Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Mooryåånimo thinking in 2020

Recommended Posts

Muqdisho waa magaalo la wada deggan yahay waasa la kala leeyahay

Maqaamka Banaadir ay yeelanayso lagalama tashanaayo niman kayimid Gibilleey, Garoowe, Caabudwaaq, Kismaayo iyo Ceelbarde.

Lama waydiin doono nin aan kasoo jeedin Banaadir aayaheeda, ma goyn karo maqaankeeda, xaq uma lahan, waana riyo maalmeed kuwa ku haasaawaaya in maqaamka Muqdisho ay iyagu sameyn karaan.

Sharci uma lahan nin deegaankii uu lahaa maamul iyo astaan usameystay in uu warbaahinta ka yiraahdo dhaxalkii Muqdisho qaybteeda wax ku leeyahay.

Dastuurka Kmg ee noo yaalla xitaa waxaa kaweyn jiritaanka dadkii lahaa dhulkaan ee dulqaadnimada ku aqbalay in umadda Soomaaliyeed leyskugu keeno, ee ogolaaday in kaligood canshuur laga qaado, ee ogolaaday in ganacsigoogada wixii laga canshuuro lagu dhiso gobolllada dalka.

Muqdisho waa noolyihiin dadkii lahaa, waana meel ku caan ah in laga muuniyo midnimada Soomaaliyeed in ay muqaddas tahay, waa goobtii ogolaatay wadajirka iyo wada noolaashaha dhamaan shacabka Soomaaliyeed, waa goobta kaliya ee aan leheyn in nin Soomaaliyeed lagu heyb sooco.

Banaadir waa magaalo ka ilbaxsan magalooyinka kale ee dalka ee dadkeeduna aaminsan yihiin jiritaanka dowladnimada Soomaaliyeed.

Muqdisho ma aqbali doonto keyga anigaa leh, kaagana kula lihi, waana muhiim in aan fahamkaa ay wada yeeshaan dallaaleeyda rabta in ay wax duudsiiso dad soo jeeda.

Xigasho

______________

This regressive writer deliberately leaves out degmooyinka isleeyahay reerkiisa ayaa degan, sida Cadaado, Hobyo, Xarardheere, Warsheekh and such towns. Do those folks ka soo jeedo meelahaas uunan magacaabin 'aayaha Banaadir' maa lagala tashan karaa marka?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Why does an avowed atheist apostate care about Soomaaliya's affairs. Waa yaab. War noloshaada ifka iyo aakhira waa ku seegtee ee meesha noo banee.

This atheist character left the fold of Islaam, but apparently cannot leave the mental enslavement of qabyaalad. Cajiib iyo nuskeeda. Even more yaab is that he supports a wadaad warlord for the sake of qabyaalad.

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Muqdisho waa isbaaradii igu dambaysay wax walbana wakhti ay dhamaadaan bay leeyihiin.

Anagaa marti naloo yahay iyo thuma walaahi waxay ka dhalatay dagaaladii sokeeye.

Berigii hore dameer aan daba gelis lahayn kuma socon karin muqdisho, amarkana xasan abshir oo garoowe ku dhashay baa iska lahaa, taa macnaheedu waxaa weeye soomaaliya yaa caasimadeeda lahayd.

Lahaanshaha ay sheegayaan waxay ula jeedaan markii dadkii soomaliyeed oo dhan qaxeen oo usc' isku dishay, xaafaduhu waxay noqdeen dhufays ay ku kala gabadaan.

Macnaha ninka hobyo ka yimid hawl-wadaag asaga iska leh maanta oo waa dhufayskii aabihiis ku dhintay

Ninka ceel-dheer oo galgaduud ka tirsana, kaaraan asagaa iska leh oo waxaa ku yaal dhufayskii cali mahdi qoday.

Dayniile beel baa iska leh waana degomo cusub oo xeryihii military'ga laga bililaqaystay.

Kaxda waligay ma maqal waxaa la ii sheegay inay xoosh kasii dambayso, ayadana beel lahjada somali galbeed ku hadlaysa yaa wax laga waydiinayaa.

Qaymihii xamar lahayd dhulkay geliyeen bi-macnaa kalima.

Si kastaba Muqdisho meeqaam m'oryaan lagu abaal mariyo ma istaahisho waa magaalo madax soomaaliyeed.

Hadii dad la abaal marinayo dadkii guryahooda laga dhacay ha loo soo celiyo, kuwii laga dumiyayna ha loo dhiso, balse ninkii wax dhacay oo wax dumiyay ha la abaal mariyo waa arrin caqliga kasoo noqonaysa.

Ha la waydiiyo imaamka iyo aqoonyahanka usc maxaa laydinku abaal mariyaa oo aad wadanka iyo muqdisho u qabateen?

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   
5 hours ago, Apophis said:


 

meshas dad aya degan. Halo dayo ayan leyahay. 
 

Dadka degan hadii loo daayo aaway caasimadii dalka oo dadka ka dhaxaysay?

Gaalnimo iyo caqlimo xumo haysku darsan.

Ma waxaad doonaysaa in UUNSI caasumad kasta naloogu dirsado xataa tii aan u dhalanay?

Share this post


Link to post
Share on other sites
18 hours ago, gooni said:

Dadka degan hadii loo daayo aaway caasimadii dalka oo dadka ka dhaxaysay?

Gaalnimo iyo caqlimo xumo haysku darsan.

Ma waxaad doonaysaa in UUNSI caasumad kasta naloogu dirsado xataa tii aan u dhalanay?

Xoolihii diintiisa suuban asagoo Muslim lagu dhalay ka baxay, Rabigiisana ku caasiyeeyey maxaa ka sugee caqlixumo tii ugu xumeyd haddee ahayn?

The dude cannot even write a simple Soomaali sentence, iskaba dhaaf wax kale. It shows how Kiikuuyo basaas he is.

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Muxuu yahay meeqaamku?!
Ilaa iyo hadda wax noo fasira ma hayno si sax ah.

Aragtidayda meeqaamka waxay ula jeedaan markaan dhagaystay in badan. 

Qofkii  ku dhashay xarar dheere kii ku dhashay ceel-garas iyo haduu ku dhasho jawiil, kii ku dhasha matabaan. xamar isagaa iska leh, waana inuu helaa xaqiisii qabiilnimo oo dastuurka waafaqsan labada gole la mariyaa madaxweynuhuna saxiixaa.

Meeqaamka ay doonayayaan waa sidaas garashadayda.

Waa hagaag, anigu waxaan ku dhashay gobol, aabahayna wuxuu ku dhashay xamar. 

Waxaan isku guri ku dhalanay nin iga xiga muqdisho oo xaquuq qabiilnimo si dastuuri ah ku helay.

Sidee xaqaas labo muwaadin caasimadoodii ugu kala yeelan karaan?

Muqdisho markii iigu dambaysay waxay ahayd 13 degmo waa wakhti aad u fog waxaan daris la ahaa dad soomaaliyeed oo kala duwan guryaha ay degenaayeen ijaar ma ahayn ayagaa dhistay.

Waligay madaxayga ma gelin reer baad marti ugu tahay.

Muqdisho hadii reer yeeshay oo waabari, hodan iyo boondheere laga dhex doono gudoomiye usc ku abtirsada  haduu doono hobyo haku dhasho caasimad ma noqon karto.

Hadii xaafad walba degaan iyo wax qabad ay qofka ku doorataan qabiilna dhinac iska dhigaan tartamaan waa caasimad. 

Waa tan ugu fiican lagana yaabee aqlibiyada ugu badan inay yeelan lahaayeen wixii 90kii ka dambeeyay ayagoo jahli hadalka aamus ku badelaya.

Hadii sanetoro qabyaalad iyo sad bursi ama "baad" lagu siiyo sida farmaajo codsaday, waligood waxay ahaanayaan isbaaro miinaysan meelna la gaari maayo.

Waxaan dhagaystay dad ay ku sheegeen aqoonyahan, waxaan dhagaystay oday dhaqameed, waxaan dhagaystay culumo aragtidayda dad soo dhaw ma'ahan.

Aqoonyahanku waa inuu yaqaan xisaabta ugu yaraan ku dar iyo ka jar dadka isu yimaada waxaa faa'iidada badan keena dadka yimid magaalo waa tan laga helo qabiil kasta asgoo xor ah la dooran karo waxna dooran karo dhisto kuna ilmo dhalo.

Culimadu waa inay taqaano in la adeeco alle iyo rasuul iyo awlu-amri dadkana caqiidadooda hagaajiyaan

Oday dhaqameed waa inuu kala saaraa fikirkiisa gaarka ah iyo kan beeshu hoos kasoo dhistay.

Intaasu markay saxmaan waa la saxmayaa. 

Hadii kale dhul banaan ha la raadiyo oo cusub ha lagu dego 4.5 si loo helo caasumad loo wada dhan yahay.
 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.