Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo dhaliil culus Tunka u saaray Farmaajo+Baaq & Digniin uu u diray

Recommended Posts

Deeq A.   

Mareykanka oo dhaliil culus Tunka u saaray Farmaajo+Baaq & Digniin uu u diray

 un.jpg

 Dowladda Mareykanka ayaa si kulul uga hadashay khilaaf weli socda ee u dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah dowlad goboleedyada, kaasi oo ay ku qeexday mid aan la aqbali karin.

Sii-hayaha ku-xigeenka wakiilka Mareykanka ee QM, Cherith Norman Chalet ayaa kulankii Golaha Ammaanka ee arrimaha Soomaaliya ka sheegtay inay arrin walaac leh tahay in madaxda dowladda federaalka iyo madax goboleedyada aysan muddo kulmin, si ay uga wada hadlaan xaaladda siyaasadeed iyo midda amni ee dalka.

Waxay ugu baaqday madaxweyne Farmaajo inuu deg deg u qabto kulan uu la yeelanayo madax goboleedyada.

“Waxaan ku boorineynaa madaxweyne Farmaajo inuu ku baaqo kulankii Golaha Amniga Qaranka, sida uu qabo dastuurka, sida ugu dhaqsiyaha badan si looga wada-hadlo qorsheynta doorashooyinka, wada-shaqeynta amniga, iyo ahmiyadaha qaranka ee deg degga ah,” waxaa sidaas tiri danjire Chalet.

Waxay sidoo kale walaac ka muujisay in ciidamada xoogga dalka loo adeegsado dano siyaasadeed oo gaar ah.

“Waxaan sidoo kale walaacsannahay in kheyraadkii amni ee loo baahnaa in lagula dagaalamo Al-Shabaab si qaldan loogu adeegsanayo xifaaltan siyaasadeed oo ka socda gobollo qaar ah,” ayey tiri danjire Chalet.

Danjiraha ayaa dhanka kale sheegtay in dowladda federaalka ay ku guul-darreysaneyso fulinta jadwalkii doorashooyinka qaranka.

“Waxaan soo dhoweeneynaa dadaallada ay Soomaaliya weli waddo ee ay ku qabaneyso doorashooyinka la qorsheeyey dhammaadka sanadkan, hase yeeshee waxaan ka walaacsanahay inay ka dib dhaceyso jadwalka,” ayey tiri.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this