Sign in to follow this  
Deeq A.

Xarun cilmi-falag oo shaaca ka qaaday in dalalkii ciiday Sabtidii ay ku qaldameen 2 meere oo ay moodeen bisha

Recommended Posts

Deeq A.   

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Dalalka ay Soomaaliya ku jirto ee shalay ciiday ayaa waxay u badan tahay in aragtida laba ka mid ah meerayaasha, oo kala ah Venus (Waxaraxir) iyo Mercury (Dusaa) ay ku qaldeen bisha, waxaa sidaas sheegtay xarun xiddigis ama cilmi-falag oo caalami ah.

Aragtida bisha ee habeenkii Jimcaha ayaa Sabtidii ka dhigi lahayd maalinta ciidda, hase yeeshee dalalka Islaamka, oo uu ugu weyn yahay Sacuudiga, ayaa laga waayey aragtida bisha Shawaal, taasi oo qasabtay in Sabtidii la soomo maalinkii 30-aad ee Ramadan.

Si kastaba, dalal dhowr ah oo Afrika ku yaalla, sida Soomaaliya, Morocco, Mauritania, Ethiopia, Senegal iyo Mali ayaa laga sheegay in fiidkii Jimcaha laga arkay bisha, kadibna laga ciiday Sabtidii.

Xarunta Cilmi-falagga Caalamiga ah, International Astronomy Centre (IAC) ee fadhigeedu yahay Abu Dhabi ayaa sheegtay Jimcihii ay bisha ka hordhacday qoraxda dhammaan dalalka Islaamka, taasi oo macnaheedu yahay inaysan suurta-gal ahayn in bisha la arko fiidkii Jimcaha.

Xarunta IAC ayaa si kastaba sheegtay in meerayaasha Venus iyo Mercury, ay dhinaca kale si aad isugu dhow uga soo muuqdeen dhinac galbeed ee diilinta araggu qabto ee dhammaadka dhulka, taas oo macanaheedu yahay in Afrika laga arki karay ayaga oo aad ugu yar indhaha.

Xarunta ayaa intaas ku dartay in tani “laga yaabo inay tahay sababta” dadka dalalka ciiday ay uga qaateen in ishoodu qabatay bisha, sidaasna ay ku ciideen sabtidii.

Inkasta oo dad badan ay ciideen Sabtidii, haddana fiidkii Sabtida ayaan la arag bisha, taasi oo dad badan ay ku macneeyeen in qalad lagu ciiday sabtidii, sababtoo ah bay yiraahdeen “laguma dhibtoodeen aragtida bil laba ah”.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this