Sign in to follow this  
Deeq A.

Toogasho Ka Dhacday Mareykanka iyo Madaxweyne Trump oo u Goodiyay Dibadbaxayaasha

Recommended Posts

Deeq A.   

Askari ka tirsan booliska magaalada Las Vegas ayaa ka mid ahaa laba qof oo lagu toogtay halkaas maalintii Isniinta ahayd, sida ay warbaahinta dalkaas sheegtay.

Warbixin oo lagu qoray wargayka the Las Vegas Review-Journal ayaa lagu sheegay in booliska magaaladaas ay xaqiijiyeen in askariga lagu toogtay huteel agtiisa.

Madaxweyne Donald Trump ayaa ka digay inuu dirayo milatari kala eryi karo xasiloonidarrada ay shacabku ka wadaan dalka Mareykanka oo dhan, mudaharaadyadaasi oo ka dhashay dilki loo geystay nin madow ah oo booliska gacantooda ku jiray.

Wuxuu Trump sheegay maamullada magaallooyinka iyo baraasaabyada gobollada iney ku guul dareysteen xakameynta mudaharaadyada iyo “iney difaacaan shacabka” sidaa darteed uu ciidama milatari oo rabshadahaasi soo afjaro inuu howlgelinayo.

Mudaharaadyada looga soo horjeedo dilka loo geystay George Floy ayaa maalinti toddobaad ka socda dalka Mareykanka.

Xilliga uu Mr Trump aqalka cad warbaahinta kula hadlayey, boolisku waxay sunta indhaha ka ilmeysiisa ku kala eryeen boqollaal mudahaaradaayl ah oo mudaharaad halkaasi ka waday.

Isniinta shalay ahaydna waxaa si rasmi ah loo shaaciyey baaritaankii la sameeyey in lagu ogaaday dilka loo geystay Mr Floyd inuu ahaa mid bareer ah.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this