Sign in to follow this  
Deeq A.

Dawladda Sacuudiga Oo Khafiifisay Bandowgii Ka Dhashay Cudurka Coronavirus+Go’aan Ka Soo Baxay Xajka Iyo Cumrada 2020

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Riyadh)-Boqortooyada Sacuudiga ayaa ku dhawaaqday inay xanibaada ka qaadayso inta badan magaalooyinka dalkaas, gaar ahaan magaalooyinka barakeysan ee Maka iyo Madiina.

Amar kasoo baxay Boqor Salman Bin Cabdicasiis la faray in bandowga laga qaado magaalooyinka barakeysan ee Maka iyo Madiina dabayaaqada bisha soo socota ee June sida ay baahisay Wakaaladda wararka Sacuudiga ee SPA

Boqorka ayaa sheegay in dadka loo furi doono masaajidda si ay ugu cibaadeystaan.

Wixii ka dambeeya 31-ka bishan ayuu Boqorku amray in la fasaxo gaadiidka gudaha Sacuudiga ka shaqeeya, sidoo kalena 21-ka June waxaa si rasmi ah bandowga looga qaadi doonaa magaalooyinka Maka iyo Madiina.

Warkan kasoo baxay boqortooyada waxaa lagu sheegay inaan la fasixi doonin Xajka iyo Cumrada sanadkan, sababo la xariira cabsi laga qabo inuu faafo xanuunka dilaaga ah ee Coronavirus.

Sharciyada kala fogaanshaha bulshadda iyo inay mamnuuc tahay in kontomeeyo ruux meel iskugu timaado ayaa sidooda sii ahaan doona, sida warkan lagu sheegay.

Dad kor u dhaafaya 75 kun oo qofood ayaa gudaha Sacuudiga laga helay xanuunka COVID-19, halka qiyaastii 400 oo kalena ay ku geeriyoodeen cudurkan.

Ka Dib, Bandowgii Kaamilka Ahaa Ee Ayaamaha Ciidda Soonfurka Iyo Bandowgii Labadii Bilood Ee Lasoo Dhaafay, Ayaa Dowladda Sacuudiga Sheegtay Inay Bandowgii Khafiifinayso Ka Dib Markii Wasaaradda Caafimaadka Laga Qaatay Talooyinka Kahortagga Cudurka Koofid-19 Kolkaa Bandowgii Waxaa Loo Khafiifinayaa Heerarka Soo Socda:-

  1. Maalinta Khamiista Soo Socota Bisha Shawaal Ahna 05/10/1441H Ilaa 07/10/1441H = 28 May 2020 Ilaa 30 May 2020, Fasaxa Wuxuu Bilaabanaya 06:00 AM Subaxnimo Ilaa 03:00 PM Duhurnimo, Taasoo Ah Wixii Muhiim Iyadoo La Tixgelinayo Kala Fogaanshaha Waana Magaalooyinka Waddanka Sacuudiga Oo Dhan Aanan Ku Jirin Magaalada Barakaysan Ee Makkah Al-Mukarramah Iyo Xaafadaha Horey Loo Sii Sheegay.
  2. Maalinta Bisha Shawaal 08/10/1441H Ilaa 29/10/1441H = 31 May 2020 Ilaa 21 June 2020 Fasaxa Wuxuu Bilaabanayaa 06:00 AM Subaxnimo Ilaa 08:00 PM Fiidnimo, Waxaana La Fasaxay Shaqooyinka Dowladda Iyo Kuwa Gaar Ah, Iyadoo La Tixgelinayo Kala Fogaanshaha Si Aan Cudurku U Faafin Iyo In La Oogo Salaadda Jumcaha Ah Iyo Salaad Wadareedka Iyadoo Shuruudu Tahay Kala Fogaanshaha Iyo Sidoo Kale Waxaa La Fasaxay Isu Gooshidda Dhulka Ee Magaalooyinka Waddanka Iyo Safarka Cirka Ee Gudaha Dalka Sacuudiga, In La Samaysan Karo Jimicsiga Jirdhiska Socodka Iyo Ruclaynta (Daily Exercise) Meelaha Loogu Talagalay Iyo Tegidda Naadiyadda Isbortiga, Fasaxa Furitaanka Nashaadhka Gannacsiga Iyo Dhaqaalaha Magaalooyinka Dalka Sacuudiga Oo Aan Ku Jirin Magaalada Barakaysan Ee Makkah Al-Mukarramah Iyo Xaafadaha Horey Loo Sii Shaaciyey Iyadoo La Tixgelinayo Kala Fogaanshaha
  3. Maalinta Bisha Shawaal 29/10/1441H = 21 June 2020, Bandowgii Ayaa La Qaadayaa Noloshii Ayaa Caadi Ahaan Loo Soo Celinayaa Iyadoo Lays Faray Inayan Kulmi Karin 50 Qafood Wax Ka Badan

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this