Deeq A.

XF Soomaaliya oo shaacisay inay dalka ka difaaceyso shirkadda DP World

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online ) – Wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Ciise Cawad oo wareysi gaar ah  siiyey Telefishinka Al-Carabiya ayaa markale ka hadlay arrimo ku aadan shirkadda DP World ee laga leeyahaya wadanka Isu Taga Imaaraadka Carabta oo weli maalgashi ka wada gudaha Soomaaliya.

Cawad ayaa sheegay in maalgashiga shirkaddaasi oo horey ula wareegtay dekadaha Bebera iyo Boosaaso ee Somaliland iyo Puntland uu yahay mid sharci darro ah.

Sidooo kale wuxuu tilmaamay in DP World ay khatar weyn-gelisay midnimada Soomaaliya, islamarkaana ay ku xad-gudubtay dalkeena.

Wasiir Axmed Ciise Cawad oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in dowladda federaalka ay marar badan u samirtay shirkaddaasi, balse haatan wixii ka dambeeyey ay diyaar u tahay dowladda Soomaaliyeed inay dalka ka difaacdo shirkadda DP World.

“Shirkadda DP-world way na xumaysay, waxayna khatar gelisay midnimada dalkeenna, welina ma joojin faragelinteedii, waan sabirnay, sabirkuna xad ayuu leeyahay; waxaan diyaar u nahay in aan ka difaacno dalkeenna, si lamid ah cidkasta.”ayuu yiri Cawad.

Shirkadda DP World ayaa horey dalka looga mamnuucay, kadib go’aan ay bishii March sanadkii 2018-kii soo saareen xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, balse waxaa jirta in weli ay maamusho dekedaha ku yaalla Berbera iyo Boosaaso oo ay heshiis hoosaad kala gashay maamullada Somaliland iyo Puntland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasiir Cawad “Xiriirka Qatar iyo Soomaaliya wuu wanaagsanyahay, laakiin kan aan la leennahay Imaaraadka hoos ayuu u dhacay“

202069637272755619355352.jpg

Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad oo wareysi gaar ah oo soconayay muddo 25 daqiiqo ah siiyay Telefashinka Al-Araby ayaa waxa uu ka hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan siyaasadda khaarajiga ah ee waddanka, waxaana wax laga weydiiyay dowrka muuqda oo uu dalka  ku leedahay arrimaha Gobolka, mandiqadda Carabta, qaaradda Afrika iyo Caalamkaba .

Wasiirka oo  u muuqday mid si weyn u taxa-daraya ayaa su’aalahaasi uga jawaabay, si furan, isagoo si gaar ah u dul istaagay meelo ay kamid ahaayeen arrinta Shirkadda Dekadaha Imaaraadka ee DP World , Xiriirka Qatar iyo Soomaaliya iyo saameyta siyaasadeed ee dalka uu  ku yeeshay mowqifkii dhex-dhexaadnimada ahaa ee laga qaatay khilaafka dowladaha Khaliijka soo kala dhex-galay.

Wasiir Cawad ayaa waxa uu sheegay in Soomaaliya ay dowr muuqda iminka ka qaadaneyso dhammaan Ururrada ay qeybta ka tahay islamarkaana ay ka muuqato, isagoo dhinaca mindaqadda geeska bari ee Afrikana tilmaamay in ay ka ciyaarayaan dowr xasillooni iyo nabad ku saleysan.

Mowqifkii dhex-dhexaadnimada Khilaafka Qatar iyo dowladaha Khaliijka qaar ayaa waxa uu tilmaamay in culeys adag ay kala kulantay Soomaaliya, balse ugu dembeyn ay dhammaan arrimahaasi maareysay.

Weriye Shaafici Abtidoon oo wareysigan qaadayay ayaa waxa uu weydiiyay Wasiir Axmed Ciise Cawad "bal inuu wax tafaasiil ah ka bixiyo xiriirka Qatar kala dhexeeyo Soomaaliya?", hase-ahaatee Wasiir Cawad ayaa si wanaagsan ugu ammaanay Qatar kaalinta garab istaagga ah oo ay sii yeen iyo xiriirka suubban ee kala dhexeeya Soomaaliya.

“Runtii Soomaaliya waxay ka kabaneysa dhibaato daba-dheeraatay, waxaan aad ugu mahad-celineynaa dowlad iyo shacabba walaalaheenna Qatar kaalinta togan oo ay ka qaateen xalka Soomaaliya iyo garab istaagga ay innoo muujiyeen” ayuu wasiir cawad ku sheegay Wareysigii uu siiyay Telefashinka Al-Araby .

Dhinaca kale mar wax laga weydiiyay xiriirka Soomaaliya iyo dowladda Imaaraadka Carabta ayaa waxa uu ku jawaabay inuu jiro hoos u dhac  xiriirka ah iyo is-fahmi waa’ , isagoo intaa ku daray in Soomaaliya ay ku dadaashay adkeynta xiriir ku dhisan walaalnimo iyo ixtiraam ka yimaada labada dhinac, sidaasi darteed mid la mid ahna  ka rajeynayeen dhanka kale , laakiin si loo dhammeeyo khilaafka Khaliijka, loona midooyo  dalalkaas, loogana shaqeeyo xiriirkooda oo wanaagsanaada, dowaan Ayaan rajeyneynaa ayuu yiri iney iska soo dhammaadaan.

Sidoo kale Wasiir Axmed Ciise Cawad ayaa la weydiiyay halka ay ku dembeysay qaddiyaddii Shirkadda dekadaha Dubai oo is-fahmi waaga labada dal sabab u aheyd, waxa uuna ku jawaabay “Shirkaddaasi waxay sameysay wax aan wanaagsaneyn, waxayna ku xad-gudubtay midnimada dhulkeenna, welina kama aaney waantoobin fara-gelinteeda in ay sii socdaan, waxaana u maleyneynaa in ay tahay shirkad gaar loo leeyahay, sidii horayba la innoogu sheegay, waxaana rajeyneynaa in dowladda Imaaraadka ay soo fara-geliso oo ay ka joojiso hab-dhaqankaas aan qurxooneyn ee shirkaddaas” .

Wasiir Axmed Ciise waxa uu intaa ku daray in Soomaaliya ay rajeyneyso haddii Imaaraadka ay sidaasi sameeyaan in xiriirkii uu kusoo noqon karo sidii hore.

“ Innagu Soomaaliya waan sabarnay, laakiin dulqaadku xad ayuu leeyahay, sida dowladaha kalana waxaan diyaar u nahay in aan difaacno midnimada dhulkeenna  “ ayuu Wareysigiisa ku yiri Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya .

Ugu dembeyn wuxuu ka hadlay Gobolka Geeska Afrika isagoo sheegay in lagama maarmaan ay tahay in lagu wada jiro nabad iyo xasillooni, sidoo kalena lagu heshiiyay fur-furnaashiyo iyo in Caalamka weji wanaagsan lagula tacaamulo.

Telefashinka Al-araby ayaa waxa uu saldhiggiisa weyn ku yaallaa dalka Ingiriis, waxaana hadda maamulo Weriye horay uga tirsanaa Telefashinka Aljazeera ee ku yaalla Doha , waxayna TV-gaan dadka falanqeeya siyaasadda Carabta ay ku sheegaan mid la aragti ah dowladda Qatar, walow maamulaha xaruntaan warbaahineed Abbas Nasser uu kasoo jeedo dalka Lubnaan.
 

Share this post


Link to post
Share on other sites
YaxaaS   

There's levels to this

1) Denial (can never happen)

2) Anger (will never happen)

3) Bargaining (Walalo did I ever tell you..)

4) Depression (Oh shh its happening, I wonder why they didnt accept my bargain of the century UNITY drizzled with instability and a dollop of dystopia)

5)Acceptance  (Bravo I knew you could do it, no hard feelings, lets not politisize this )

 

juxta.jpg.0a54eddcd8d366b2b2bc22ea724f8135.jpg

 

 

 

  • Haha - That was funny. You made me laugh! 1

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.