Sign in to follow this  
Deeq A.

Najax oo shaaciyey in maleeshiyaad ka yimid Dayniile ay weerar ka geysteen Sh/Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Shabeelaha Hoose, Mudane Ibraahim Aadan Cali (Najax) ayaa si adag uga hadlay dagaalkii xooganaa ee shalay ka dhacay agagaarka deegaanka Ceelasha Biyaha ee gobolkaasi.

Guddoomiye Najax ayaa shaaciyey in dagaalka u u dhexeeyey ciidamada Booliska deegaanka Lafoole iyo maleeshiyaad uu sheegay inay ka soo gudbeen dhinaca degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in loo baahan yahay in maamulka labada gobol inay ka wada shaqeeyaan nabadda iyo xasiloonida.

“Shaqaaqada ka dhacday waaxda Jabad-Geelle, deegaanka Ceelasha Biyaha ee gobolka Shabeelaha Hoose waxaan cadeyneynaa inay u dhaxeysay ciidanka Booliska Lafoole iyo maleeshiyaad ka soo gudbay degmada Dayniile, shacabka iyo maamulka labada gobol waa inay nabada ka shaqeyaan oo dowladnimada la hirgeliyo.” ayuu yiri Najax.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in aysan aqbali doonin in lagu soo xadgubo gobolka Shabeelaha Hoose, isaga oo xusay in la wada yaqaano sohdinta labada gobol.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo shalay dagaal qaraar uu ka dhacay inta u dhexeysa deegaanka Ceelasha Biyaha iyo degmada Dayniile, kaas oo u dhexeeyey ciidamo boolis ah iyo kuwa milatari ah oo isku qabtay arrimo la xiriira dhul ku yaalla halkaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this