Sign in to follow this  
Deeq A.

Faahfaahin Khasaaraha ka dhashay dagaal maanta ka dhacay Koonfurta Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Ugu yaraan 5 ruux oo dhinacyadii dagaallamay ah ayaa ku dhintay in ka badan 10 kalena waa ku dhaawacmeen dagaal xooggan oo maanta koonfurta Gaalkacyo ku dhexmaray ciidanka kumaandooska dowladda Federaalka Soomaaliya ee DANAB iyo malayshiya-beeleed hubaysan.

Malayshiya-beeleedka oo ka gadoodsan nin Ganacsade ah oo habeen ka hor ciidanka DANAB ay gurigiisa kala baxeen ayaa saaka isku gedaamay xarunta ciidankaasi ku leeyihiin koonfurta magaalada Gaalkacyo waxaana mudda kooban oo labada dhinac is hor fadhiyeen kadib halkaasi ka dhacay dagaal xooggan.

Malayshiya-beeleedka ayaa markii hore dalbaday in ciidanka dowladdu ay si deg deg ah ku sii daayaan Ganacsadaha u xiran balse Taliska DANAB ayaa ku gacan sayray dalabkooda taasi oo keentay in dagaal ka dhex qarxo labada dhinac.

Dagaalka oo saacado halkaasi ka socday ayaa markii dambe is taagay duhurnimadii maanta waxaana haatan socda waan-waan lagu dhex dhexaadinayo ciidanka iyo malayshiyaadka dagaallamay sida laga soo xigtay Odayaasha koonfurta Gaalkacyo.

PUNTLAND POST

The post Faahfaahin Khasaaraha ka dhashay dagaal maanta ka dhacay Koonfurta Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this