Suldaanka

Caption this... Djibouti

Recommended Posts

1 hour ago, maakhiri1 said:

Galbeedi,  indeed 

There are  two things happening 

1-SL is broke and isbaaro Waxaa dhigtey MOGADISHU, have you been to Hargaisa lately,  gaajo saaid ah baa ka dilaacdey,  and they desperate for more aid. Also Sl recently idioticly refused millions of aid though Mogadishu,  they need these.

2- Farmaajo wants extension and want to us this as leverage , plus appease D1rta WAQOOYIGA. Remember he can not count on PL. Aslo Same way made Olive branch to MADOOBE 

Waa la kala faaideeysan.

 

Those votes are by default 'for sale'. They will sell it to the highest bidder. 

But these talks are being pushed by the US/Abiye Ahmed. Abiy wants to cement himself as the peace maker/negotiator in the region. He recently made peace deal between different groups and gov't in Khartoum, and previously resolved the border dispute between Ethiopia and Eritrea. And now wants to focus on Somaliland/Somalia issue. 

But he just realised that the Somaliland/Somalia issue is a lot harder than it seems. That is why the US is got involved and the US proposed for IOG to lead the talks. 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

The talks of Somaliland  and Somalia will not get any where until there is real mediation and a real agenda of these talks and a time frame. Aslong as there is non of these things above. Its just a waste of time and effort. 

 

Galbeedi still has hopes that somaliland will be ruled by Mogadishu. Its been almost 30 years give it up. 

Share this post


Link to post
Share on other sites


The last person on earth US, UAE and their water boy Abiy would want to help with Somaliland/Somalia talks is Ghelleh.

But this was known from the get go. The only person who Somaliland can tolerate is Ghelleh. At the very least Somaliland knows Ghelleh is against any kind of war.

When about 6 months ago Farmaajo asked for Ghelleh help to talk to Somaliland, Ghelleh's question was what is the agenda and what is the prospect for any agreement on any subject?
Are you going to make announcement that president A. Shiek's agreement with Silaniyo will be respected and implemented. This agreement's main point is that both Somaliland and Somalia will not oppose any activities done with other countries provided the activity is for development.



Ghelleh now will get his pound of flesh" from farmaajo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Yusuf Garaad Continues.... 

 

Somaliland maxay ku faleysaa Midnimo?

Waa isbarbardhig ku saabsan matalaadda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Dowladda Somaliland.

Labada dhinac markii u horreysay ee ay is hor fariistaan waxay ahayd January, 2012. Waxay ahayd Chevening House oo ah meel aan ka fogeyn magaalada London.

Shalay ka hor, kulankii u dambeeyay wuxuu ahaa 2014 oo ay labada Madaxweyne ku kulmeen Djibouti.

Labada shir mid aniga oo suxufi ah ayaan joogay ergooyinkana gooni gooni ula kulmay. Midka kale, wafdiga Madaxweynaha ayaan ka mid ahaa oo miiska ayaan fadhiyay.

Intii u dhexeysay si dhow ayaan ula socday. Marka aan suxufinnimo ku shaqeynayay labada dhinac ayaan xog wareysanayay.

Marar kale aniga oo matalaya Soomaaliya ayaan wadahadalka uga qeyb galay Istanbul, Ankara oo ahayd kulan aqoonyahanno iyo Djibouti. Qaar kale qabanqaabada ayaan wax ku lahaa. Is arag aan la shaacinna si hoose ayaan xogtooda u helay.

Ku dhowaad dhammaantood waxaa ii muuqata in aan labada dhinac ahayn isku diyaar garow xag macluumaad iyo waliba marka ay noqoto in aan waxba lala harin ee loo bareero dhinaca kale.

Waxaan qabaa dareenka ah in ay isa soo hor fariistaan koox taqaanna waxa ay ka hadleyso iyo sida ay u dhigeyso, Iyo koox dooneysa Midnimo ay doonayaan in ay ku helaan “in ay u caqli celiyaan walaalhood.”

Istaraatiijiyada Somaliland waa in Soomaaliya ay noqoto laba dal oo koofuriyo Woqooyi ah.

Dooddu halkaa kama degto, waxba lagama beddelo, waxna kuma soo biiraan.

Waxay ku bixisay dhiig, kharash fara badan iyo borobagaanda. Waa dacaayad aan kala go’ lahayn oo dadweynaha la gaarsiiyay, laguna celceliyay.

Waxaa la hubiyay in shakhsi kastaa ay farriintu gaarto - mid awalba sidaa qabay amaba ka horreeya, mid hadda lagu qanciyo iyo mid lagu celceliyo ugu yaraan ilaa uu ka garaabo.

Waxay saaxiibbo ku yeelatay Saxaafadda Caalamiga ah, aqoonyahanno iyo diblomaasiyiin shisheeye. Xafiisyo u sameysan suuq geynta siyaasadda ayaa la kireystay.

Si doodda aan loo kala illoobin, marnabana aanay dadka madaxiisa uga bixin waxaa loo sameeyay astaamo lagu xusuusto.

Mid keliya haddii aan xuso waa Taallada ay dayaaradda Miigga ahi saaran tahay ee qof og in aad og tahay sheekadeeda murugada leh aanuu ka caajiseyn in uu mar laba iyo ka badan kuugu soo celiyo.

Somaliland shakhsiyaad beey leedahay loo bixiyay ‘mujaahiddiin’. Waxay la dagaallameen oo ay ka adkaadeen shakhsiyaad astaan looga dhigay shar oo loo bixiyay ‘faqash’.

Qof kastaa wuxuu ka qalin jebiyay Iskuulkaas furan ee ku saabsan wixii la soo maray, wax lagu daray iyo waxa hadda la haysto oo aan la heleen haddii Soomaaliya laga sii tirsanaado. Aqoontaas barashadeeda ma jirto meel ka caaggan. Waxaa lagu bartaa xafladaha, xafiisyada, goobaha ganacsiga, guryaha iyo saxaafadda bulshada, waxaana laga dhegeystaa Raadiyaha iyo TV-ga.

Iyada oo ay taasi jirto ayaa marka wadahadal la tagayo waxaa la soo xulaa dadka ugu xog ogaalsan, ugu mintidsan, qaarkood ay waxyeello toos ahi soo gaartay oo marnabana aanay suurta gal ka ahayn in uu shaki ku dhasho.

Waxaa intaa u wehliya aqoonyahanno u soo diyaariya doodda, mararka qaarna sooba raaca oo ka tirsan ergada.

Madasha ayay tagaan iyaga oo ku hubeysan Taariikh si taxaddar leh loo soo xulay, xad gudubyo iyo dhacdooyin fool xun oo dhab ah iyo qaar fasiraad aan sax ahayn laga bixiyay. Iyo wax kasta oo sax ama khalad leh ee ay Somaliland ku gar heli karto kuna caddeyn karto in xalka keliyihi uu yahay in laba dal la noqdo.

Intaa waxaa u dheer in shacab iyo Dowladba ay la xisaabtayaan wafdigu marka ay dalka ku laabtaan.

Federaalka

Soomaaliya waxaa u safta Madax ay ku jiraan qaar ku soo booday ama lagu soo dhex tuuray wafdi baxaya, xilka ay ku magacaaban yihiin awgiis ama si loo buuxiyo 4.5 beesha ay ka soo jeedaan darteed. Mararka qaar waxaa taga ergo mid kasta oo ka mid ah ay tahay markii ugu horreysay ee wadahadalkan uu ka qeyb galo.

Xubnahaas waxaa laga yaabaa in qaarkood aanay weligood tegin, akhrin, iskuna howlin in ay si qoto dheer u fahmaan doodda Somaliland waxa ay ku saleysan tahay.

In aanay aqoon taariikhda oo dhammaystiran. In aanay la socon dhacdooyinka foosha xun ee hore u dhacay, marka laga reebo in ay maqleen woqooyi waa la duqeeyay.

Iskaba daa midda ka sii culus oo ah waxa la soo hor dhigi karo ee ku qancin kara reer Somaliland in ay dantoodu ku jirto Midnimada.

Istaraatiijiyada marar badan la isku dayo in lagu iibiyo Midnimadu waa niyad wanaag iyo in la yiraahdo 'walaalayaal midnimada ayaa ka wanaagsan tafaraaruqa ee midnimada aqbala'.

Taariikh, sharciyad iyo dood Soomaaliyeed intaba dad la geli kara Somaliland kuma yara Koofurta. Waxaa ugu badan Soomaalida ka soo jeedda Somaliland ee madax iyo shacab leh ee Muqdisho iyo ku nool kana shaqeysta gobollada oo dhan.

Qaarkood sabab kasta ha keentee Midnimada ma iibiyaan.

Qaar kalena, oo ay ku jiraan kuwo isku arsaday khabiirnimo iyo heybad, fursad looma siiyo in ay qeyb ka ahaadaan wadahadalka ama xataa ay daaha gadaashiisa ka talo bixiyaan.

Soo jeedin

Soomaaliya waa dal aad u weyn oo ka weyn Ingiriiska iyo Talyaaniga oo la isku daray.

Sidaa darteed, qof kastaa arrimaha gobolkiisa ama degaankiisa wuu kaga xog ogaalsan yahay inta kale oo dhan.

Labadii Gobol ee midoobay marka uu midkood gooni isu taago, inta u dhalatay ee sidaa taageersan iyo inta diiddaniba, ariinta waa ay uga xog ogaalsan yihiin Soomaalida inteeda kale.

Waxaan qabaa in Koofurta laga furo dood Dadweyne oo qoto dheer oo ujeeddadeedu ay tahay in ay sahasho is faham.

Dooddaasi waa in ay jawaab u heshaa weydiinta ah cinwaanka qormadan - Somaliland maxay ku faleysaa Midnimo?

Madaxda Somaliland iyo shacabka taageersan waa maxay danta ugu jirta Midnimada, ee la tusi karo, la taabsiin karo ayna ku qanci karaan?

Su’aashaas jawaabteeda waa in ay dusha ka bartaan ugu yaraan inta siyaasadda ku jirta iyo inta daneyneysa in ay gasho.

Iyaga oo intaas yaqaan, ka dib, ayay marka la soo xulo u diyaar garoobi karaan oo ay dejin karaan Istaraateejiyada wadahadalka iyo taatikada ay tahay in la adeegsado

Share this post


Link to post
Share on other sites

Faisal Roobleh's take continues...

 

Talk of the Town

Part II: Unfiltered Perspective and The Djibouti Conference

Picking up the carcasses in Djibouti after an intense two-day talk, Somaliland shines while Somalia delegation will return home defeated and overwhelmed. From the speeches of the two presidents to the quality of delegates, there is a consensus that Somaliland was prepared while the other side was at a loss. I will leave this subject there for there in no mileage to be gained from beating a dead horse.

In passing, I would just mention a wild thought that dawned on me while jogging yesterday. Imagine if the unionist side was represented by Dr. Ali Abdirahman Hersi (UCLA, History Dept- 1976), General Jamac Mohamed Qalib (author of the Cost of Dictatorship), Dr. Ali Isse (fonder of Horn Economic Social Institute – HESPI, and a retired senior officer at World Bank), Her excellency Fowsia Haji Adan (Former Deputy PM), Osman Hassan Badawi, a British educated Veteran journalist and a senior former UN employee), Jama Kaluun (a senior statesman and a former leftist), Ismail Geldoon (retiree from ECA), Dr. Abdi Ismail, professor of Geography at the University of Minnesot, and others.

I am sure the outcome would be either a full recognition of Somaliland as a state that coexists with Somalia peacefully, or a reintegration of the viewpoints of the northerners to seek some other alternative short of full separation. That was only my day-dreaming thought.

The Contents of the Talks

Somaliland went to the conference venue with two of the most important factors in mediation at hand: (1) a legal argument supported by “facts;” and (2) a prepared confidential statement red and then distributed to the mediators. In this case, mediators consisting of the Horn of Africa countries of Djibouti and Ethiopia, EU, AU, IGAD, UN, US. multitudes of NGOs, Somaliland’s case received the highest profile ever. Its case will never be the same and we will see that in due course.

Delivered by President Muse Bihi without any fear or favor to Farmajo, the recent Somaliland history of atrocity was weaponized to the detriment and, therefore, disarming Farmajo. Call it a poetic justice, but the stage was claimed by two contrasting leaders: President Muse Bihi is a former colonel of the now defunct Somali national army who later defected to join the Somali National Movement; when it comes to the issue of Somaliland, he is a no-nonsense man with an added ability to make his case in context Somali traditionalist appreciate and comprehend. In earlier times, some would have called him a “corn-fed country boy,” but that is what Somalis cherish. In American parlance, he pulled up himself with his bootstrap.

President Farmajo, on the other hand, is a silver spoon-fade beneficiary of the Barre regime who got an unearned position at the Somali embassy in Washington in his early twenties. His inability to read Somali history as it pertains to atrocities in Barre years and what now became a national pass time - his unlimited gaffs - overshadowed his messages which in anyway was light and soft.

In Djibouti, we watched in real time the reenactment of the biblical war between David vs. Goliath - all sympathy was for David.

With ease and unchallenged, President Bihi advanced a theory for his cause – this time changing the nomenclature from a “a case of secession for Somaliland,” to the “dissolution of former Somali Democratic Republic.”

Borrowing Alison Eggers' interpretation of the Montevideo Convention, President Bihi has argued that Somaliland has satisfied statehood.

The Montevideo Convention specifically mentions these four prerequisites for statehood: (1) Established permanent government; (2) a defined territory; (3) permanent population, and (4) capacity to enter relationship with other states.

Just for historical perspective, Alison Egger is a Boston-based lawyer who was recruited to this cause by the resourceful the late Dr. Hussein Adan (Tanzania, a profound intellectual) and his colleague, the late Ibrahim Maygag Samatar (a former chairman of the SNM and a leftist intellectual). He was the first one circa 2006 to align Somaliland’s argument with that of Montevideo Convention. Today it was used in the Somaliland/Somalia entanglement beyond the academic confines.

The revival of the Montevideo Convention in the Somaliland case, therefore, is a subject I personally wrote elsewhere (see Local and Global Norms: Challenges to Somaliland’s Unilateral Secession, HoA, Journal, Volume XXV, 2007). It was clear from President Bihi’s speech that Somaliland team deliberately de-emphasized other international conventions that may hinder its case.

These instruments among others include UN Resolutions of the General Assembly 1541 (XV) and 2649 (XXV). Product of Woodrow Wilson’s era, these instruments give more say to the concept of territorial integrity, whereas the Montevideo Convention defines statehood as a function of those four factors listed above – four factors that Somaliland feels to have satisfied.

Moreover, President Bihi and a follow up interview given by Mohamed B. Yonus (former Foreign Minister of Somaliland and part of the Bihi delegation) tried to debunk the “act of union” by saying that it was never ratified by Somaliland people therefore it is null and void. The act of union which Somaliland has attacked as non-binding reads this:

“Section 1(a) stated that “The State of Somaliland and the State of Somalia do hereby unite and shall forever remain united in a new independent, democratic, unitary republic the name whereof shall be the SOMALI REPUBLIC.”

According to President Bihi’s speech, this was never ratified.

However, President Bihi omitted the posthumous language added to the “act of union” in January 1961 which reads this: “To dispel any uncertainty, it was thought desirable, as a first step, to enact a law applicable to the whole territory of the Republic… done in January 31, 1961, six months after unification, when the National Assembly adopted by acclamation a new act of union, which repealed the Union of Somaliland and Somalia Law, and which was made retroactive as from July 1, 1960.” (see Faisal Roble, 2007).

This is one of the main challenges Somaliland regularly faces in the legal arena of the debate. However, since the Somalia delegation came to the Djibouti talks with neither a theory - beyond naively begging for a lost brotherhood - nor the capacity to convey its message to the largest ever assembled international gathering to listen to the plea of Somaliland, Mr. Bihi undeniably declared or can declare mission accomplished!

In Part III, I will discuss what this conference means to Somaliland and how naively even some learned Somalia side are responding. Stay tuned!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Faisal Roble hate towards Farmaajo is very obvious but why!

He sounds like that boy from Waayaha Cusub, who seek a position in Villa Somalia cuz he is related to Farmaajo and when denied, started that song.

SULDAANKA,  NINKAN waa jirjiroole, berri isagoo leh SL Bay qaadatey arki.

Share this post


Link to post
Share on other sites
1 hour ago, maakhiri1 said:

Faisal Roble hate towards Farmaajo is very obvious but why!

He sounds like that boy from Waayaha Cusub, who seek a position in Villa Somalia cuz he is related to Farmaajo and when denied, started that song.

SULDAANKA,  NINKAN waa jirjiroole, berri isagoo leh SL Bay qaadatey arki.

Faisal has been one of the staunchest opponents of Somaliland. As far as I can remember he attended every conference and never missed an opportnity to bash Somaliland on Radio/TV interviews or programs.  

It is good that he can now see things from Somaliland's perspective. He understands that Somaliland is not a joke, it is not about people who want 'mansab' or 'positions' or other narrow interests. This is about the future of Somaliland's people. 

And that is essentially what is winnning Somaliland's detractors and opponents. One by one, the inscapable facts are just too obivious to keep on ignoring. 

Here on SOL, our friend @gooniis on the same path or trajectory. Maalinba laan u qabsado ayaa u go'aysa, ilin uu naawilaayay ayaa ku soo oodmaysa. :D :D

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Organisation of Islamic Countries press release:

 

General Secretariat Welcomes Summit of the Presidents of Somalia and Somaliland

Date: 16/06/2020

The General Secretariat of the Organization of Islamic Cooperation (OIC) welcomed the initiative taken by H.E. Mr. Ismaïl Omar Guelleh, President of the Republic of Djibouti, to host a consultative summit between H.E. Mr. Mohammed Abdullah Faramago, the President of the Federal Republic of Somalia, and H.E. Mr. Musa Bihi Abdi, the President of Somaliland, on June 14-15, 2020 in Djibouti. The summit aimed at resuming talks on the “Somaliland” file.

The General Secretariat praised this initiative, which resulted in the agreement between the two sides to form a joint technical committee to prepare for resuming negotiations and following up on outstanding issues. It also commended the role of the Republic of Djibouti in helping the two sides to resume talks as being a valuable contribution to promoting peace in the region.

https://www.oic-oci.org/topic/?t_id=23522&t_ref=14047&lan=en

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Yuusuf garaad

Waa dubulamaasi qabiilayste ah ilaa yaraanteenii waan naqaanay inuu dab afuuf yahay.

Islaantii dagaaladii sokeeye hargaysa ugu dhimatay iyo tii adeerkiis caydiid bateriga ku dilay maxaa farqi ah oo u dhaxeeya?

Midna taaladeedu ilmay iga keentay midna madaxaygaba kuma jirto caqli gal ma'ahan.

Cinwaanku waa hiilo caadifadaysan.

Wuxuu qorayna waa wax kale oo aan waafaqsanayn cinwaankiisa.

Waxaa la rabay inuu dhaho

Soomaaliya maxay ku falaysaa midnimo?

Waa dhexdhexaad boogahoo dhan dhayi kara markaad rabto inaad qiiq isku qariso.

Faysal rooble wuxuu farmaajo ku nacay dhiibistii qalbi-dhagax laakiin cid garanaysa ma jirto wuxuu siyaad barre ku nacay.

Aragtidayda waxaan is leeyahay waa labo arimood.

Midda koowaad 
Cilmaanigu inta badan istaagay ku xaajoodaan way iska sanifaan dadka. 
soomaalidu waxay tiraahdaa koobkuu ka dhex arkay.

Midda kale oo macquulkaana waxaa weeyaan 

Sida la sheegay ninmankan waa laandheere waa 8milyan, mana qabo in dhamaantood oday caraba oo miskiina uu kaligiis dhalay.

Dadbaan ka maqlay abtir-ahaan waa snm dhalan rogmay alahu-aclam.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qormaddi Yusuf Garaad

Heshiiskii qaybsiga maamulka Hawada Somalida ee Somaliland iyo Somalia

Bishan July 9 keedii ayaa magaalada Istanbul ay mas’uuliyiin sare oo Soomaaliya iyo Somaliland ka socdaa waxay ku heshiiyeen in ay la soo wareegaan maamulka hawada Soomaaliya, in la isla maamulo iyo in Hargeysa laga maamulo. Waxaan qormadan ku soo bandhigayaa wixii laga soo maray in heerkan la soo gaaro, waxyaabo heshiiskan weli ka dhimman, waxa la maamulayaa waxa ay yihiin, qiyaasta dakhliga ka imaan kara iyo weliba haadaanta muuqata ee hor taalla meelmarinta heshiiskan.

Waxay ahayd 2002 markii Dowladdii (TNG) ee uu Madaxweynaha ka ahaa Cabdiqaasim Salaad ay weriyayaasha Muqdisho isugu yeertay ee dowladdu ku dhawaaqday in wixii “maanta ka dambeeya” hawada Soomaaliya laga maamuli doono Muqdisho. Waxaa weriyayaasha loo sheegay in loo oggol yahay in ay duubaan wadahadalka dhex maraya dayaarad ku jirta hawada Soomaaliya iyo sarkaal duulista hawada ah oo Raadiye la fadhiyay Muqdisho.

Sarkaalkii wey u suurta gashay in uu dayaarad la hadlo, markii ay isdhaafsadeen su’aalo iyo jawaabo tashwiish fara badani ku dhex jiro, ayaa waxaa soo dhex galay cod ka faseexsan labadaba oo duuliyaha ku yiri: Ha la hadlin qofkaas waa burcad. Annaga ayaa halkan kaa hagi doonna.

Codkaas ayaa soo af jaray muddo gaaban oo ay si xoog ah Dowladdii TNG ula wareegtay hawada Soomaaliya.

Sida uu berigaa qoray The Economist, taa waxaa ka horreyay isku day ay Somaliland damacday in xafiiska hawada Soomaaliya maamula ee Nairobi loo wareejiyo Hargeysa. Inkasta oo berigaas ay xirnayd gegida dayaaradaha ee Muqdisho, haddana arrintaas waxaa diidday Muqdisho oo ku hanjabtay in ay hawadeeda ka xireyso duullimaadyada caalamiga ah ee dul mara. Ilaa aakhirkii ay Hargeysa oggolaatay in xaalku sidiisa sii ahaado.

Dowladdii Shiikh Shariif ee TNG ayaa Ra’iisal Wasaare, Cumar Cabdirashdiid billaabay in uu isku dayo in uu soo ceshado maamulka hawada Soomaaliya. Wuxuu qoray codsi aan cidi dheg jalaq u siin. Wuxuuna Gegida dayaaradaha ee Muqdisho uu qandaraas ku siiyay in ay maamusho, sharikad laga leeyahay Dubai, oo la yiraahdo SKA.

Ra’iisal Wasaare Maxamed Cabdullaahi ayaa isaguna ka mid ahaa Madaxdii Soomaaliya ee isku dayay in ay maamulka hawada dalka ay kala soo wareegaan xafiiskii Nairobi laga unkay ee CACAS ee ay wadajirka u sameeyeen UNDP iyo Ururka caalamiga ah ee Duullimaadka. Codsigiisii lama meelmarin.

Soomaaliya hadda waxaa ka jirta Dowlad ka gudubtay ku meel gaar wixii loo yiqiin. Bishii May ee sannadkan ayaa Wasiirka Isgaarsiinta iyo Gaadiidka, Cabdullaahi Ciilmooge, wuxuu ku dhawaaqay warkan oo dad badani ku farxay. Bishii June ayay Golaha Wasiirradu ay Muqdisho fariisteen oo ay ansixiyeen qaanuun ku saabsan Duullimaadka hawada Soomaaliya, si Baarlamaanka loogu gudbiyo. Maalintaas waxaa xafiiska Ra’iisal Wasaare, Saacid Shirdoon, uu ku tilmaamay in qaanuunkaasi uu wax weyn ka beddeleyo oo kacdoon hor leh uu gelinayo madaxbannaanida hawada Soomaaliya.

Hawada la wareejinayo waa Soohdimaha caalamiga ah ee Soomaaliya oo dhan oo ay ku juraan Somaliland iyo hawada badda Soomaaliya. Waa marin dayaaradeed oo muhiim ah. Afrika iyo Carabta ayuu isku xiraa. Ma aha keliya dayaaradaha maalin kasta ka degeya Muqdisho, Hargeysa, Gaalkacyo, Kismaayo iyo meelo kala oo badan oo Soomaaliya ka tirsan. Sida aan ka akhriyay New York Times, qiyaastii 90 dayaaradood ayaa maalin kasta soo gala hawada Soomaaliya. Waxaa ka mid ah Air France oo u kala goosheysa Paris iyo Réunion. Emirates oo isku xireysa Dubai iyo Johannesburg. Dayaaradda Israel El AL oo Tel Aviv iyo Thailand isku xireysa. Mar kasta oo dayaarad Jet ah oo rakaab siddaa ay hawada Soomaaliya soo dul martana waxay bixisaa $275. 

Markii dowladda Soomaaliya ay ku dhawaaqday in ay la wareegeyso hagidda dayaaradaha, waxaa furka tuurtay Somaliland. Waxay ku hanjabtay kana *****say in ay joojiso dullimaadyadii Qaramada Midoobay (QM) ee tegi jiray Somaliland. Waxay u aragtay in QM ay hawada “Somaliland” ku wareejineyso “Soomaaliya”.

Wadahadalkii Soomaaliya iyo Somaliland ee Istanbul, Turkiga (7-9 July) waxaa lagu heshiiyay in hawada la isla maamulo, lagana maamulo Hargeysa, caasimadda Somaliland.

Waxaa loo macneysan karaa in Somaliland ay heshay sidii ay dooneysay. Faallooyinka laga bixinayo heshiisku waxay muujinayaan dhinacyo Somaliland ah oo aad u soo dhoweeyay.

Laakiin qaar kale ayaa weyneyso ku eegaya heshiiska si ay gal daloollo uga helaan. Waxay u arkaan in arrintani ay si uun ugu soo dabbaaleyso wax wadaag ay la galaan Muqdisho. Waxay u arkaan in shaqaale iyo madax laga soo magacaabay Muqdisho ay ka hawlgeli doonaan Hargeysa. Waxay is leeyihiin waxaa heshiiskani muujineyaa in hawada Soomaaliya oo ay ku jirto Somaliland ay tahay mid qudha.

Ergadii Somaliland ee Istanbul waxay u baahan yihiin fasiraad iyo ka dhaadhicin in ay u sameeyaan shacabkooda. Weliba shacabka Somaliland waxay leeyihiin cod si dimuqraaddi ah ay u adeegsadaan oo Madaxweynaha iyo xubnaha baarlamaanka ay ku soo doortaan. Sidaa darteed dowladda Hargeysa wey uga nugashahay guuxa dadweynaha marka loo fiiriyo dowladda Muqdisho, oo iyadu aan weli heerkaas gaarin.

Ergada Muqdisho ka timid iyaga waxaa u yaalla su’aalo ka adag kuwa Hargeysa la is weydiinayo.

Maxaad hawada Soomaaliya ugu wareejiseen Gobollo aan caalamka iyo dowladda Soomaaliya midkoodna dowlad u aqoonsayn? Ayaa ka mid ah su'aalaha soo noqnoqonaya ee aad ka daalacan karto saxaafadda bulshada. Waxaa jiri doonta in Puntland oo iyadu tartan kula jirta Somaliland, haddana aanay isku wanaagsanayn Dowladda Federalku, ay su’aalo waaweyn meesha keento. Puntland hadday weydiisato in dakhliga qeybteeda laga siiyo, waxay dad badan ula muuqan doontaa wax macquul ah.

Heshiiska weli waxaa ka dhimman tafaasiil. Yaa Madax u noqonaya Guddiga iskudhafka ah ee labada dhinac? Erayada (afgaradka) la isticmaalayo marka dayaaradaha lala hadlayo maxay noqonayaan? Si kale haddii loo dhigo, hawada ay maamulyaan magaceed?

Hawlgalku marka uu billowdo waxaa dhici karta in laba ama saddex jeer isla maalin gudaheed ay soo baxaan arrimo u baahan in cid iyaga ka sarreysa ay ula laabtaan, go’aan deg deg ahna loo baahdo. Marka ay xaaladdaasi timaad, yaa loo noqonayaa? Dakhliga sidee loo qeybsanayaa?

Dabcan Xafiisku wuxuu ahaanayaa Hargeysa. Raadiyuhu wuxuu oollayaa Hargeysa. Waxaa la ii sheegay in la filayo in Madaxa Kooxdu uu ka imaan doono Muqdisho, ku xigeenkuna Hargeysa. Laakiin tirada kooxda lama yaqaan. Weli laguma heshiin ayaan maqlayaa “code”-ka ama afgaradka ay isticmaali doonto. Dakhliga sida loo qeybsanayana weli laguma heshiin.

Haddii intaas oo dhan la isku af garto, weli waxaa taagan su’aalo kale. Tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya 1991, waa markii ugu horreysay ee Soomaali ay maamusho hawadeeda. Biseylkeedii ma leennahay?

Waxaan maqlayaa in ay dayaarado ka degaan Taleex iyo Buuhoodle, halkaas oo ay ku badan yihiin taageerayaasha Khaatumo State oo diiddan gooni isu taagga Somaliland. Somaliland ma oggoshahay in duullimaadyadaaasi  ay si habsami leh u socdaan?

Muqdisho waxaa hadda ugu yaraan khilaaf kala dhexeeyaa Kismaayo. Dayaaradaha u kala goosha Nairobi iyo Kismaayo ama Kismaayo iyo Puntland, waxay mararka qaar daad gureyaan siyaasiyiin ka dhan ah Dowladda marna dhaawac ay islaayeen ciidankeeda. Armay isku daydaa in ay faraha la gasho?
 

Mise waxaa la isticmaali doonaa xeerka caalamiga ah ee dayaaradaha yaryar  ku duulaya joogga gaaban ee dhul hawo wanaagsan oo duuliyuhu ku hagi karo dayaaradda araggiisa dhulka (VFR – Visual Flight Rules)? 


Haddii intaas oo dhan la isku af garto, si habsami lehna ay u socdaan howlaha duullimaadka hawada Soomaaliya iyada oo ay Soomaali hagayso, oo aan rajeynayo in ay sidaas u dhacdo, waxay noqneysaa guul u soo hoyatay Somaliya iyo Somaliland.

Waxaanan rajeynayaa in ay xigi doonaan heshiisyo ka sii muhiimsan oo aakhirka keena in midnimo ama deris wanaag mid uun la isku afgarto.

F.G. Ergooyinka Istanbul waxay isku hor fariisteen heshiiskana ku kala saxiixdeen in ay kala matalayaan: Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Dowladda Somaliland.

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ethiopia Foreign Ministry covers Somaliland+Somalia talks in Djibouti.

 

----------

Djibouti hosts Consultation Summit between Somalia and Somaliland

The leaders of the federal government of Somalia and Somaliland held a meeting in Djibouti on Sunday (June 14). The meeting was hosted and chaired by President Ismail Omar Guelleh of Djibouti who said:  “The resumption of the talks between Somalia and Somaliland is a perfect illustration of the continued determination of the leaders of the region to resolve differences through dialogue”.

During the consultation summit on relations between Somalia and Somaliland, Prime Minister Abiy Ahmed reiterated the value of peace and reconciliation in the Horn region as the foundation for regional integration. It is recalled that the consultation summit follows a meeting between the two leaders facilitated by Prime Minister Abiy Ahmed in February 2020 in Addis Ababa. In the summit, Prime Minister Abiy recounted the abundant resources in the region that can be utilized effectively for regional development, if cooperation and peace are made to be leading forces. He emphasized, “together we can pool our resources to break the vicious cycle of poverty and despair.”

A Statement by the High Representative/Vice President of the European Union, Josep Borrell appreciated the resumption of dialogue between Somalia and Somaliland saying, it is ‘’an important and positive step in the process of normalising their relations, bringing renewed hope not only for the people of Somalia and Somaliland but for the whole Horn of Africa. It is an essential part of confidence-building measures to reconcile differences and promote peace-building, prosperity and development in the region. Djibouti and Ethiopia played a determining role in making this dialogue happen.’’

A statement issued by Somalia’s international partners also welcomed the dialogue between President Mohamed Abdullahi Mohamed ‘Farmajo’ and President Muse Bihi Abdi and commended the regional support, and engagement that led to the talks.The statement further welcomed the meeting as ‘’an important step in strengthening communication and fostering understanding, and encourage the technical committee named by the principals to deliver tangible benefits for their people.’’

The international partners of Somalia that signed on the statement commending the recent move between Somalia and Somaliland are the United Kingdom, African Union Mission in Somalia (AMISOM), Belgium, Canada, China, Denmark, Ethiopia, European Union, Finland, France, Germany, Intergovernmental Authority on Development (IGAD), Ireland, Italy, Japan, Netherlands, Norway, Sweden, Switzerland, Turkey, Uganda, United States, United Nations.

*****************

Share this post


Link to post
Share on other sites

The whole thing failed,  and I doubt if there will be follow-up meetings 

As for Siidhiga, durbaanka,  waa nooc mina maaweelin but at end people will see the truth

BUUR MADDOOW,  should have been included,  he sees bs going on

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.