Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Karaash oo la afxiray

Recommended Posts

Khilaafkii SACIID DENI iyo Axmed Karaash oo la xaliyey – Maxaa lagu heshiiyey?

Khilaafkii u dhaxeeyey madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Karaash ayaa lagu guuleystay in la xaliyo, sida lagu sheegay war kasoo baxay madaxtooyada Puntland.

Khilaafka ayaa waxaa xalintiisa ku guuleystay qaar ka mid ah Isimada Puntland iyo guddoonka baarlamanka, oo maalmihii u dambeeyay ku howlanaa dhex-dhexaadinta Deni iyo Karaash.

War-saxafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu shaaciyay in meesha laga saaray kala aragti duwanaantii dhinaca maamulka iyo shaqada ee u dhexeysay Madaxweyne Deni iyo ku-xigeenkiisa, kadib kulan ay maanta oo Tallaado ah Madaxtooyada Garowe ku wada qaateen Madaxda ugu sarreysa Puntland iyo qaar kmid ah Isimada dhaqanka.

War-saxaafadeedka ayaa u qornaa sidan hoose.

“Madaxweynaha Dowladda PuntlandSiciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta kulan la qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, Guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee Baarlamaanka Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Ismaaciil Maxamed Warsame iyo xubno ka mid ah hoggaanka dhaqanka Puntland”.

“Kulanka ayaa looga hadlay kawada shaqeynta midnimada, amniga iyo horumarka Puntland waxaana lagu guuleystay in meesha laga saaro kala aragti duwanaan dhinaca maamulka iyo shaqada ah oo u dhexeysay Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka”.

“Dowladdu waxay Bulshada Puntland ugu baaqaysaa inay ka shaqeeyaan dowladdnimada, meel ugasoo wadajeestaan cadowga, iskana ilaaliyaan waxkasta oo khalkhalgelinaya nidaamka, amniga iyo jiritaanka Puntland.”

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.