Sign in to follow this  
Deeq A.

QM oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeysay munaasabadda ciida

Recommended Posts

Deeq A.   

Bahda Qaramada Midoobay ee ka hawlgasha Soomaaliya waxay dhamaan dadka Soomaaliyeed u direen hambalyo oo ku aadan Munaasabadda Ciidul-Fitriga.

“Qaramada Midoobay waxay u rajaynaysaa dadka Soomaaliyeed Ciidul-Fitri nabdoon oo xasiloon maadaama aan soo gaarnay dhamaadka bisha barakaysan ee Ramadan, oo ah waqti dabaaldeg iyo wadajir,” ayuu yiri Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.

“Waxay ahayd arrin aad dhiirigein u leh in la arko midnimada iyo isku-xirnaanta ay muujiyeen dad aad u badan bishii la soo dhaafay oo dhan, iyadoo bartanka looga jiro la-tacaalidda COVID-19,” ayuu raaciyay.

“Waxaana rajaynaynaa in [midnimada iyo isku-xirnaanta] ay sii socdaan maadaama dadku ay Ciidda ugu dabaal-degayaan si niyad-sami iyo dib-u-heshiisiin ku dheehantahay, iyadoo la ilaalinayo tilmaamayaasha bed-qabka caafimaad – Ciid Wanaagsan.”

Khilaaf dhanka Aragtida Bisha Shawaal ayaa sababtay inay Dalalka Caalamka Islaamka ku kala qeybsamaan Munaasabadda Ciidul-Fitriga ee sanadkan 1441-ka Hijriyah.

Kala duwanaanshaha waxay horseeday in dalal laga sooman yahay oo la dhamaystirayo 30-ka bisha Ramadaan, halka kuwo kalena looga dhawaaqay inay maanta oo Sabti ah tahay Maalintii Koowaad ee Ciitul-Fidriga.

Markaynu eegno dalalka Carabta, waxaa la shaaciyey in 2 dal oo kaliya maanta laga ciideeyo, kuwaasi oo kala ah Somalia iyo Mauritania, sida ay shaaciyeen Wasaaradaha Awqaafta iyo Arrimaha Dibedda ee labadaasi dal.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this