Sign in to follow this  
Deeq A.

Cumar Filish oo ka Jartay Macallimiinta Masaarida ee 15-May Biyaha iyo Baadka

Recommended Posts

Deeq A.   

Maamulka gobalka Banaadir ayaa ka joojiyay  taakuleyntii uu siin jiray  macallimiinta iyo guud ahaan iskuulka 15 May ee magaalada Muqdisho.

Warqad uu ku saxiixanyahay guddoomiyaha gobalka Banaadir Cumar Maxamed Maxamuud kuna taariikheysan 21-05-2020 oo ay heshay Goobjoog News ayaa lagu yiri “Wasaaradda waxbarshada hiddaha  iyo tacliinta sare oo ay warqaddani sida tooska ah ugu socoto, waxaan si xushmad leh iyo qaddarin leh idiin la socodsiineynaa maadaama wasaaraddu joojisay howlihii 15 May gabi ahaanba, maamulka gobalka Banaadirna wuxuu sidoo kale idiin caddeynayaa inuu joojiyay heshiiskii labada dhinac ahaa ee tixraaca sare ku xusan iyo dhaqaalihii maamulka gobalka Banaadir ku bixin jiray iskuulka 15 May”

Arrintan ayaa daba socota waqad ka soo baxday wasaaradda waxbarashada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya 7-March ee sanadkan laguna hakiyay howlihii iskuulka 15 May.

Sida ay ogaatay Goobjoog News in ka badan 1000 ardey ayey saameyn doontaa heshiiska ay wasaaraddu laashay ee ka dhaxeeyay Soomaaliya iyo Masar.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this