Sign in to follow this  
Deeq A.

Hoosu dhac weyn oo ‘laga dareemayo fidista’ cudurka Covid-19 ee Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga qaran ee xakameynta cudurka faafa ee Coronavirus oo yeeshay kulankoodii joogtada oo ahaa  qaab muuqaal ah oo loo adeegsaday Mareegta Internet-ka ah ayaa waxaa diiradda lagu saaray qiimeyn  ku saabsan saameynta uu dalka ku yeeshay safmarka Covid19 iyo hoos u dhaca ka muuqda heerka faafidda cudurkaasi.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa guddoomiyey Ra’iisul wasaaeaha Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, iyadoona diirada lagu saaray xaaladaha cudurka Covid-19.

Sidoo kale Khayre ayaa xubnaha guddiga faray dar dargelinta howlaha looga hortagayo faafitaanka dalka ee Cudurka Coronavirus.

Sidoo kale waxaa intii uu socday kulanka lagu soo qaaaday fatahaadaha ka jira meelo ka mid ah dalka.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa la dareemayay inuu bilaawday hoos u dhac ku imaanaya tirade dadka uu soo rito cudurka gaar ahaan gobolka Banaadir waxaana wali jira dadaalo lagu xakameynaya halista uu leeyahay covid-19 iyadoo guud ahaan dalka lasyka kaashanayo sidii dalka looga ciribtiri lahaa.

Guud ahaan tirada uu soo ritay cudurkaan Karoona ayaa gaartay 1,594 halka 204 ay ka bogsoodeen markii lala tacaalay.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this