Sign in to follow this  
Deeq A.

Sheekh Shariif oo ka digay muddo kordhinta hay’adaha Dastuuriga

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka digay isku day walba oo lagu kordhinayo muddo xileedka hay’adaha dastuuriga, ka dib markii shalay labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ay dib u dhigeen kulankoodii.

Shariif Sheekh ayaa ku eedeeyay guddoonka baarlamaanka inuu ku xad-gudbay dastuurka KMG iyo sharciga doorashooyinka, kadib tallaabadii muddo bil dib loogu dhigay hor imaanshihii baarlamaanka ee guddiga doorashooyinka qaranka.

“Waxaan ka digeynaa isku day walba oo dib loogu dhigayo doorashada qaranka, iyo kordhinta muddo xileedka hey’adaha dastuuriga ah iyo madaxda qaranka” ayuu yiri Shariif.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku sii daray “Wixii ka dhasha isku daygaas waxaa masuuliyaddeeda dusha u ridan doona madaxda dowladda”

Ugu dambeyntii Sheekh Shariif ayaa xusay in dowladda federaalka ay ku fashilantay waajibaadkii loo igmaday oo ay ugu horreyso qabashada doorasho qof iyo cod ah.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this