Sign in to follow this  
Deeq A.

Ayax Ku Habsaday Somaliland Oo Dhibaato Badan Gaadhsiiyay Beeralayda

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Ayax aad u fara badan oo beryahanba laga dayrinayay in uu ku faafo dalka ayaa laga soo sheegayaa in uu ku habsaday dhul baaxadiisu dhan tahay 12700 hector dhamaanba goboladda Somaliland.

Ayaxasi oo ka dilaacay korontii uu dhalay Ayaxii bishii June ee sanadkii hore  Somaliland oo dhan ku habsaday. Isagoo Ayaxu sida caadiga ah Ugaxaantiisa ku aasa meelaha xeebaha ah.

Koronkorta uu Ayaxu dhalo waxay dilaacdaa soona baxdaa wakhtiga Gu’ga ama xiliga uu roobku da’ayo. Waana xiliga ay bilaabaan dadka beeralayda ahi u diyaar garoowga  tabcashadda wax-soo-saarka beeraha.

Waxaana sanadkan  isku soo beegmay xiligii ay beeralaydu u diyaar garoobayeen tabcashadda dalagyadda wax-soo-saarka iyo Ayaxii oo dilaacay.

Siyaasi-Axmed-Muumin-Seed.jpg?resize=300

Wasiirka wasaaradda beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed, oo maanta warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa ayaa ku tilmaamay Ayaxani  aafo dhibaato ku noqday wax-soo-saarkii beeralayda iyo dhul daaqsimeedkiiba.

Waxaanu yidhi,  “Todobaadkii u danbeeyay waxaa na soo gaadhaya fariimo ay noo soo dirayaan dadweynaha deegaamadda uu Ayaxu ku habsaday.

Warbixinihii ugu danbeeyay ee laga helayo waaxda la dagaalanka Ayaxa ee wasaaradda beeraha Somaliland ayaa tilmaamaysa in maanta uu Ayaxaasi ku fadhiistay dhul baaxadiisa lagu qiyaasay 12700 hector, marka la isku geeyo guud ahaanba Somaliland oo dhan, meelahaasoo u badan meelihii wax-soo-saarka”.

Wasiir Seed, waxa kaloo uu faahfaahin ka bixiyay goboladda ay ka tirsan yihiin meelaha uu sida daran u saameeyay Ayaxu.  “Goboladda uu aadka u saameeyay waxaa ka mida gobolka Awdal, Maroodijeex, Gabiley, Togdheer, Daadmadheedh, Sool, Sanaag iyo Sarraar.

Awdal meelaha uu aadka u saameeyay waxaa ka mida degmadda baki, Fiqi Aadan, Daba-dilaac, Xariirrad. Gobolka Maroodijeex meelaha uu aadka u saameeyay waxaa ka mida gegmadda Salaxley.

Geesta kale dad badan ayaa is waydiinaya ka hor intii aanu Ayaxu sidan u faafin sababta ay wasaaradda beeraha iyo xukuumaduba uga diyaar garoobi waayeen ama qorshe uga yeelan waayeen, maadaama oo la saadaalinayay in ay korontii uu sanadkii hore Ayaxu ka tegay ay dilaacayso.

Hase yeeshee wasiirka beeraha Somaliland oo su’aashaas ka jawaabayay ayaa ku dooday in ay qorshe ka yeesheen ka wasaarad ahaan, balse heerka uu hadda Ayaxu marayaa ay tahay aafo aanay u maarro haynin.

“Dhibaatadan Ayaxa, ka hor intii aanu na soo gaadhin ayaanu rabnay in aanu ka sii tabaabulshaysano. Laakiin, imika waxaa yimid wax anaga awoodayadda ka wasaarad ahaan aad nooga badan” ayuu yidhi Axmed Muumun Seed.

ayax.jpg?resize=300%2C169&ssl=1

Dhinaca  kale Axmed Muumin Seed, waxa uu sheegay in qaar ka mida hay’adaha caalamiga ah ee ay wada shaqaynta leeyihiin wasaaradda in ay qaarkood ka soo jawaabeen dalabyadoodii.

Waxaanu yidhi, “Hay’adahaasi oo ay ka mid tahay FAO, oo ah hay’adda keliya ee sida dhaw ula shaqaysa wasaaradda beeraha Somaliland,  Bisha Cas oo laba gobol ee Sool iyo gobolka Awdal oo Xarriirad ah, iyo Fiqi-aadan iyo Daba-dilaac oo ay hadda ku jiraan.

Hay’adda World Vision oo Oodweyne dhawaan ka shaqaysay. Hay’adda WHH iyad-na Awdal deegaamo ka tirsan ayay dhawaan ka hawl gashay, iyo Oxform oo iyad-na nala shaqaysa”.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this