Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii u dambeeyay dhex-dhexaadinta Deni iyo Karaash

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan, ayaa sida qorshaysan maanta oo Talaado ah lagu kulansiinaya xarunta Madaxtooyada Garoowe, si loo xalliyo khilaafka u dhexeeya labada hoggaamiye.

Qaar kamid ah Isimada Puntland iyo Guddoonka Baarlamanka, oo maalmihii u dambeeyay waday dhex-dhexaadinta Deni iyo Karaash, ayaa labada mas’uulba ku qanciyay in la is hor-fariisiyo, si loo dhammeeyo khilaafkooda.

Isimada dhex-dhexaadinta waxaa kamid ah Islaan Ciise Islaan Maxamed, Garaad Saleebaan Garaad Maxamed,  Boqor Cabdullaahi Axmed Cali Daba-gooye, Ugaas Maxamuud Cabdullaahi Ciise Nuur iyo Suldaan Siciid Maxamed Garaase.

Isimada iyo Guddoonka Baarlamanka, ayaa maalmihii la soo dhaafay  Madaxweyne Deni iyo Ku xigeenkiisa kulamo gaar-gaar ah la yeeshay, ka hor inta aysan ku ballamin kulanka Maanta oo Talaado ah la isku hor-fariisinayo labada mas’uul.

Wixii Kulankaasi ka soo baxa kala soco Puntland Post

The post Wararkii u dambeeyay dhex-dhexaadinta Deni iyo Karaash appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this