Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo shaaciyay inay qarax ku dishay askar Kenyan ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online ) – Faah faahinno kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax ciidamo ka tirsan kuwa Kenya ee qeybta howlgalka AMISOM lagula eegtay qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose ee K/ Soomaaliya.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada ee dhulka lagu aaso ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala bartilmaameedsaday kolonyo ay la socdeen ciidamadaasi, xilli ay marayeen deegaanka Husingow oo ka tirsan gobolkaasi, sida ay xaqiijiyeen dad goobjoogayaal.

Dhinaca kale Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda qaraxaasi ayaa shaacisay inay ku dishay 2 askari, sidoo kalena ay ku dhaawacday 2 kale oo ka tirsan ciidamada Kenya.

Sidoo kale qoraalka ka soo baxay Al-Shabaab oo lagu baahiyey baraha Internet-ka ayaa waxaa lagu sheegay in weerarkaasi qaraxa loo adeegsaday ay ku gubeen gaari ay lahaayeen ciidamada milatariga dowladda dalka Kenya, sida ay hadalka u dhigeen.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada Kenya ee AMISOM ka tirsan iyo sidoo kale kuwa dowladda oo ku aadan qaraxaasi miino.

Al-Shabaab oo weli ku xoogan gobollada Jubbooyinka ayaa inta badna weerar jidgal ah ku qaada ciidamada huwanta, xilliyada ay isaga kala gooshayaan gobolladaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this