Sign in to follow this  
Deeq A.

Militariga Soomaaliya oo Al-shabaab saddex degaan ka qabsaday xubno badana ka laayay

Recommended Posts

Deeq A.   
dagaal-1.jpg?w=1000&ssl=1

Ciidamada Militariga dowladda Federaalka Soomaaliya oo hawlgal culus ka fuliyay gobolka Hiiraan ayaa lagu soo warramayaa in ay degaanno kala duwan kala wareegeen ururka Al-shabaab.

Saraakiil ka tirsan Militariga Soomaaliya oo warbaahinta la hadlay ayaa laga soo xigtay in hawlgalkaas oo ka dhacay inta u dhexaysa Buulo-burde iyo Jalalaqsi  ay ciidamadu kula wareegeen saddex degaan oo lagu kala magacaabo Afcad Ceel-bacad iyo Abooreey.

Dhamme Cabdulqaadir Cali Nuur oo ka tirsan Ciidamada Militariga ee ka hawlgala gobolka Hiiraan ayaa warbaahinta u sheegay in in ciidamadu ay cagta mariyeen xarumihii Al-shabaab ee ku yaallay degaannadaas.

Sarkaalka ayaa sidoo kale sheegay in hawlgalka ay ku dileen ilaa 13 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab islamarkaana ay dab qabadsiiyeen gaari ciidan hub  iyo raashin ay ka carareen Al-shabaab.

PUNTLAND POST

The post Militariga Soomaaliya oo Al-shabaab saddex degaan ka qabsaday xubno badana ka laayay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this