Sign in to follow this  
Deeq A.

PUNTLAND oo si weyn uga hortimid qorshaha DF ee doorashada Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo xalay hadal ka jeediyey Garoowe ayaa ka warramay marxaladda kala guurka ee Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka ee 2020/2021-ka.

Siciid Deni ayaa sheegay in aysan ku kalsooneyn guddiga howsha wada oo ay shaacisay in lagu saleeyey nidaamka beelaha ee 4.5, wuxuuna tilmaamay in Puntland aysan aqbali doonin dhamaan hanaanka doorashada Soomaaliya haddii aan la tashi lagala sameynin.

“Xubnaha Guddiga ah ee howsha loo dhiibay waa kuwo lagu keenay awood qaybsiga Beelaha 4.5, waxa aan ka digeynaa in nidaamka qabaliga ah laga dhigo Dastuur, Puntland waxa ay meel dheer ka taagan tahay ku kalsoonaanta guddi ama Hay’ado sharci dajin oo lagu saleeyay beelaha oo ah kuwo lasoo xulay oo aan ahayn kuwo la doortay in maslaxada dalka loo dhiibo.” ayuu yiri Madaxweynaha maamulka Puntland.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay xildhibaanada labada Aqal iyo golaha wasiirada Soomaaliya ee ka soo jeeda Puntland aysan ku matalin hanaanka doorashada, maadaama aysan ku imaan doorasho shacab, balse lagu ay ku yimaadeen xulasho.

Madaxweyne Siciid Deni oo hadalkiisa sii wata ayaa ku eedeeyey xukuumadda federaalka Soomaaliya inay ka gaabisay waxyaabo badan oo muhiim u ahaa doorashada, islamarkaana ay wado marin habaabin sababi karta, sida uu hadalka u dhigay in dib loogu laabto halkii laga yimid.

“Marin habaabinta Xukuumadda waxa ay dhalin kartaa in lagu kala tago nidaamka Dowladda oo aan ognahay halka uu ka yimid, sidoo kale waxa ay dib u dhigeysaa dalka oo waxaa ka dhalan karo khilaaf ay adkaantoodo in dib la isaga yimaado” ayuu yiri Madaxweyne Deni.” ayuu markale yiri, Siciid Cabdulllaahi Maxamed (Deni).

Ugu dambeyn wuxuu ku baaqay in la gaaro heshiis siyaasadeed, ka hor inta aan la guda gelin howlaha doorashooyinka, si looga hortago khilaafaadyo hor leh oo yimaada.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this