Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Useless opposition party complaints

Recommended Posts

Kuwaan mucaaradka la baxay cabaad and baseless accusations kama dhamaado miyaa? Bilooyin ka hor ayee ahayd markee daljiraha Mareykanka ku eedeynaayeen inuu dowladda dhexe la saftay. Maantana eeda waxee la u wadaan daljiraha Midowga Afrika.

Do they think international players can play the same old game of disrespecting Soomaali governments and interfering our political affairs as they did from since 1990. Until this dowladda dhexe stopped it. Why don't they complain about what Kiikuuyo are doing in Jubbooyinka and Gedo?

Maxay tahay sababta xisbiyada mucaaraadka u dalbadeen xil ka qaadista Francisco Madeira?

madeira-624x332.jpg

Xisbiyada mucaaradka Soomaaliya ayaa shalay Ururka Midowga Afrika ka codsaday iney badalaan ergayga u fadhiya Muqdisho kaas oo ay ku eedeeyeen inuu si aad ah ugu milmay siyaasadda kooxda xukunka heysa.

Francisco Madeira wuxuu wajahayaa eedeyn kulul, inkastoo uusan ka jawabin haddana waxaa la saluugay qaabka uu u shaqeeyo.

Madasha waxey ergaygaan ku eedeeyeen inuu garab u noqday Dowladda, isla markaasna raalli ka noqday faragalin ay kooxda talada heysa ku sameysay hab maamuuska doorashooyinka maamul goboleedyada.

Afhayeen Madasha Xisbiyada Qaran Cabdirisaaq Axmed Shoole ayaa ka dalbaday ergayga inuu si cadaalad ah u shaqeeyo mar uu gudbinayay dalabka shaqada looga eryayo.

“Wakiilka Midowga Afrika waa mas’uulka ugu sarreeya hawlgalka AMISOM, wuxuu dalka ku joogaa Sharci iyo heshiis, waa mamnuuc in astaanta ciidanka AMISOM ay cid kale xirato,” ayuu afhayeenka u sheegay idaacadda VOA.

“In ciidamo aan ka mid aheyn kuwa AMISOM lagu faragaliyo doorasho maamul goboleed waa wax xad dhaaf ah, waxaana ognahay in AMISOM ay wadanka u joogaan la dagaalanka kooxaha argagixisada,” ayuu mar kale yiri.

“Xadgudubyada la iska indho-tiray ay ciidamada Itoobiya ku hayaan madax-banaanida iyo sharafta dhuleed ee Soomaaliya waxaa qeyb ahaan mas’uul ka ah guul-darrada wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya Francisco Madeira, kaasi oo laga rabay inuu xaqiijiyo in sumcadda Amisom aysan waxyeeleyn damac juqraafi siyaasadeed ee xubin ka mid ah.”

Madasha Xisbiyada Qaran waxey walaac xoog leh ka qabaan inuu dhex-dhexaad ka noqon waayo doorashooyinka qaran ee la filayo bilowga sanadka dambe, ayaga oo sheegay in ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya ujeedka kama dambeysta ah ee laga leeyahay uu yahay in lagu faro-geliyo doorashada federaalka ee sanadkan dhaceysa.

Xigasho

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

If tuugii weynaa Gabre was still commanding those corrupt politicians what to do, surely they would not have dared to to complain about Xabashi mercenaries.

Somalia opposition parties voice grave concern over presence of non-AMISOM troops in Somalia

Somalia opposition parties have issued a statement in which they expressed grave concern over the increasing presence of non-AMISOM troops from the Ethiopian National Defense Force in several parts of Somalia.

In a statement jointly seen by opposition political parties led by Forum National Party under the former Somali president Sheikh Shariff Sheikh Ahmed says the unilateral action by non-AMISOM Ethiopian troops constitutes a blatant disregard for the longstanding agreement between the Federal Republic of Somalia and AMISOM troops contributing countries, which clearly defines the scope of their jurisdiction.

The opposition parties therefore considered all foreign troops who are not under the AMISOM mandate as occupiers.

Meanwhile, the parties condemned the downing of the Kenyan plane by the non-AMISOM Ethiopian troops in the Somali town of Bardale early this month, killing all those on board.

The opposition parties condoled the death of those killed in the tragic incident and sent their heartfelt condolences to their families.

“Our deepest condolences and prayers are with the victims and those who lost their loved ones as a result of this horrific action”

The opposition parties have recently accused the federal government of using Ethiopian troops to intimidate officials in Gedo into renouncing Madobe while Ethiopia denied the accusation.

The parties said though Ethiopian troops flashed out Alshabab militants within the capital Mogadishu in 2007/08, they killed dozens of civilians, displaced millions across the country and caused widespread destruction.

They warned repeat of that horrendous mistake would undermine peace and security in the country. It would also further embolden extremist elements.

On the other side, the opposition parties also accused the chairperson of the African Union Commission for Somalia, Ambassador Madeira of overseeing unchecked violation of Somalia’s sovereign integrity and closely working with FGS. They said, Madeira worked in collusion with Ethiopian troops to interfere with Southwest and Jubbaland elections in the past. They added, Madeira is supposed to ensure AMISOM integrity is not tainted by ambitions of foreign state.

They asked both Somalia parliaments, The African Union and the UN Security Council to intervene, investigate the presence of Ethiopian troops in the country and to avert the building tension.

Also, they called The African Union Commission leader Mousa Faki with immediate effect to replace his special representative Madeira, with a neutral and experienced diplomat who discharges his duties faithfully.

Finally, they called on the Somali people around the country to strengthen their internal cohesion and resist their illegal interference from external forces particularly Ethiopian troops which they said have a long and checked history of destabilizing the country for fear of seeing a united, peaceful, strong and democratic Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Salaad Cali Jeelle oo weerar culus ku qaaday madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

Hoggaamiyaha Xigbiga Midnimada Dimuquraadiyadda Salaad Cali Jeelle, oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimaha kiiska badda iyo go’aanka ay maxkamadda ICJ dib ugu dhigtay dhageysiga dacwadda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya, waxuuna naqdiyey qaabkii uu malin ka hor uga hadlay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Salaad Cali Jeelle ayaa sheegay in ICJ aysan Soomaaliya waxba ka weydiinayn go’aankeeda, isla markaana ay ku qasbaneed inay aqbasho dalabka Kenya, maadaama sida uu sheegay ay ku war gelisay in aysan diyaar u aheyn sababo jira awgood.

“Shalay waxaa arinta badda ka hadlay Xasan Sheekh, horay Xasan Sheekh heshiiskii is afgaradka ahaa ayuu usoo noo leeyay, markii uu dhinac u dhaqaaji waayey ayuu go’aankii baarlamaanka awgiis waxaa khasab ku noqotay ama Ilaaheyba ka waafajiyee in markii dambe uu maxkamadda caalamiga ah geeyo, taasina waxay aheyd shaqadii laga rabay qof mas’uul ah oo Soomaaliyeed” ayuu yiri Salaad Cali Jeelle.

Isaga oo hadalkiisa sii watay ayuu yiri,Shalay Xasan Sheekh hadalkiisa waan fiirsanaayey, cid uu la hadlaayo waan garan waayey, maxaa yeelay hadii dib loo dhigay oo Corona loo sababeeyay, in uu isagu inta iclaamka tago niyad jab ku rido umadda Soomaaliyeed, waxaaba u moodaa dad kale in uu la hadlaayo kolba Soomaali lama hadleyn.”

Siyaasiga Salaad Cali Jeelle ayaa sidoo kale sheegay in Xasan Sheekh uu u muuqdo nin loolan siyaasadeed ku gelaaya arinta badda.

“Badda Soomaaliya ninkii wax kasoo dhicinaaya oo garab taagan, waa loo wada baahan yahay, laakiin in Xasan Sheekh meeshaas loolan ka raadiyo oo dhaho afar sano ka hor meeshii aan uga tegay ayey joogtaa, mana joogto oo waxay gacanta u gashay maxkamadda caalamiga ah, marka yaan laga af miishaareyn shacab Soomaaliyeedna waa inay ogaadaan gacan amaan ah inay ku  jirto hantidoodii” ayuu yiri mar kale Salaad Cali Jeelle.

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Mahad salaad.

Mar kasta oo Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif ay Xukuumadda dhaliilaan ama Madaxweyne Farmaajo u soo jeediyaan arrimo jawaab uga baahan, waxaa si halhaleel ah ugu jawaaba siyaasiin ay isku hayb yihiin sida Salaad Cali Jeelle iyo kuwo kale.

Marka waxaan iswaydiiyay waxaani dheef ka badan ee maxaa ku qasbaya siyaasiintaas in ay alalaas iyo ammaan ka daba sidaan Madaxweyne Farmaajo, walaalahoodna maalin walba la daba joogaan ceebeyn iyo canbaareyn aan loo meel dayin?!

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “habeenkii waxaa kortagga fogeeya qofkii og in waagu beryayo”  kolley annaga ayaa qabashadiina leh ee walaaloyaaloow wax iskula hara oo haldoorkiinana hadimada iyo haadaamaha aad ku tuuraysaan ka daaya. WAANA LA DOOGIYE YAAN LA DACAROON.

Hon. Mahad Salad

😁😁

Waa xildhibaan mucaarada waxa sidaa u fekeraya.

Maalintii usc loo ducaynayay goob joog baan ahaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
cadnaan1   
23 minutes ago, Miskiin-Macruuf-Aqiyaar said:

Maalintaan Guriga Ummadda lagu shiraaye mee ahayd:

Golaha Shacabka aad u qurxoonaa.

Awkee USC yuq isii wixii loogu bixiyey ayey qabaan barlamaanka qalabaysanaa xaguu ka baxay darbi ayey kasoo reebeen anyax miyaa waa la yaabee

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xidig oo shaaciyey inay furayaan dacwad ka dhan ah Madeira kadib ‘gefkii uu u gaystay’ beel Soomaaliyeed

Xildhibaan Cabdirashiid Xidig, oo ka mid ah siyaasiyiinta is-beddel doonka Jubaland ee la heshiiyey Axmed Madoobe, ayaa sheegay inay furi doonaan gal dacwadeed ka dhan ah wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Francisco Madeira.

Cabdirashiid Xiddig ayaa sheegay in Madeira uu khudbaddii uu ka jeediyey shirkii Golaha Ammaanka ee Arrimaha Soomaaliya uu ugu gafay beel Soomaaliyeed.

Madeira, oo sidoo kale ah madaxa howl-galka Amisom, ayaa heshiiskii uu Axmed Madoobe la gaaray qaar ka mid ah xubnihii kasoo horjeeday ku qeexay “heshiis hoosaad qabiil.”

“Jublanad, waxaan la soconnaa in isbeddelo ay ka jireen dhowaan, ayada oo hogaamiyaha Jubaland iyo xubnaha mucaaradka beesha Ogaadeen ay gaareen heshiis la isku aqoonsaday waxna lagu wada wadaagay,” ayuu Madeira ku yiri hadalkii uu ka jeediyey kulankii Golaha Ammaanka ee Arrimaha Soomaaliya.

Cabdirashiid Xidig ayaa dhanka kale ugu baaqay dowladda Federaalka inay dalka ka saarto Wakiilka Midowga Afrika, isaga oo ku eedeeyey inuu Arrimaha gudaha ee Soomaaliya uu faragalin ku hayo.

Axmed Madoobe ayaa 23-kii April waxa uu Nairobi ku heshiiyey Cabdinaasir Seeraar Maax, Cabdirashiid Xidig iyo Daahir Axmed Sheekh oo dhammaantood ay isku beel yihiin, kuwaas oo u aqoonsaday madaxweynaha Jubaland, kana haray sheegashadoodii xilkaas.

Xisbiyada mucaaradka Soomaaliya ayaa horey ugu eedeeyey Madeira inuu ku milmay siyaasadda gudaha Soomaaliya, isaga raali ka noqday in dowladda federaalka ay adeegsato ciidamo Itoobiyaan ah oo aan ka tirsaneyn Amisom.

“Xadgudubyada la iska indho-tiray ay ciidamada Itoobiya ku hayaan madax-banaanida iyo sharafta dhuleed ee Soomaaliya waxaa qeyb ahaan mas’uul ka ah guul-darrada wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya Francisco Madeira, kaasi oo laga rabay inuu xaqiijiyo in sumcadda Amisom aysan waxyeeleyn damac juqraafi siyaasadeed ee xubin ka mid ah,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xisbiyada mucaaradka, 21-kii May.

_______________

Dacwad ka dhan dowladda Kiikuuyada goormee Xiddig iyo xirtiisa furi doonaan?

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Nimankaanu mabda' maleh waligoodna ma yeelan.

Madoobe iyo ayagu waxay isku qabteen qabiil ma'ahayn, waa doorasho khaldan oo aan sharciga waafaqsanayn, in badana way ku doodeen ayagoo beesha caalamka hor taagan.

doorashadii lama sixin, waxaa kaliya oo ay saxeen in jufadu hal nin u dayso ku tumashada sharciga.

Waa hadal sax ah waxa gudoomiye madeira sheegay wax ugasoo noqon karaa iima muuqato aragtidayda.

Hadii ay qabiil ugu tanaasuleen walaalkood waxay ahayd inaysan mujtamaca soo hor istaagin mar danbe oo xoogaaga ay qaateen ku ganacsadaan.

Nasiib daro garashadaas ma leh waxay u haystaan madoobe sharciguu ku xad-gudbay inuu beeshooda kaliya khuseeyay ama ayaga gaar ahaantooda taladii jubaland uu ka dhacay.

Tan kukuyada 
Kuukuyadu waligood waxay isu keeni jireen warlord iyo qabiilo is haysta wax cusub kuma aha in soomaalidu uunsiga u shido. 

kaliya inay kismaayo ku joogaan rabsho la'aan inta la helayo madaxweyne soomaaliyeed oo ka wanaagsan farmaajo dacwadiina dib ulasoo noqda hadafkoodu waa cad yahay waa xagal toosan.

Waxaa jira saxiix ay hore uga faa'iideen oo ina cigaal nfd ugu xalaaleeyay asagoo ku sheegay (memorandum of understanding)

Shakhsiyadda xidig waxaan ka xasuustaa dawladii xasan shekh, yuu wuxuu ku noqday mucaarad microphone' kii kor loo taagaba qabsada.

Waa markii ugu horaysay aragtidayda oo uu xasan shekh la taliye fiican helo, wuxuu u dhiibay ama madax uga dhigay gudi qaybiya raashinka barakacayaasha oo aan filayo inuu khibrad hore lahaa, hadal dambe maalinkii xilka loo dhiibay yaa ugu dambaysay.

Waa dadka hungurigooda hadalka ku qooya wax principle malaha.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shariifka isma xasuusto mise labawajiilenimada waala caadi markuu madaxtinimadiisa ku darsanaaye sanad ka badan bartamihii sanadkii 2011.

Sheekh Shariif: Isku dayga socda wixii ka dhasha waxaa mas’uuliyaddeeda qaadaya madaxda DF

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa war kasoo saaray go’aankii shalay wartiga loogu kordhiyay guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Soomaaliya.

Sheekh Shariif qoraalkiisa ku sheegay inuu aad uga xunyahay go’ankaas uu guddoonka baarlamaanka Soomaaliya mudada intaas la’eg dib ugu dhigay hadal jeedintii guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka oo laga doonayey inay baarlamaanka hor yimaadaan 27-ka bishan.

“Waxaan aad uga xumahay in hoggaanka baarlamanka uu muddo bil ah dib u dhigay hadal-jeedinta Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo ku muddeysneyd 27-ka May” ayuu yiri.

Sheekh Shariif sheegay in talaabadaas ay xadgudub ku tahay dastuurka dalka sharciga doorashooyinka, isagoo ka digay in dib loo dhigo doorashada dalka oo mudo kororsi ay sameystaan hey’adaha dastuuriga ah iyo madaxda dowladda federaalka.

“Taallabadaas waxay xadgudub ku tahay Dastuurka KMG iyo Sharciga Doorashada Qaranka ee dhawaan la ansixiyey. Waxaan ka digeynaa isku day walba oo dib loogu dhigayo doorashada qaranka, iyo kordhinta muddo xileedka hey’adaha dastuuriga ah iyo madaxda qaranka” ayuu qoraalkiisa ku yiri Shariif Sheekh.

Madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif ayaa madaxda dowladda federaalka ku eedeeyay inay ku fashilmeen in dalka ay gaarsiiyaan doorasho qof iyo cod ah, sidoo kale waxa uu sheegay in madaxda dowladdu ay dusha u rida doonaan cawaaqibkii ka dhasha mudo kororsi dhaca.

“Wixii ka dhasha isku daygaas waxaa masuuliyaddeeda dusha u ridan doona madaxda dowladda. Dowladdan waxay ku fashilantay waajibaadkii loo doortay oo ay ugu horreysay qabashada doorasho qof iyo cod ah, kuna dhacda si xor ah oo xalaal ah.” ayuu qoraalkiisa kusoo gabagabeeyay Sheekh Shariif.

Sidoo kale Xildhibaan Maxamuud Beenebeene oo ka tirsan golaha shacabka ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka waxa uu uga hadlay go’aankii shalay waqtiga loogu kordhiyay guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Soomaaliya.

Xildhibaanka ayaa go’aankaas ku tilmaamay mid qorsheysan oo afduub ah, “Go’anadi shirkii 2-da guddi jogto ee shalay May 25, 2020. waxu ahaa go’ano qorsheysan oo afdub ah, waliba qodobo sharciga doorashada jabiyey. Guddonka ayaa fulsaday qorsho ay waten horayna looguso heshiiyey. Xubno kamid ah guddoonka iyo Madaxtooyada oo mudo korarsi kawada shaqaynaya” ayuu yiri Xildhibaan Beenebeene.

Guddiyada joogtada ah ee golaha shacabka ayaa kulan ay shalay yeesheen waxaa looga dhawaaqay waqti kordhin loo sameeyeen guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka, kaas oo la rabay in 27-ka bishan uu hor yimaado xildhibaanada golaha shacabka.

Guddiga ayaa loo kordhiyay mudo hal bil, waxaana lagu balansanyahay in kulanka golaha shacabka ay hor tagaan 27-ka bisha dambe ee June, isla amrkaana ay ka horjeediyaan warbixin ku saabsan nuuca doorasho ee dalka ka dhici karta iyo waqtiga loo qorsheeyay inay dhacdo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Janan oo hub iyo lacag laga soo siiyay Nairobi oo dhoola-tus ka wada Beledxaawo

Wasiirkii amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan ayaa muddo kadib dib ugu soo laabtay xerada Banyooley ee ku dhow xuduudda Kenya iyo gobolka Gedo, kadib markii uu safar muddo ugu maqnaa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Janan uu la yimid hub iyo lacag islamarkaana uu dhaq-dhaqaaqyo ka billaabay gobalka Gedo.

Ugu yaraan 100 qori oo AK47 ah, rasaas farabadan iyo mushaarka muddo saddex ilaa laba bil ah ayaa la sheegay in laga soo siiyay Nairobi, waxa uuna dhaq dhaqaaq kawadaa aagga dagaal ee Beladxaawo.

Dad goob joogayaal ah ayaa Caasimada Online u sheegay in shalay dhowr jeer ay maqleen rasaas lagu sheegay dhoola-tus, halka qaar kale ay sheegeen in ciidankiisa ay sameynayeen Dab rid, taas oo abuurtay baqdin xoog leh.

Saraakiil ka tirsan Milateriga Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay inay ka war qabaan dhaq dhaqaaq ciidan ee wasiir Janan islamarkaana ay diyaar u yihiin wax ay ugu yareen is-difaac.

Dadka degaanka ayaa ka cabsi qaba in markale gobalka ka dhacdo dagaal muddo bilo ah ay daganaansho ka jirtay kadib. Jubbaland ayaa dowladda Soomaaliya kal hore ku eedeysay in gobalka ay ka wado xasiloonin darro amni iyo mid siyaasadeed.

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Mucaaradka puntland waa indho la'yahay, maqalka dhagihiisuna ma fiicna

Dawlad waxaa la mucaaradaa markaad wax dhisto oo aad dadka wax isugu darto.

Dawladda farmaajo puntland dawlad uma aha markaad ka cabir qaadato hab dhaqankooda

Farmaajo wuxuu doonayaa in afar sano loogu daro si uu meesha uga saaro foolxumada puntland iyo jubaland umadda ku hayso.

Siyaasiyiinta muqdisho waxaa kaliya oo u muuqda siday hanti gaara u samaysan lahaayeen gobolka banaadirna u helo xaquuq gaara oo lagu abaal mariyo beeshii dumisay. garaadkoodu "wadan" ma gaaro intii nasoo martay ilaa iyo hada, kuwa dhashayna cimri isku gaari mayno.

Puntland labo wasiir koowaad iyo madaxweyne bay federaalka kasoo  noqdeen, haday daacad ka yihiin hor u socod siyaasadeed, wax badan bay badeli kareen wakhti ku filana way haysteen, iskaa daa wax wayne. afartan wiil oo reer puntland ah iyo afartan reer koonfur ah ciidan kuma midayn mushaar iyo saxan isku egna raashin kuma siin.

Senetorka iyo baarlamaaniga reer puntland oo fedaraalka ku jira waa cadaw marka laga reebo faroole oo wax duminaya.

Dr. Cabdi wali waa nin ku cusub xaliimo yarey doorashadana ka baqsan in dib loo dhigo


 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Deni ma isilooway that he came through xulasho himself and not doorasho? Mise waa maroodiga takarta saaran ma arkee maroodiga kale tan saaran ayuu arkaa.

PUNTLAND oo si weyn uga hortimid qorshaha DF ee doorashooyinka Soomaaliya

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo xalay hadal ka jeediyey Garoowe ayaa ka warramay marxaladda kala guurka ee Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka ee 2020/2021-ka.

Siciid Deni ayaa sheegay in aysan ku kalsooneyn guddiga howsha wada oo uu shaaciyey in lagu saleeyey nidaamka beelaha ee 4.5, wuxuuna tilmaamay in Puntland aysan aqbali doonin dhamaan hanaanka doorashada Soomaaliya haddii aan la tashi lagala sameynin.

“Xubnaha Guddiga ah ee howsha loo dhiibay waa kuwo lagu keenay awood qaybsiga Beelaha 4.5, waxa aan ka digeynaa in nidaamka qabaliga ah laga dhigo Dastuur, Puntland waxa ay meel dheer ka taagan tahay ku kalsoonaanta guddi ama Hay’ado sharci dajin oo lagu saleeyay beelaha oo ah kuwo lasoo xulay oo aan ahayn kuwo la doortay in maslaxada dalka loo dhiibo.” ayuu yiri Madaxweynaha maamulka Puntland.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay xildhibaanada labada Aqal iyo golaha wasiirada Soomaaliya ee ka soo jeeda Puntland aysan ku matalin hanaanka doorashada, maadaama aysan ku imaan doorasho shacab, balse lagu ay ku yimaadeen xulasho.

Madaxweyne Siciid Deni oo hadalkiisa sii wata ayaa ku eedeeyey xukuumadda federaalka Soomaaliya inay ka gaabisay waxyaabo badan oo muhiim u ahaa doorashada, islamarkaana ay wado marin habaabin sababi karta, sida uu hadalka u dhigay in dib loogu laabto halkii laga yimid.

“Marin habaabinta Xukuumadda waxa ay dhalin kartaa in lagu kala tago nidaamka Dowladda oo aan ognahay halka uu ka yimid, sidoo kale waxa ay dib u dhigeysaa dalka oo waxaa ka dhalan karo khilaaf ay adkaantoodo in dib la isaga yimaado” ayuu yiri Madaxweyne Deni.” ayuu markale yiri, Siciid Cabdulllaahi Maxamed (Deni).

Ugu dambeyn wuxuu ku baaqay in la gaaro heshiis siyaasadeed, ka hor inta aan la guda gelin howlaha doorashooyinka, si looga hortago khilaafaadyo hor leh oo yimaada.

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

4.5, waa waxaan la qaadan karin, doorasho shacabna kuma imaan. dastuurna wali soomaali ma yeelan.

Sidaa daraadeed nimanka puntland ku matala federaalka waa sharci daro, aan masiirka reer puntland wax shaqo ah ku lahayn.!!

Arintaasu waxay iila muuqataa aragtidayda, inuu ula jeedo nadaamkii puntland iyo federaalka horay uga dhexeeyay waa burburay dhamaantiis.

Wixii hadda ka dambeeyana waxaa laygu imaanayaa jabhad  cusub oo gacan saar la leh snm.

Wuxuu hadalkiisa kusoo xiray tacsi uu u diray muuse suudi asagoo uga tacsiyeeyay wiilashii gololey ku dhintay allaha u naxariisto dhamaantood shakina geliyay cidda ka dambaysay.

Macnahiisoo dhan markii lasoo koobo waa mar labaad aan siyaad barre iska xorayno anagoo inteenii ah oo isku duuban.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.