Sign in to follow this  
nuune

Gabadhii iliga la'eed iyo aniga

Recommended Posts

nuune   

Sabtidii ugu danbeesay bishii September ee la soo dhaafey ayaa anigoo joogo Istanbul dhowr maalmood ayaa waxaan la kulmey qoys Soomaali ah, kana koobnaa odeyga reerka, habarta, iyo gabadhii curada aheyd oo labada ilig ee kore midkood ka maqnaa gabi ahaantiisa, waxaana reerka ugu yar wiil yaroo xanuunsan isla markaana inuu istaagsanyahay iyo inuu socda aan la kala garaneyn.

 

Qoyskii baanu is baraney, si wanaagsana ii soo dhaweeyeen, iguna casuumeen qado sharaf maalinta axada ee barri ah, taleefankeygi ayaan u qorey si aan iskaga war qabno, balse aan ku iri qoyskii Inshaa Allaah anaa idiin kugu imaan guriga ee hada iska sii socda, odeygii reerka ayaa yiri mayee waxaan kuu soo dirayaa gabadheyda oo kaa soo kaxeeneyso meeshaad dagantahay.

 

Anigoo xushmeenayo qoyska reerka ayaan waxaan odeygii ku iri gabadha ha iigu imaato isla wadadan janbigeeda aadna uga fogeyn hotelka Conrad, macsalaama iyo nabadey, sidii baan ku kala tagney reerkii, waxaana la gaarey maalintii Axada aheyd, anigoo isu diyaarinaya ballantii aheyd inaan gabadha kula kulmo jidkii hoteelka Conrad ayaan ka soo amba-baxey meeshii aan daganaa, waxaana ku soo socdaa goobtii ballanta, waqtigii ayaan ka soo yara dib dhacey illaa 40 daqiiqo wax dhan, markaanse goobtii ballanta imaadey ayaan ka waayey gabadhii iliga kisiga laheed, waxyar baan sugey illeen anoo soo daahey hadana goobta kama tagi karo, dhowr iyo toban daqiiqo ayaan kolba dhinacyaha eegayey iney bal meelaha ka dhowdahey.

 

20 daqiiqo markey dhaaftey sugitaankeyga ayaan gadaal intaan u soo tallaabsadey ayaan ka soo yara dhaqaaqey goobtii ballanta, waxaan isha ku dhuftey gabadhii oo bac cagaaran gacanta ku wadato isla markaana culees dartiis la qaadi la' waa saan u maleeyay aniga, dhankeyga ayey ku soo socotaa aniguna is leeyahay raali gali waad soo daahdayee bacda culeeskana ka qaad oo la caawi, markaas aniguba daal yar baa iga muuqda, qoraxduna aad bey u kululeed.

 

Gabadhii markaan isku soo dhawaaney ugu yaraan afar meter ayaan intaan hadley ku iri aad baan uga xumahay inaan soo daaho ee ii dhiib bacdan culeeska badan eed gacmaha ku daalisey, sidii baan bacdii kaga qaadey gabadhii, bacda waxa ku jiraa waa wax aad u culus laakinse aan u maleeyay iney yihiin lafaha xoolaha oo markaas kawaanka laga soo qaadey, waxey iila ekaadeen ineey yihiin lafaha lo'da illeen lafa geel ma gali karaan bac afar qaad ah, lafo arina saas uma cuslaan laheen, digaag warkiis ha sheegin!.

 

 

Gabadhii baa igu tiri culees miyaad dareemeysaa, markaas baan ku iri haayee meesha maxaa ku jira ma nooliyee, markaasey igu tiri aniga ii dhiib anaa qaadayee bacda oo adiga culees bey kula noqon, waxaan ku dhahey sababta aan aniga culeeska u dareemayo ee adiga aadan u dareemeenin maxey tahay, markaasey igu tiri meesha waxaa ku jira lafo xoolo, waana kuwa lo'da, aad baana u jeclahay maraqooda iyo xagxagashadooda, anoo markaas leh naa iga qaad bacda dhintayee ayey igu tiri ayadoo afka kala qaadeyso isla markaasna iligii maqnaa qumaati u muuqdo "waryaahee ma waxaad i moodeysaa gabadh caadi ah",

 

isla markiiba waxaa Ilaah iga yeersiiyey "naa anaguba caadi ma nihinee ina wadi aad baan u daahnayee", intey hadalka iga boobtey ayey bacdii lafaha ku jirey ee culeeska badnaa igu dhufatey inta aayar iga durugtey bey kala taagsatey kadib bey bacdii dhanneed igu soo halgaadey, lafihii culeeskoodi ayaa iiga dhacey dhinaca, isla dhinacaasna dhaawac yar baa iga soo gaarey walaw jugta ay ii qarsooneyd!, bacdii cagaarneedna dillaac iyo wax soo gaarey toona ma jirin, markan ayaa ii muuqatey iney bacduna caadi aheyn oy gabadhu iyobacduba isku midyihiin, wax saas ah ayaan ku fakirey anoo hadalka gabadha tix raacayo ee ahaa ma gabadh caadi ah ayaad i moodey.

 

 

Anigii baa inta aan hareeraha fiiriyey, kor iyo hoosna eegay ayaan ku iri go'do maxaad tahay ood sidan iigu galeysaa, maxaadse tahay hadaadan gabadh caadi ah aheyn, soo odeygii kuma dhalin shaley aad isla socoteen, aniga iima cada dhaawaca i gaarey iyo lafaha lo'da ee korkeyga ku soo dagey, waxaanse aad u xiiseenayaa gabadhan caadinimadeeda iyo hadalka ay ka dhawaajisey, waxaan doonayaa inaan ka sal gaaro isla maantaba waxey tahay,

 

hadalkeygi ayadoo ka jawaabeyso ayey igu tiri "haa odeygii shalay ayaa i dhalay hadana qado sharftii casuumaada ee aabo kuu fidiyey ayaan u soconaa", intaan ka dhax galey hadalkaan ku iri "inkaar qabto waan ogahay meeshaan u soconee ee balaayada ku wadato maxey tahay", markey ogaatey inaan dan ka laheen lafahii igu dhacey iyo dhaaawacii isoo gaarey aadna u rabo sheekadeeda ayey igu tiri "hadaan ku dhaho iska dhaaf qado sharafta aabahay miyaad iga yeeli" waxana ugu jawaabey "waxaad idhahdo waan yeeli ee bacda lafaha ku jiraan iska tuur", waxey igu tiri ayadoo is difaaceyso "ma tuurayo waxaana u wadaa reerkeyga".

 

Balaaya kugu dhacdey oo lagu sii qaad reerka aad u wado soo kuwa aad hada i leedahay aadi meyno qado sharafta ma ahan, waxey iigu jawaabtey "maya aniga gabadh caadi ah ma ihi". Gabadhan waa gabadh itaal leh, luqunteeduna labo taako la eg, saan horey u sheegayna labada fool ee kore mid baa maqan, waxeyna ku labbisneed cabbaayad isku sii deys ah, iskaalso ama sharabaadna wey xirneed oo dhowr jeer baan hoos u fiiriyey kabaha ay xirneeyd anoo islahaa maxaa dheereeyay gaabdha, timaha fooda hore aad bey u madoobaayeen walaw ay ka muuqdeen afar tin oo cirro ah kuwaas oon u maleeyay iney ahaayeen haboow, quruxley dhuuban oo isku daadsanna wey aheyd qofkii arkaana ku qamaamayo adigoon dan ka laheen iligaa ka maqan ee afkeeda, balse aniga ayada hammi igama heyn ee odeygii Soomaaliyeed ee i sharfey unban fulinayey hadalkiisa, markii danbena gabadhan sheekadeeda ayaan damcey inaan ku sameeyo baaritaan oon xiiso saa'id ah u qaadey..

 

Markey itiri mar labaad gabadh caadi ah ma ihi ayaan ku iri, caadigan baas iyo cuduradaad qabto eed lafaha iigu dishey ayaan rabaa inaan ogaado, markiiba waxey igu tiri "bacdan lafaha waan xoorayaa ee ballan iiga qaad inaad hadhow ii raacdo kawaanle ka mida kuwa magaalada", haye ayaan ku iri waliba lafo geel iyo kuwa digaagba waan kugu caawin saad u heli laheed, markan ma doonayo iney xanaaqdo oo waan iska dhisayaa, lafa danbe in la igu qaraacana diyaar uma ihi..

 

 

Anigii iyo gabadhii meeshii baan iska soo raacney, qado sharaftii odeyga aan moodayey inuu aabahed ahaana waan u jarney, iyadaa magaalada iga kala taqaano oo kolba dariiq bohol ah iyo jiiro qaabdaran iga rideysay, garanna maayo meel ay ii wado iyo qorshaha wuxuu yahey, waxoogaa ayaan soconey, kadib ayaa waxaan ku soo dhacney meel fagaaro ah, ban cidlo ah oo dad saas u badan aysan joogin, laba iyo hal hal qof oo kolba mid mirqayo unbey isheydu qabaneysay, fagaarahan aad ayuu uga baxsanaa magaalada, anigii waxaan garan waayey sida dhakhsaha badan een durbaba magaalada uga baxney anagoo lug ku socono waliba, Istanbuul ninkii arkey baa arkey waa magaalo aad iyo aad u weyn gaari adoo watana kugu qaadaneyso saacado inaad dhanka kale uga baxdo, calaayata xaal waxaan dhanneen daqiiqado ayaan gees ka gees lug uga baxney, daalna ma dareemin, intii yareyd ee daalka qorraxdana waa iga baxey, cidla aan cidna joogin ayaan aniga iyo gabadhii wada joognaa, meel guri ka dhisan iyo wado la maro ma jiraan, qof qofkii aan arkayeyna markii baa isheyda ugu danbeesay.

 

Waqtigu waa duhur, qorraxdaa cirka kala badhey, intaan istaagey oon hareeraha fiirshey ayaan hoosta ka iri maantana ma halkan ayey kaa tuurtey, gabadhii baa igu tiri maxaad la fakireysaa meesha aad joogta se maxaa kaa galey, si qallafsan oo xanaaq ku jiro ayey hadalkaa iigu tiri, aniguna si dabacsan iyo adkeysi ka muuqdo ayaan uga jawaabey hadalkeeda oon ku iri "haa walaal, maan fakireyn ee cirkan is heesta ayaan la yaabnahay ee magaaladii waad naga soo saartee see wax u jiraan", intey qosol ku dhufatey af laba daan cirridkeedina aad moodo magaad tubaakada lagu qastey mariidka iyo maarta ka muuqato ayey igu tiri "jaaniskaan raadinayey intaan magaaladan ku cusbaa ayaan maanta helay"

 

 

LA SOCO QEEBTA LABAAD

Share this post


Link to post
Share on other sites
Som@li   

:D . Lol, aad baan ugu qoslay sheekadan, Soo wad qaybta labaad.

 

Tolow ma dhegdheer baa, lafuhu ma ku dad baa?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Professore, sheeko macaan oo meel dhanaan lagu jaray maxaa lagu sugaa?

 

War inaanba sii dhamaystiro ayaa i haysa... :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
MZanzi   

Nuune waxiisa jabur weey dhaafeeen sheekooyin laisku alxamay ayoo laso shirtagaa

 

 

PS. tuujiye sxbka naga qabo ninyoho oo ciyaarta naga baandhe kudheh

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

QEEBTA LABAAD,

 

sorry guys, waqtigaa igu yar, marka raali ahaada waan la soo daahayaa sheekadan igu dhacdey bishii hore anoo joogo Istanbuul

 

 

***************

 

 

Magaalada waan ka baxsanahay aniga iyo gabadhii, wax noo dhow dad iyo dunya walaa dugaag ma jiro, geed taagan iyo bacaad toona ma jiro, dhulku waa sallax gawaan ah, markey tiri jaaniskaaan raadinayey ayaan maanta helay, hadalkeeda aad uma sii qiimeen, oo waxaan iska rabey un iney sii hadasho si aan uga gun gaaro waxa uu qofkan yahay, aniga waxaa iga dhaadhacsan inaan magaalada ka soo yara durugney in xad ah, balse markaan warsadey gabadha meesha aan joogno magaceeda iyo meesha ay ku taalo waxa ay iigu jawaabtey inaan joogno meel aysan dad ku nooleen, waxaan ugu jawaabey waan arkaa inaysan meeshan dad ku nooleen magaalana ka dhaween ee hadalka ii balbalaadhi.

 

Markey ogaatey inaan aad u jeclahay iney hadasho ayey igu tiri "dhowr jeer ayaan kugu soo celceliyay inaan aheyn gabadh caadi ah, waxaana moodey inaad fahantey waxa aan ula jeeday", waxaan ku iri balaaya ku fahantey ee ma biciid baad tahay bidaa huurtayee qumaati wax iigu sheeg hadal qalloocana iga daa, markaan intaa iri ayaa gabadhii i hortaagneed ee ila hadleesay anna la hadlayey baan halmar horteyda ka waayey, waxaan noqdey kaligey, cidlo ciirsi geeri-go'an ayaan kaligey ku soo baxey, gabadhii baan u xiisey, meel aan joogo iyo meesha ay tahay midkood garan maayo.

 

Anigoo yaaban lugaheygina aan xarakaat aan ka waayey hor iyo gadaal, gacmaheygina ay nuuxsan waayeen ayaan 360 degree samee is dhahey anoo is qasbayo, sidii baan sameeyay walaw culees iyo mashaqo aanba ka qaadey, wax allala wax socda banii aadam iyo xoola toona waan waayey, waxaa ii muuqatey inaan go'doomey, oon halis ku jiro, nafsadeydana ay soo wajahdey mushkilo aad u weyn, maxaan sameeyaa, xageense wax ka bilaabaa, xageen abbaaraa oon u baqoolaa, maxaase iga horreeya meesha aan aado, meel kastoon aado waa ban cidla ah oon dhamaad laheen iska soco ah, horizonkeyga hareeraha iyo meel kasta markaan eegay on waayey daqsi duulaya xataa ayaan go'aan ku gaarey inaan iska taganaado meesha aan hada taaganahay oon tillaabo dhinac u dhaqaajin.

 

Sidii baan go'aansadey, halkii baan taagnaa in mudo ah, xataa fadhi iyo kadaloobsi waan isku dayey balse igu cuslaatey inaan sameeyo, talo ayaa igu banjartey, dhiilkey baa gubtey, oodeydi baa fakatey, khattar iyo halis baan ku jiraa, saacad ma aanan xirneyn balse waxaan is iri mobilkaaga ka fiiri waqtiga ay tahay, waxaan arkey saacadii oo ah 9am subaxnimo, see ku dhacdey duhurkii oon la gaarin ayaan gabadha isa soo raacney, mobilkeyga ma khalad buu sheegayaa, ilama ahan, miyuu damey oo saacadu automatic isku badashey, waa maya, batterygana waa ii buuxaa, taariikhda mobilkeyga ayaan fiiriyey, waxaana ku qorneyd bisha 12 May 2018, yaabkeygi ayaa yaab iigu sii darsamey, inaan waasho oon dharka xooro waxba iigama harin, maxaa igu watey oon u fiiriyey mobilkeyga, maxaa saacad iyo taariikh iga galey nafteydi ayaanba khattar ku jirto.

 

Mobilkii ayaan iska damiyey, asagaaba isii waaley, markaan saas u damiyey ayaan is dhahay bal maxaad u fiirin weyday GPS applicationka si aad u ogaato meesha aad joogto, waxaan isku dayey anoo dagdag ku jiro inaan daaro phonekeyga, waa ii daarmi waayey, waxaan go'aansadey inaan iska tuuro illeen balaayuu sheegay. laakinse maskaxdeyda waan ka saarey inaan aamino warka uu ii sheegay mobilekeyga, siduu buuna u dansanyahay, xanaaq dartiisna dhulkaan ku dhuftey

 

Taariikhdu waa maalin Sabti ah, 12ka May 2018, siddeed sano ayaa ku darsamey sanadkii aan ku jirey ee axadii ugu dambeesay septemberta 2010, waxaan ogaadey iney hawshu khattar tahay, saacad iyo xilli ay tahay war uma hayo, qorraxda aan u jeedo hadana qiyaaso waa goor galab casar ah, qorraxdu laftirkeedu si bey u qaab darneed oo iilama ekkeen qoraxdaan aqaaney ee iftiinka badneyd, cirku daruur maleh oo waa wada uuro madow iyo blue isku jira, gabadhii aan wehelka ka dhiganayeyna iga miriqdey, meel ay jaan iyo cirib dhigtey waan garan waayey.

 

Waxaa soo galey habeen mugdi iyo qudcur aan kala garan waayey, balse meesha aan taagnahay ayaan wali taagnaa, mar marna waan iska fadhiistaa si aan u nasto, meesha aan joogo ee cidlada ah iftiin aan garan waayey meel uu ka imaadey ayaa i iftiiminayey, waa qeebta aan taagnahay oo kaliya, hareerahayga waa mugdi, mar baan is moodey in la i daawanayo oon theatre wax ka jilaayo, intaan kolba dhoola cadeeyo oon iska qoslo ayaan is dhahaa iska aamus cidna kuma daawaneesee, wax gaajo iyo haraad aan dareemayo ma jiraan, illaa saakana waxba ma cunin waxaan ka aheyn coffee arabica, halkii baan iska fadhiistey cabbaar iftiinkiina anuu i hayaa oo kaliya, inta kale arligu waa mugdi.

 

Fadhigii baan ku yara daaley, biyo iyo baad toona agteyda kama dhawa, anoo fakkir iyo falaqneyn ku jiro oon is leeyahay qorshaha eed dagi karto muxuu yahay saad uga badbaadi laheed cirla-ciirsigan. cirkaan fiiryey si aan u fiiriyo waxoogaa xidigo ah waa intaas oon u isticmaalaa jiheeso, xidigaha sidey u shaqeeyaan iyo qaabka ay u kala baxsanyihiin iyo jihadey kala jiraan waa cilmi aan ka bartey aabahay, hadii aan helo xidiga aan aqaano waan isticmaali, cirkii baan fiiriyey, dhinacyaha iyo gees ka gees ayaan fiiryey, wax xidig ah waan waayey.

 

Markaan xoogaa indhaha la raacey geesaha ayaa dhanka gacanteyda midig waxaan kor ka arkey wax aan moodey afar dayax oo aad iyo aad iskugu dhaw balse masaafo dheer iney u dhaxeeso aad moodo markaad si toosa u eegto, afarta dayax dhanka kore ayey jiraan, waxaadna moodaa iney sii dhacayaan oo iftiinku ka sii yaraanayaan, anigii waxaa iga soo harey yaab kale, waa markan markaan ogaadey inaan dhul ibnu aadamku yaqaano aanan joogin, waa markan aan arkey afarta dayax inaan aduunya kale ka dhacey, waxaase iiga yaabka badneyd cidlada aan kaligey taaganahay, wehel iyo waab toona aan heesanin, waxaase taas iiga sii daran gabadhii sida ay ii gashey intey cidla i keentay iga miriqdey, waxaa ii cadaatey markaan falanqeeyay in ay gabadhii aysan aheyn qof caadi ah, waxaa hadalkeyga sii xoojiyey hadalkii gabadha ee ahaa "ma waxaad i moodey gabadh caadi ah".

 

Wax aan sameeyo ma jiro, durbaba waagii baa baryey, waan dareemayaa waqtiga boobsiiska uu ku socdo, sarwaal jeans iyo shaar bas ayaan xirnahay, wallet ay cards iigu jiraana jeebada sarwaalka ayey ku jiraan, ookiyaalo sunglass ahna shaatiguu dhinac ka suranyahay, waxaan damcey inaan is fiiriyo oon is arko, oon ookiyaalihii ka dhigto muraayad inta aan warqad yar oo receipt ah oo ku jirtey walletka soo jeexay ayaan ookiyalaha labadiisa indhood midkood hoosta ka saarey si aan isku daawado oon is arko, shaki baa i galey, taariikhdii 2018ka aheyd ayaan ku sii wareeray, gabadhii baa i wareerisey, cidlaan taagnahay, lafihii la igu qaraacey ayaan xasuusnahay, bankan cidlada ah ayaa iiga sii daran, markaan is arkey ayaan wajigeyga taabtey, intii aan meesha taagnaa iguma soo dhicin garkaaga taabo oo timaha madaxaaga salaax, maxaanba uga fakiri maalin halfkeeda iyo habeen unbaan soo maqnahay.

 

Sidii baan wajigeyga ku fiiriyey, waxaan arkey garkeygi oo kala baxey, daan illaa daan, shaarbihii oo noqdey geed hindiga laamihiisa ka farcama, timaheygi madaxa oo garbaha iyo geesaha u kala dhacy, waxaan arkey tintii o cadaatey gees ka gees, waxaan arkey indhaheygi oo hog galey, ookiyaalihii intaan dhinac iska dhigey ayaan bilaabey inaan Quraan akhristo, ma yaab baan ku jirayaa maantoo idil, inaan waashey iyo in kale kala garan maayo waqtigan hada la joogo, waxaan dareeriyey Suuratul Maryam iyo Suuratul Cankabuut, waxaan ku dhameeyay labadaa suuradood waxaan dhanneen 10 daqiiqo, boobsiis aan caadi aheyn, waxaa i saaran kurbo, welwel iyo walaac baa i hareereeyay, subaxnimo ayaan hada ku jiraa, Qurankii markaan dhameeyay ayaan taxliil gacmahayga ka dhigtey intaan ku tufey markaa baan is mariyey calaacalaha wajiga sidaa ugu salaaxey si tufniinku ii wada gaaro oon isku xijaabo.

 

Goor aan moodey duhur ayaa la gaarey, meeshii baan wali fadhiyaa oon kolba istaagayaa si aan u arko wax arxan ah oo i caawiya, hadaan isku dayo inaan socdana dhulku waa isku wada mid oo hadaan dhaqaaqo meeshii unbaan taagnahay, anoo yaaban oo iska samrey, nafteydina nacey ayaa waxaan arkey gaadiid aan moodey gawaari gaashaaman oo wada madoow dhuxul ah, baabuurtu waxey ka koobnaayeen 5 baabuur oo dhammaantood salka ku wada socda, wax shaag ama taayar ama silsilad ay ku socdaan ma jiro, qaab tareen camal bey u ekaayeen balse sidii maska aan lug walaa minjo lagu istaago toona ma jiraan.

 

iney yihiin baabuur, iney wax kale yihiin ma kala garnayo, wax wado iyo wax saaran toona war uma hayo, horey iyo gadaal waa iskugu mid babuurta, anoo fiirinayo oo isleh wallee maantaad dad iyo baabuur heshay ayaa agteyda meeshii aan taagnaa ay soo istaageen gawaaridii, wax guux iyo matoor shanqarayana waan ka waayey, isla markii aan arkeyba waaba baabuurtii oo i hor taagan, agteydi ayey parking ka sameesteen, waan soo dhaweesanayaa oo waan u baahnahay wehel iyo walaal gacal ah, wax aamusan mooyee wax kale waan waayey, farxad iyo reenreeyn ayaaa igu jirto oo maanta waaba ii dhacatey hadaadba heshay wehel, gawaaridu si habeesan ayaa halmar loo wada parking gareeyay, gaarigii ugu weynaana dhaxduu ku jiraa, kuwii kalena bidix iyo midig ayey kaga kala hareersanyihiin si wada safan.

 

 

in mudo 10 daqiiqo aan ku qiyaasey laakinse ka badneyd ayaa ka soo wareegtey, anoo is leh maxaa dadkii saarnaa baabuurtan ku dhacey ayaa waxaan maqley cod weyn oo dhagaheyga dilaacin gaarey, oo inta aan naxey kor u boodey dhagahana faraha gashtey si aan u dhaga beelin, dhaawicii dhalay ee lafaha iga soo gaareyna waa igu yaalaa, wax i dhayo iyo wax arxan ah u waayey, boogtii baan ka yaabey iney i buqdo inta ay daxaleesatey, infection iyo balaaya kale hadey galaana dan kama lihi.

 

Codkii weynaa sida aan anigu ka maleeyey codka dhawaaqiisa waxa uu ahaa cod rag laakinse codka qofka uu ahaa ma aanan arag wali, codka waxa uuna ka soo baxayaa gaarigii weynaa ee dhaxda ku jirey, waxaa ii cadaatey in gaarigan dhaxda ku jiro een kuwa kale u ekkeen uu saaranyahay qof madax ah oo darajo iyo xil leh, laakin uu yahay qof edeb daran oo qeela badan, gaarigii weynaa een moodey inuu qofka madaxda saaranyahay ayaa korka iska furey si automatic ah oon shanqar iyo shuuq walaa shiish laheen, markuu is kala furey ayaa kursi weyn ka soo dhax baxey meeshii uu gaariga iska furey dhaxdiisa.

 

Anigu intaas waan daawanayaa, dhagahaan faraha kula jiraa oon isleeyahay wali wixii baa qeelinaya, codkii guuxayey waan fahmi waayey balse aan u maleeyey in la ileeyahay gabadheeni xaqeeda maxaad u marin weyday, anoo la iga sugayo inaan jawaabo ayaa gaarigii weynaa ee dhaxda ku jirey is furey oo kursiga weyn ka soo dhax baxey, halkaa marka ay xaaladu mareyso ayaan ogaadey in aan halis ku jiro, halis iimaba dhino oo illaa shalay ayaan khatar iyo wareer ku jirey, ma kala jecli nolol iyo geeri, rafaad iyo qaxar, walbahaar iyo walaac, wax isii waalo mooyee wax kale waan la'ahay.

 

Kursigii gaariga dhaxdiisa ka soo baxey wax ku fadhiyaa ma jiro, gaarigii ugu geeseeyay ayaa waxaa ka soo dagey qof dumar wax u eg, isla markiiba waxaan iska dhaadhiciyey in qofkaa dumarka ah uu yahay gabadhii barashada iyo aqoonta na dhax martey een is weheshaney in qaddar ah, oon waliba si aad iyo aad ugu xiisey, gabadh kaleba iima cadda aniga, hal iligley waxaan aheyn dhiigeyga kuma shaqeenayo, qofkii dumarka ahaa wajiga waa u dadanyahay, maryo aan aqoonina waa ay xirantahay, waxaan maryaha moodayeyna maba ahan maryo waaba maqaar kii jirka oo nooca huruuda ah, qofkii dumarka ah dhankeyga ayey ku soo socotaa, waa qof da' dhaxaad ah, kudka ama naasuhuna cirka ayey eegayaan, oo waa gabar aan la guursan wali sidaan qiyaasey amaaan ilmmo laheyn, hal iyo laba naas oo qura ma ahan, inta indhahayga qabatey lix naas waa ay dhanaayeen, laba ku kala taaley halka dumarka ay labada ku leeyihjiin, mid sadexaadna dhaxduu kaga jirey, laba kale dhanka xudunta hareeraheeda ayey ku yaalaan, mid kalena wuxuu ka laalaadey sinta shabkax shabkax asagoo raaraco waayo lugihii laga soconayey ayuu u dhawaa, dhibka asaga heesta kuwa kale ma heesto.

 

Qofkii dumarka ahaa wajigeeda ayaan hada si fiican u arkey, waxey noqotey gabadhii laftirkeeda aanan weydiin magaceeda waxa la dhaho illaa hada, wey isoo hor istaagtey ayadood moodo iney qaawantahay balse ka asturantahay meelaha cowrada waxaan ka aheyn naasaha oon moodey in ay ka xaragooneesay markaa, gabadhii baa isoo fiirisey, intey qososhey ayey iga sii jeedsatey, waxaan arkey dhabarkeeda oo dhaxda ka maqan ama duleel weyn ku leh dhabarka dhaxdiisa, anoo yaaban oo gabadha iska daawanaya ayaa gaarigii weynaa ee dhaxda waxaa codkii hore mid la eg la igu yiri gabadheena xaqeeda waa inaad siisaa, anoon jawaabin bey gabadhii garabka inta ay i qabsatey igu tiri waan ogahay inaad cidlootey ilaa shalay laakin iska key caafi, cafis iyo musaamax baan ku iri walaal, marnaba iguma soo dhacdo gabadha magaceeda weydii, ma magac baan dan ka leeyahay, iligleey wallee igama fakatid ama dhabarka iska soo jeex oo ceel ka soo dhig ama labaatan naas soo yeelo, cid aan ayada aheyn oon aqaano ma jiro oo gacaltooyo ka dhiganayo.

 

Codkii qeelada ahaa baan damcey inaan ka jawaabo anoo hadli rabo ayey afka i qabatey, iguna tiri waan ogahay waxa aad dhihi rabto, seed ku ogaatey ayaan ku dhahay ee dhinac iga mar aan ka jawaabee balaayadan ila hadleeso, sidii baan ku iri "xaqa gabadha aan ka galey muxuu yahay shalay unbaan is baraney, shalayna lafo ayey igu qaraacdey oo dhaawicii baa igu yaalo, qofka ila hadlayoo adigaan xaal ka rabaa iyo raali galin hadaad gabadhan aafada ah wax u tahay"

 

 

LA SOCO QEEBTA 3aad

Share this post


Link to post
Share on other sites
Prinz   

Quote ama dhabarka iska so jeex oo ceel ka so dhig ama labaatan naas so yeelo unquote lolz first part i was thinking it was a real incident till i realised the whole thing is fictional, bt its a humorous n intriguing thriller, qeybta 3aad soo baas sxb, we loof ur jacbur.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

QEEBTII 3aad

 

 

Markaan jawaabtii bixiyey ayaa gaarigii weynaa kursigii ka soo dhax baxey waxaa isla hoosta fud ka soo yiri nin ku labisan dharka tuutaha balse aan la arakeenin wajigiisa iyo madixiisaba, gacmahana waa u qarsoonyihiin, ninku aniga waa i arkaa, gabadhiina waa i ag taagantahay, qiyaasta aan ku qiyaasi karo ninkan waa dhererkiisa ugu yaraan 6 meter, ninkiibaa kurisiga ku soo fadhiistey, gacanta inta uu kor u qaadeyna sidii wax amar bixinaya ayuu igu yiri si meedaar ahaan soo durug oo kaalay, baabuurtii kale wali wax ka soo dagey ma jiro, naxdin iyo cabsi toona iguma jirto, cid aan ka baqayo oon Ilaah aheyn ma jiro, Alam-Nashrx ayaan hoosta ka akhrinayaa.

 

Gabadhii baa halkan iska dhoola cadeeneeso, iyadu gabi ahaanba dhar iney xirantahay iyo in kale la kala garan maayo, wax maryo oo ka muuqdo ma jiro cawradeeda hoosena waa qarsoontahay ood moodaa iney iskaba malaasantahay, sidii aan horey u sheegayna lix naasna wey leedahay intaan ka tiriyey aniga, dhabarkana wey ka duleeshaa, wali aniga inaan gabadhan ka salgaaro unbaan rabaa waxey tahay ee baabuurtan waxey yihini shaqadeyda ma ahan, hadaan ogaado gabadhan waxa ay tahay gaadiidkan waan ogaan karaa illeen ayadaaba saarneed oo ka soo dagtey.

 

Ninkii gacanta iigu inshaarey ayaan gaarigiisa weynaa ee dhaxda ku jirey ayaan u soo dhawaadey, gacalisadeydana waa i agrab socotaa, waan hoos istaagey gaarigii, ninkii dhererka badnaa ee wajigiisa iyo meel kale aanan ka muuqanin ayaa fadhigii ka kacey si uu qumaati iigu arko, markuu arkey iney gabadha i garab socoto ina garab taagantahay ayuu cod kale oo weyn ku yiri "ibnu aadam kibir badan waan aqaanaa sida loo edbiyo" hadalkii ba iga careysiiyey aniga anoonba baaritaan ku sameen hadalkaa micnihiisa, waxaan markiiba ugu jawaabey "kibriyaani kursi dhakadiis ku dul taagan waa waji qabaxaaga oo kale" hobseyd weyn ayaan galey, waan dhax tiibaxey, wey iga turuqdey, weyna iga dhicistey, meeshaan joogo iyo hadalkaan iri isma lahan, hadal aan la iga filaneenin ayaan dhahey, bal maxaa igu watey, anigu is difaac iyo is adkeysi unbey iga tagey, anoo Soomaali ahna cid horteyda igu af lagaadeen karto ma jirto iskaba daa wax aan la aqoon wuxuu yahay oon wajigiisa arkin wali.

 

Gabadhii baa damacdey iney u jawaabto ninkii inta uusan abaalkeyga i marin illeen hadal xun ayaan ku iri, ninka dulqaadka ayaa ku yaraa, kursigii buu inta ka soo boodey gaarigii dushiisa ka soo haadey ayuu agteyda ku soo dhacey si habeysan oon la dareemeyn, asoo i agtaagan unbaan ka war helay, intuu dhuunta i qabtey ayuu i ceejiyey, intaan cabaadey sidii neef ari ah oo neefta igu dhagtey ayaan yara suuxey oon xoogoow yara salaama naqsadey sidii lax suuxsan, wuu isii yara daayey si aan u soo yara miyirsado oon u neefsado, markaan daqiiqado ka dib caadi noqdey ayaa waxaan ka war helay oon arkey baabuurtii kale oo gidigood laga soo wada dagey, la iguna hareersanyahay, aniga iyo gabadhii qalbigeyga aheyd iyo ninkii i ceejinayay sadexdeena ayaa dhaxda ku jirno,

 

wixii baabuurtka ka soo dageyna dhamaantood wajiga uma qarsooneen, sida ninkii madax ku sheega ahaa uma dheera, waa balaaya wada gaagaaban, gaduudan ood moodo gaaja iney heyso, cukursanoo cunaha aad moodo iney ka alxamanyihiin, xagna dhukursan oo qoodaar camal u sameesan, qootaar ahoo dhuubni haleeshay, dhakafaaran xagna dhabar godan, malaasan oo diirkoodu muuqdo, waxdhar ahna aan qabin, luga lagu istaago oo adkeysi lehna ma lahan, si bey dalbo u leyihiin, jilbahooduna weegaarsanyahay, qumaatina aan u istaagi karin, gacmadhooduna sidii qaansada usoo godan, wax tin la yiraahdo ma lahan, dhago aan ku qiyaasey iney la egyihiin kuwa dameerkana waa leeyihiin, sankoodu waa kan banii aadamka oo kale, laakin sadex duleel leh, afkooda wuxuu matalaa yixaaska kiisa, balaadhan oo baaldi mugiis la eg, ilka malahan, carrab malahan, indhahuna hog bey kaga jiraan, maalintaas hadaan heesan lahaa qalin qori wax lagu qoro waan sawiri lahaa ama aanan phonekeyga damin sawir baan ka soo qaadi lahaa.

 

 

Markaan arkey in la igu hareersanyhay, gabadhii lix naasleyna ee iligleyda aheydna ay midigteyda taagantahay, ninkii madax ku sheega ahaana dhankeyga bidixda ah joogo, ayaa waxaan iri si jees jees ah "idinkoon la idin aqoon waxaad tihiin oo foolxumo iyo falaad ilaah idiin dhameeyay ayaad rabtaan inaad anigoo Soomaali ah ii booteesaan, hanjabaadiina waxba iga tari meyso ee waarkiina cadeesta". Intaas markaan dhahay ayaa gabadhii baa tiri si aanan filaneyn "i guurso oo xaqeega i mari anagaad naga mid noqoneysaaye" balaaya kugu dhacdey oo lagu sii qaad calaama alle kugu rid ee maxaad tiri, waan shakiyey durbaba, meesha waan ogaadey in banii aadam ka dhaween, meesha aan go'doonka ku ahayna ay tahay ummaad aan xoolo iyo sanku neefla toona aheyn, yaad tihiin isku key sheega ayaan cod dheer ku iri si ay ii wada maqlaan, markaan aad u qeyliyey ayey codkeyga u adkeysan waayeen malaha frequencyga banii aadamka ayaan dhagahooda u rooneen, sababta ay dhagaha dameerka u leeyihiina waa sidaas baan is iri.

 

Odeygooda ugu weynaa ee bidixdeeda taagnaa baa jawaabey oo dhahay waxaan nahay reera Jinni, oo ka tirsan bah Jinni, kuna abtirsada reer banii Jinni, waxan ugu jawaabey waxyahow wajiga maskaraatiga leh kula hadli maayee ha ila hadlin ee waxad rabto inaad i dhahdo gabadhan ee aqoonta na dhax martey iigu sheeg, intaas markaan iri ayuu dharbaaxsho wajiga iigu dhuftey, dhulkaan ku faniiney sidii qumbe geed laga soo ridey oo kale, dhakadaa i dillaaci gaartey, dhabankeyga barar dartiis ayaa biya u galey, madaxii baa laba i kala noqdey, yaa ii arxan ah, yaa Muslim ah oon u dhawaaqdaa, ma maantaan xero Jinni iyo hawdkoodi galey, anigu ma raadsan ee waa la i soo afduubtey, inkaar qabtadiii lafaha aruursaneysay ayaa i soo sirtey, maalin axad ah ayaan ku jiraa sida caadiga ah oo sepember 2010, laakin sida u phonekyga sheegay inta uusan damin ka hor waxaan ku jiraa May 2018.

 

Hal saac wax lagu qiyaaso ayaan cidladii dhulka aheyd ku dhacsanaa, waxadba moodaa inaan u baahnaa dharbaaxshadaas illeen hurdey iga keentay, waan gamcey, dhagtaan iri ma toosin, markaan halkii saac hurda bogtey ayaan soo toosey, markaan sare u yara kacey ayaan baabuurtii iyo balaayadii i wada ag joogtey ka waayey meesha, gabadhii kaliya unbaa agteyda sidii wali u taagan, anigey rajo i iga qabtaa oo inaan is guursano ayey rabtaa oon mustaqbal wada wadaagno ubad wada dhalno, gabadhii baan ku iri naa heedhe gaajaa i heysee bal waxaan cuno ii soo raadi, intey dhoola cadeesay iligleey bey igu tiri maxaa loo raadin anoo kula joogo ayaad heli waxaad rabto, weyna iska garatey waxa aan qalbiga ku hayey oon damacsanaa inaan cuno, hilib baa i hayey, sin xun ayuu ii hayey, dhawaananahnba ma aanan cunin, isla il biriqsigiiba waxaan arkey horteyda oo daadsan wax neef ari oo la soo jarjarey la eg, qeeb la sooley, qeeb la kariyey, qeeb kebab ah iyo qeeba kale oo qaabka jinka wax u karsadaan ah oon waligey aanan arag.

 

Hada waxaa ii muuqatey in gabadhu ay jin tahay, dhulka aan joogana uu arli jin yahay, baabuurtii iyo balaayadii saarneydna ay jin ahaayeen, waqtiga lagu jiro uu waqti jinni yahay, cunto jini, saacad jinni, taariikhh jinni, lafo jinni, sakaar jinni, hada ka hor baan maqli jirey lafo xoolo iyo jinbaa is jecel, bal markey gabadha shalay ila kulmeesay ay bacda cagaaran ku wadatey lafaha maan iska garto iney jin tahay, wey isirtey, wey isoo af duubtey, wey iga caqli badisey, intaasba waxba uma arko, baaritaan unbaan aniguna watey iyo inaan barto qalanjadan qoorta dheer lahee naasuhu ka laadlaadaan, tira badnaa ma hanagaarac baa.

 

Hilibkii iyo wixii kaloo la socdey unbaan ka dhargey, saan iskugu wadey ayaan fuurey oo dibiro sakaraat la noqdey, maxaad cabeysaa bey igu tiri, waxaan ugu jawaabey caano dhay ah baan rabaa, markaasey igu tiri inaad Soomaali tahay waan garanayaa, dadkiinana qaar baan asxaabo nahay, waxaan ugu jawaabey beenaleey khaaimad ilaah ka furatey dadkeyga been haka sheegin aniga unbaad isoo af duubatey ee si kale igumaadan hesheen, daacadnimo iyo dad jaceyl baa alkan i dhigtey.

 

 

LA SOCO QEEBTA 4aad

Share this post


Link to post
Share on other sites
Som@li   

Soo wad,

 

You lucky if you survived "alien abduction". Mise hadaadba weli la joogtaa? smile.gif

 

6 naasleey Ma is aroosteen? :D , kiina adkaadey, Ka waran? ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Prinz   

Qalanjadaan qoorta dheer lahee naasuhu ka laalaadaan. Tira badana ma hangaraarac baa..lolz brilliant writing, sxb keep it up, maa axsana haadihil khuraafaat.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waar Dubaabka ku helay war badanaa oo jacburkiisu dheeraa meeqa bari baad bilaa qaad ahayd wuxuu kugu xidhay cajalad aan dhamanayn nin yahow.

 

anaga kaayagu hal mar buu jar dheer naga tuuraa

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cawaale   

^Hurdada goormee ka kacday marka, ood riyadaadu/qarawgaagu dhamaaday?

 

Meesha war aa ka dhacay. baxrul baxuur aa gashay waan dareemi karaa, reer banii jin haddaad u baqooshay.

 

Soo wad abaaba.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this