Bootindheere

Galmudugta cusub

Recommended Posts

Galmudug oo sheegtay in ay diyaarinayso Ciidanka ilaaladda Xuduudaha

June 16, 2020

 

Facebook

 

Twitter

Xeradii Labaad ee ciidamada Daraawiishta Galmudug lagu xaraynayo laguna tababarayo ayaa wasiirka amniga Dawladda Galmudug uu shalay isugu geeyey gaadiid dagaal iyo ciidamadii saarnaa.

Xerada Tababarka Dhaan-Karrooni ee dhacda duleedka Galinsoor- Galguduud ayaa wafdi wasiiro ah oo uu hogaaminayey wasiirka Amniga Galmudug Amb. Ahmed M. Fiqi ayna ka mid yihiin Wasiirka Dekedaha iyo Kaluumaysiga Md. Cabdisaabir Nuur Shuiriye iyo Wasiirka Deegaanka iyo horumarinta reer Miyiga ayaa ka mid ahaa wasiiradii la hadlay ciidamada lagu xareeyey ee ka kala yimid Cadaado iyo Galinsoor.

Wasiirka Amniga ayaa sheegay in ciidamo iyo gaadiid kale oo Galgaduud ku sugan ay maalmaha soo socda imaan doonaan xerada Dhaankarroone, kuwaasoo tababarka uu u furi doono madaxweynaha Dawladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye.

Waxaa uu sheegay in Ciidankaan loo diyaariyay Saddex shaqo oo kala ah ilaalinta Xuduudaha Galmudug la wadaagto maamul goboleedyadda, dowladda Itoobiya iyo dib u xoreynta degaanada Galmudug iyo sidoo kale soo Afjarida dagaal beeledyada.

Hawsha xareynta maleeshiyaadka iyo gaadiidka dagaalka ee ay waddo wasaaradda amniga ayaa wajigeedii labaad ka bilowday gobolka Galgaduud ka dib markii maleeshiyaadkii gobolka Mudug lagu guulaystay in la xareeyo loona furey tababar todobaadkii hore.

RADIORISAALA.COM

Xeradii Labaad ee ciidamada Daraawiishta Galmudug lagu xaraynayo laguna tababarayo ayaa wasiirka amniga...

 

  • Thanks 1

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Galmudug oo maanta Hobyo ka furaya shir looga hadlayo dhismaha Dekeda

 

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) oo shalay gaaray degmada Hobyo ee Gobolka Mudug ayaa maanta la filayaa inuu furo shir looga hadlayo dhismaha Dekeda Hobyo.

 

 

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb geli doona Mas’uuliyiin ka socda dowladda Federaalka, Ganacsato iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Shirkan ayaa lagu soo bandhigi doona qorshayaasha u horreeya ee lagu bilaabi doono dhismaha Dekeda Hobyo oo aan weli la hirgelin.

Wasiirka Dekedaha ee Galmudug Cabdi Saabir Shuuriye ayaa dhowaan balan-qaaday in howshiisa ugu badan isugu geyn doono dhismaha Dekeda Hobyo, si Galmudug ay u yeelato Deked.

Magaalada xeebeedka Hobyo ayaa ah mid istiraatiiji ah, waxaana haddii Dekeda la hirgelinayo noqoneysa mid si weyn uga qeyb qaadata horumarka iyo kobaca dhaqaale ee Gobolada Dhexe ee Soomaaliya iyo deriska Itoobiya.

Dhismaha Dekeda Hobyo ayaa dhowr jeer oo hore loo dhagax dhigay, illaa iyo hadda lama bilaabin dhismaha, iyadoo dowladda Qatar ay balan-qaaday inay dhiseyso, waxaana labo sano ka hor dhagax dhigay Dekeda ay yeelaneyso Hobyo Madaxweyne Farmaajo.

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Wax walba oo wanaag ka iftiimo waxaa alle looga rajeeyaa inuu waafijiyo wixii khayr ku jiro.

Mudug waxaa ku nool dadka soomaaliya ugu caqli badan siday ayagu aaminsanyihiin, waxaana xukumi kara nin ka caqli yar.

Hadaan sii fasiro nin ayaga dhagaysta wax isku wadi kara dulqaad leh inuu geesi yahayna qarsan kara.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.