Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiiro ka tirsan Somaliland oo laga helay cudurka Coronavirus

Recommended Posts

Deeq A.   

Laba ka tirsan golaha wasiirada Somaliland ayaa laga helay cudurka faafa COVID-19 sida ay xaqiijisay wasaaradda caafimaadka maamulkaasi.

Sidoo kale waxa lagu soo warramayaa inay jiraan wasiirro kale oo laga baaray Coronavirus, balse laga waayay xanuunka.

Wasiirka maalgashiga Somaliland, Mudane Maxamed Axmed Cawad ayaa shaaciyey in laga helay cudurka Covid-19, wuxuuna qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka ku sheegay in haatan xaaladdiisa caafimaad ay fiican tahay.

Somaliland ayaa ka mid ah meelaha uu sida weyn u saameeyay cudurka saf-mareenka ah ee Covid-19.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this