareerahaaga dagan oo ku daawanaya" anoon jawaab hadalkaa ka bixin waa taan af-ganbi u dhacey, hadalkii baa wali dhagaheyga ka yoomaya, si caadi baan hareeraha u firshey, waan ogahay inaanan waxba arkin, laakin jawaab waa inaan ka bixiyaa gabadhan hadalkey igu tiri kaas oo aad iyo aad u weynaa.

 

Markii aan toosey ayaan isku dayey inaan gabagabeesto oon salaadii duhur een waqtigeeda iska qiyaasey iska rido, kadibna aan jawaab ka bixiyo hadalkii gabadha iyo inaan sii tix-raaco, anoo damcey inaan calaacaha dhulka la dhaco si aan u weyso-qaato ayey gaaweeto biyo ku jiro i hor keentay iligleey, maxaan ku diidi, salaadii baan iska ridey, waan tasbiixsadey oon yara nastey, qabowna inuu i galeyna waad moodaa oo waan yara beer-qaadsanahay, jawaab aan caadi aheyn ayaan doonayaa inaan bixiyo, markii baan ku iri gabadhii "hadalkii aad saaka igu tiri ayaan ka jawaabayaa",

 

 

waxey iigu jawaabtey in aan loo baahneyn jawaab waayo qoyskeeda ayaaba i hor fadhiya, anigana maba arko, intaan yara ruqaansadey, oon dib u yara gurtey, waxoogaa naxdin ku yara jira ayaan ugu jawaabey "qoyskaaga anigu ma arkee maxaan sameeyaa", markaasey igu tiri "marka hore waa inaad i aqbashaa ood waxaan damacsanahay aan kaa helaa" markey intaa tiri ayaan waxaan iska dhaadhiciyey in ay gabadhan i sireyso oo meeshaba wax joogin aysan jirin, waan ogahay in ay gabadhu Jin tahay, baabuurtii faraha badnaana ay Jin ahaayeen, Jimanna saarnaa, meesha aan joogana in carro Jinni tahay, marka inaan dhul ibnu aadam joogin waan ogahay.

 

Go'aan baan gaarey inaan wax allaala waxey i tiraahdo gabadha aan haye iyo nacam iraahdo, hada ka horna waa tey igu tiri i guurso oon ubad wada dhalno, markaan ogaadeyna iney kuffaar gaal tahayna waa taan ka diidey oon juq iyo jaaqba u oranin, hadase aniguba kaarta iyo xeelad ayaan wataa, waxaan doonayaa inaan barto eheladeeda iyo qaraabadeeda, oon dhax galo dhaqankooda iyo waxey sameeyaan aan soo ogaado, sahmin nin ku jira ayaan iska dhigayaa oo doonayo inuu dhax galo ummada kale, kana faa'iideesto ummadaha kalena u faa'iideeyo, asna faa'iideesto.

 

Gabadhii baan ku iri waxa aad iga damacsantahay ku oran maayo maya ee aan howsheena wada dhameesano durbaba, markaasey intey qosol aan dhammaad laheen ku dhufatey, iyo alalaas dhulkii dhannaa isla qabsoomey, mashxaradka dhacayo, inta badan alalaasku waan maqlayey waxaana sameenayey gabadha reerkeeda, waayo meeshii dhannaa buuq iyo qeelo ayey isla noqotey, tahniyadeen iyo sacaba tumid ayaa i wada hareereeyay, waanf ahmey oon dareemay in aan dhax joogo magaalo Jinni iyo gabadha reerkeeda, hada iyo waxa ka danbeeya waa qaban-qaabadii guurka, waxaana howshaa loo xil-saarey Goondhaf oo ahaa gabadha walaalkeed, Goondhaf markiiba horteyda ayuu soo istaagey asagoo i gacan-qaadaya tahniyad iyo reern-reeyn, soo dhaweeyn iyo dhoola-cadeyn.

 

Goondhaf waa nin gaaban, gaamuran oo gowsa waaweeyn, hal gees unbuu wax ka arkaa oo hal il oo qura ayuu leeyahay, labadiisa gacmood mid baa tan kale ka gaaban oo waa ta midigta, Goondhaf waa nin dheer oo Ilaahay siiyey dherer iyo dhumuc, markii aan arkey Goondhaf kadib waxaan arkey gabadha aabaheed oo Muslim ahaa, intuu salaam alaikum iyiri ayuu garabka iga salaamay intuu gacantiisa iga saarey garabka midigta, aad baan ugu farxey wadaadkan muslimka ah, laakin waa nin xukun iyo kursi ku fadhiya oo agtiisa ciyaar iyo dheel dheel aan lala imaan karin, gabadha aabaheed waxaa la yiraahdaa Jinaar, waa ninkii hada ka hor qeeladiisa dhaguhu ila dillaaceen, dharkuu gashanyahay waa dhar birqaya oo xariir iyo jowhara iyo luul ka sameesan, go' weyn oo shaal aan moodey inuu yahay isna ka sameesan dahab kor ayuu ka huwanaa.

 

Odeyga Jinaar iyo Goondhaf markan waxey taaganyihiin labadeeda dhinac, gabadhiina horteeda ayey taagantahay ayadoo faraxsan, hada wax Jin ah waxaan ka arkaa gabadha, aabaheed iyo walaalkeed, meeshu waa cidlo, wali wax magaalo ah uma jeedo ama guryo ah, sidii baan cidlada u taagnahay waxbana iskama badalin, Odeygii baa yiri ina keena aan har-galnee, intaan soo boodey baan iri xageen u soconaa, Goondhaf baa jawaabey oo yiri gurigaan kuu wadnaa, ma anaa aamusi karo markiiba waxaan iri guriga muxuu yahay, gabadhii baa hadalka ka daftey oo tiri waa guriga aan isku aroosi doono maalinta Arbacada ah, intan kor u yara boodey ayaan iri oo durbaba ma arooskiibaa maxaa waaye dagdaga, markaas baa Odeygii Jinaar yiri howsha waa inaan dhakhsbaa dhammeenaa ood aragtaa dadkeena iyo dunyadeenaba.

 

Haye ayaan ku iri bal yeysan ka dib dhicin maalinta Arbacada, ma aqaano waxa i wado, durbaba waa la i galey, waa la i saaqey, waana la i sitaa, halkii baan afarteena ka soo wada dhaqaaqney, gaari weyn oo siduu u egyahay aan tilmaan hada ka bixin karin ayaan ku soconaa, waan u jeedaa gaariga, waa wax aan horey u arag, qaab baabuur waa uu leeyahay oo bidix baa laga wadaa, Goondhaf ayaana darawal ka ah, malaha waxa uu dhinaca bidixda uga wado ishiisa halka xabo ah ayaa dhankaas u badan, gaarigu waa aduunya ilaah, gudihiisa iyo korkiisaba wax aan naqaano ma ahan, isaga dhan ayaa wada dhalaalayo, calaayata xaal waxba tilmaanta baabuurka yaan sii dhax galin, waxaan gudaha u soo galney baabuurkii, waan fadhiisanay, baabuurkii oon waxba soconba Jinaar baa yiri waan imaaney xaafada ee na soo daji.

 

Anoo yaaban sida dhakhsaha badan iyo dhaqaaq-la'aanta baabuurka iyo meeshaan imaaney la yaaban ayaan ka soo dagney baabuurkii, baabuurku ma xiimayo, dhulkaan imaaney waa ka duwanyahay kii cidlada ahaa een taagnaa maalmaha, markaan saas u soo dageyba waxaan arkey dhul wada birqayo, iftiinka iyo hadba nooca uu yahay, nuurkii adduunka, wali wax guri ah ma aanan arkin, gaarigii baan ka soo dagney, Jinaar iyo Goondhaf baa hareeraha iga socda oon xidid noqon doonaa, gabadhii waa yara xishooneysaa oo gadaasheena ayey socotaa, Jinaar baa ku yiri wiilkiisa "sii kaxee wiilka waxaan ka soo qeeb galayaa shir ka dhacayo hoolka weyn ee caasimada", markuu itaa yiri Jinaar ayaan jiriricoodey oo qabow iyo wax la kala garan waayey aan moodey inuu i galey, miyaan aamusi, waxaan odeygii Jinaar ku iri "adeer ma madaxweyne ayaad tahay", intuu qosley ayuu yiri "erayada aad isticmaashaan reer banii aadam anagu ma isticmaalno, ee waxaan ahey marka loo fasiro erayada aad isticmaashaan ninka talada hayo wadankan",

 

intaan is giijiyey ayaan is iri bal weydii su'aal kale hana kuu ahaato su'aashii ugu danbeesay eed weydiineyso wadaadka, waa inaan ka yara xishoodaa hada kadib maadaama aan gaabdhiisa guursano doono, waxaan ku iri "wadankee weeye wadanka aad talada ka heyso", intuu ii soo dhawaadey madaxa gacanta iga saarey ayuu igu yiri "miyaad hilmaantey inaad la joogto reera Jin ah, iyo dhul Jin ah, waddan Jin ah, Arli Jin ah", anoo is celin la' oon rabin inaan su'aal kale weydiiyo ayaan ku iri Jinaar "dhulka uu ibnu aadamka dago een anigu ka soo jeedo in intee la eg ayuu noo jiraaa", Jinaar diyaar buu u yahay inuu iiga jawaabo su'aal kastoon qabo, markaas buu igu yiri "hadaad hada rabto inaad dhulkaagi aado waxaad tageysaa 120 sano ka dib, balse hadaad anaga naga mid noqoto ood nala xidido howlahaaga dhan ayaa kuu sahlanaanayo oo markiiba dalxiis waad u tagi kartaa dhulkii ibnu aadamka kana soo noqon kartaa dirbaba",markuu intaa yiri odeygii Jinaar ayaan hoosta waxaan ka iri "alleylahay waa jaanis fiicanba adiga iyo gabadha ayaa honeymoon u aadi dhulkeygi banii aadamka".

 

 

LA SOCO QEEBTA 6AAD

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Sheekadan waan dhameesitiri doonaa, meeshii aan aniga iyo qalanjadii ku danbeyney, dhibaatooyin badan ayaan kala kulmey, waan is dagaalney, waana la heshisiiyey, waan la aqal galey, carruur fara badan bey ii dhashey oo gaaraya illaa 48, balse qaabkey waxaasi oo dhan ku dhaceen ayaan sheeka dheera ku soo qori doonaa iyo arooska halkuu ka dhacey oo aheyd arligii Jinka.

 

La soco Qeebta 20aad, qeebta 6aad ma jirto, asxaabteyda Jinka ayaa cuney illaa qeebta 19aad waayo confidential information ayaa ku jirey sida technology used etc, waxaas dhan waa la raamsadey

Share this post


Link to post
Share on other sites
Coofle   

nuune;931954 wrote:
Sheekadan waan dhameesitiri doonaa, meeshii aan aniga iyo qalanjadii ku danbeyney, dhibaatooyin badan ayaan kala kulmey, waan is dagaalney, waana la heshisiiyey, waan la aqal galey, carruur fara badan bey ii dhashey oo gaaraya illaa 48, balse qaabkey waxaasi oo dhan ku dhaceen ayaan sheeka dheera ku soo qori doonaa iyo arooska halkuu ka dhacey oo aheyd arligii Jinka.

 

La soco Qeebta 20aad, qeebta 6aad ma jirto, asxaabteyda Jinka ayaa cuney illaa qeebta 19aad waayo confidential information ayaa ku jirey sida technology used etc, waxaas dhan waa la raamsadey

Sidani waa qaddaro jab, waxaan islahaa odaygu siduu jinka uga fakaday bal gaadh oo ragga cilmiga jinka ku xeel dheer ka faa'iideyso qababka looga dhuunto ....

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Sxbayaal, since I started writing this story about two years ka hor, I have landed dhibaato iyo qaxar from my comrades of Jinni as a result of sharing this with my fellow humans, laakin whatever it takes I will try to narrate the full story, hada kama baqo they see me as their enemy, since aan xidid la la'ahyna waxba igama qaadi karaan gabadhoodana nin la'aan baa ku dhici hadey i eryaan caruurtana aabo ayey waayi, 48 carruur cayaar cayaar ma ahan, oo kuligood wada mataano ah, koristooda aniga dhib iguma heyso waayo waa dhal half Jinni ah, quudistoodana kama fakaro laakin waalidnimada wey wanaagsantahey iyo in ilmaha aad dhashey aad ka ag dhawdahey mararka qaarkood.

 

Waan dhameestiri laakin frfom qeebta 6aad illaa qeebta 19aad ma jirto, waayo totally ma soo qori karo waana heshiis aniga iyo ayaga aan kala saxiixanay, qeebta 20aad ayaan keeni Inshaa Allaah oo aad u dheeraan doonto.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this