Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Karaash oo la afxiray

Recommended Posts

What did Mudane Karaash do?

Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo wararkiisa laga mamnuucay in lagu faafiyo warbaahinta ku hadasha afka Puntland

2020519637254580182519071.jpg

Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Axmed Karaash ayaa cuno qabatayn laga saaaray in wararkiisa lagu baahiyo xarumaha warbaahinta ku hadasha afka maamulka Puntland, sida PuntlandTv iyo barta internetka.

Arintaan ayaa loo sababeynayaa inay qeyb ka tahay khilaafka u dhexeeya isaga iyo madaxweyne Deni, khilaafkaas oo ka dhashay xil ka qaadis madaxweynuhu ku sameeyay sarkaal katirsan madaxtooyada.

Xayiraada wararka madaxweyne ku xigeenka waxay kasoo bilaabatay kadib markii la joojiyay ama laga saaray baraha warfaafinta maamulka tacsi uu ka diray dilkii guddoomyihii gobolka Mudug, Axmed Muuse Nuur.

Masuuliyiinta madaxda ka ah xarumahaas warbaahineed wax faallo ah kama bixin sababta madaxweyne ku xigeenka wararkiisa loo mamnuucay.

Ma ahan markii ugu horeysay oo ay arintaan dhacdo, balse waa arin soo laalaabata mar walba oo ay isqabtaan labada masuul ee ugu sareeya Puntland.

Arinta kale ee xusida mudan waxay tahay in Axmed Karaash uu sameystay bog baraha bulshada ah oo wararkiisa lagu faafiyo, waana markii ugu horeysay oo ay dhacdo in madaxdu kala yeeshaan labo warfaafineed.

Inastoo ay socdeen dadaalo lagu doonayay in lagu xalliyo khilaafka masuuliyiinta Puntand, balse wax natiijo ah kamasoo bixin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Karaash oo laga mamnuucay warbaahinta maamulka P/L kadibna tallaabo qaaday

Iyadoo Puntland ay xaalado cakiran oo dhanka amniga ah ka jireen maalmahii lasoo dhaafay, hadana waxaa kasii darat khilaaf u dhaxeeya madaxda ugu sarreysa maamulka, waxeyna arrintu gaartay in dagaal dhanka warbaahinta ah uu yimaado.

Khilaafkan ayaa maraya heer madaxweyne ku-xigeenka Puntland laga mamnuuco inuu adeegsado warbaahinta maamulka, taasi oo ku qasabtay inuu abuurto bogag u gaar ah.

Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid C/llaahi Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa markii hore isku khilaafay xil ka qaadis lagu sameeyay mid ka mid ah taliyayaasha ciidanka madaxtooyada.

Madaxweyne Deni ayaa xilka ka qaaday taliye ku xigeenkii Ciidamada ilaalada Madaxtooyada, wuxuuna durba magacaabay mid kale, arrintaas waxaa kasoo horjeestay ku xigeenkiisa Karaash, oo waxba kama jiraan ku tilmaamay xil ka qaadista iyo magacaabista labadaba.

Walaac weyn ayaa soo kordhay kadib markii khilaafka uu u gudbay dhanka warbaahinta, tacsi uu Axmed Karaash u diray gudoomiyahii gobolka Mudug ee qaraxa lagu dilay ayaa laga saaray bogga talafashinka Puntland oo markii hore lagu daabacay.

Xaaladda waxey kasii dartay markii bogga madaxtooyada maamulka Puntland aan lasoo galin tacsi uu Karaash u diray ehalada gudoomiyahii gobolka Mudug ee qaraxa lagu dilay, hase yeeshee in wararkiisa lasoo galiyo boggaas waxaa ugu dambeysay horaantii April xilli uu la kulmay guddi gurmad ah.

Ugu dambeyntii Axmed Cilmi Cismaan Karaash wuxuu go’aansaday inuu sameysto bog cusub uu ku faafiyo waxqabadkiisa, kaas oo durba gilgilay baraha bulshada Soomaalida.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Puntland has become a joke seriously 

Abdulahi YUSUF would roll over in his grave, if he was told what is going on the place he found. 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Karaash has a growing official Facebook page now. In 2020 qof masuul ah la afxiri karo ayaaba iska yar. This ain't in 1980s.

Garoowe 20 May 2020

Xafiiska Warbaahinta Madaxweyne ku xigeenka Puntland waxa uu uga mahadcelinayaa dhamaan bulshada Soomaaliyeed ee ku taxan Boga Facebook.
Muhiimad gaar ah ayay noo leedahay in mudo 24 Saac ah uu ku gaaro 30K.

Sawir

Mahadsanidin

98731912_112304927156203_808986480662806

  • Haha - That was funny. You made me laugh! 1

Share this post


Link to post
Share on other sites
51 minutes ago, Miskiin-Macruuf-Aqiyaar said:

Karaash has a growing official Facebook page now. In 2020 qof masuul ah la afxiri karo ayaaba iska yar. This ain't in 1980s.

Garoowe 20 May 2020

Xafiiska Warbaahinta Madaxweyne ku xigeenka Puntland waxa uu uga mahadcelinayaa dhamaan bulshada Soomaaliyeed ee ku taxan Boga Facebook.
Muhiimad gaar ah ayay noo leedahay in mudo 24 Saac ah uu ku gaaro 30K.

Sawir

Mahadsanidin

98731912_112304927156203_808986480662806

Waaw,  cajiib

KARAASH WAA belo, runtiina Geesi ah

Share this post


Link to post
Share on other sites

He is pathatic I think deni will impeach him. The beef all started when karaash wanted to have the say about who to appoint from the garaad clan. And deni said no your office is purely symbolic and you have no say. Now he moved to Facebook his days are numbered. 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Facebook has a section called 'Transparency' which give you more information about the page, who owns it and from which locations it gets updates from. Make good use of it.

This page seems to be an old page which has been renamed on 19th of May. kkkk Go figure.  :D 

Dadku been badanaa.... 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Karaash: Madaxweyne Deni salaanta iskama qaadno

Waxaa soo shaac baxay khilaaf maalmahanba la hadal hayay inuu u dhexeeyo madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullahi Deni iyo ku-xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash).

Khilaafkooda ayaa salka ku haya kala lahaanshiyaha awoodaha maamul ee labada mas’uul.

Karaash ayaa ku eedeeyay Deni in aanu kala tashan magacaabis uu dhawaan sameeyay oo isugu jirta taliyeyaal ciidan iyo wasiirro.

Madaxweyne kuxigeenka oo waraysi gaar ah siiyay BBC laanta Af-Soomaaliga ayaa intaa ku daray in khilaafkooda uu gaaray heer aysan hadda saalanta iska qaadin labadan mas’uul oo ku wada shaqeeya dhismaha madaxtooyada Garowe.

Khilaafka labada nin ayaa bannaanka yimid kadib markii 14-kii bishan May uu madaxweyne kuxigeenka kasoo horjeestay magacaabista taliyaha iyo taliye kuxigeenka madaxtooyada Puntland oo uu magacaabay madaxweyne Deni.

Mudane Karaash ayaa sheegay in aan lagala tashan magacaabistaasi.

“Waxaan qoonsaday [magacaabista] taliyaha madaxtooyada. Madaxtooyadu waa meel naga dhaxaysa oo aan u wada shaqo tagno, wada joogno, wada maamulno. Madaxweynuhu markuu wiilkiisa keensaday, wiilkii aan anigu keenayna uu meeshii ka eryay, marka dee meel la isku haleyn karaba ma'aha,” ayuu BBC-da u sheegay Axmed Karaash.

Xafiiska madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni oo aan u bandhignay eedeymaha loo jeediyay ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo.

Balse waraysi uu maalin ka hor madaxweyne Deni siiyay telefishinka BBC Somali ayaa waxa uu ku sheegay in asagu uu leeyahay go’aanka magacaabista xilalka.

“Nidaamka dastuurka ah ayaa waxa uu na farayaa marka la magacaabayo golaha wasiirrada iyo waxyaabaha la midka ah in laga wadatashado oo aan talo weydiiyo, laakin go’aanka uu madaxweynuhu leeyahay,” ayuu yiri Siciid Cabdullahi Deni.

Khilaafkooda

Isfahan waaga labada mas’uul ayaa meel adag gaaray kadib markii 22-kii bishan uu madaxweyne Siciid Cabdullahi Deni magacaabay wasiirro iyo wasiirro kuxigeen, kuwaasoo uu sheegay inuu kala tashaday madaxweyne kuxigeenka.

Axmed Karaash ayaa beeniyay in lagala tashaday magacaabista wasiiraddaasi.

“Ma dhicin [wadatashi], marxalad aan ka wada tashanno markaa ma jirin…..war dee annagaan salaanta iska qaadin, miyaan wada tashan karnaa,” ayuu yiri Axmed Karaash.

Wasiirrada cusub ee uu magacaabistooda diiday Axmed Karaash waxaa kamid ah rag horay ugala tartamay kursiga madaxweyne kuxigeenka ee Puntland.

Mar la weydiiyay waxa uu hadda yeelayo ayaa madaxweyne kuxigeenka waxa uu ku jawaabay in si odaynimo ah uu hawsha kusii wadi doono, isagoo ilaalinaya dastuurka iyo sharciga.

Deni iyo Karaash ayaa ku guuleystay doorashadii baarlamaanka Puntland ka dhacday 8-dii January 2019.

Ma aha markii ugu horreysay ee labada mas’uul ee ugu sarreeya Puntland ay isku khilaafaan hannaanka awood wadaaga labadooda xafiis, iyadoo madaxweyne iyo kuxigeenkii hore ay isku khilaafeen arimo ku aaddan go’aannada masiiriga ah ee maamulkaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Latest from his Facebook page:

Garoowe 23 May, 2020

Ciid Mubaarak

Madaxweyne Ku-Xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa farxada munaasabada ciidul fitriga la wadaagay dhammaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka reer Puntland.

Wuxuu sidoo kale madaxweyne ku-xigeenku shacabka reer Puntland Eebe uga baryay inuu ciidan ciideeda inagu gaadhsiiyo dambi dhaaf, caafimaad qab, barwaaqo, amni iyo horumar waara.

“Waxaa dhammaanteen eebe inooga baryayaa inuu ciidan ciideeda inagu gaadhsiiyo farxad, barwaaqo, amni iyo horumar”, ayuu yiri madaxweyne ku-xigeenku.

Ugu dambayn Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa ugu baaqay Shacabka Reer Puntland Midnimo iyo Wadajir

"Dhamaan Shacabka reer Puntland waxaan ugu baaqayaa in lagu dadaalo Midnimada iyo Wadajirka,hana loo hogaansamo talooyinka Dhakhaatiirta Caafimaadka"

XAFIISKA WARBAAHINTA MADAXWEYNE KU-XIGEENKA DOWLADA PUNTLAND

98361207_115608376825858_756835007774851

Share this post


Link to post
Share on other sites

MAXAA KA JIRA IN DENI IYO AXMED KARAASH AY CIIDAMO KU SOO DAABULEEN GAROOWE?

Dadkaas waxay sawirada ku sheegeen in madaxweyne Deni uu ciidamo ka keenay degaanno ka tirsan gobollada Bari iyo Karkaar kadib markii sida ay tilmaameen madaxweyne ku xigeenku uu ciidamo kala yimid gobollada Sool iyo Cayn.

Sidoo kale waxay sheegeen in labada mas’uul mid kasta uu ciidamadiisa ku soo daabulay magaalada Garoowe kadib markii khilaafkoodu sii xoogaystay taasina ay xiisad colaadeed ka dhex abuurtay madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka.

Haddaba warbaahinta Puntland post oo baaritaan ku samaysay in ay jiraan ciidamo kala duwan oo labada mas’uul keeneen caasimadda Garoowe ayaa ogaatay in aysan waxba ka jirin wararkaas islamarkaana aysan dhinacna ciidamo cusub keenin gudaha magaalada.

Waxaase xusid mudan in weli uu taaganyahay khilaafka ka dhexeeya madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka kaasi oo aan ilaa iyo haatan xal rasmiya laga gaarin.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dhoobodaareed oo ka hadlay khilaafka Puntland, lana saftay Axmed Karaash

Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Puntland, Mudane Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo-Daareed) ayaa markii ugu horreysay ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee haatan u dhexeeya madaxda sare ee maamulkaasi.

Dhoobo-Daareed oo bixiyey wareysi dheer ayaa eedeyn u jeediyey Madaxweyne Siciid Deni, wuxuuna sheegay inuu ka soo horjeedo in talada Puntland ay wax ku yeeshaan xubnaha ugu dhow ee la shaqeeya sida ku xigeenkiisa iyo guddoonka baarlamaanka.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in khilaafka hada jira uu ka dhashay markii madaxweynuhu diiday inuu la tashado ku xigeenkiisa, sida uu hadalka u dhigay.

“Madaxweynuhu wuxuu dulmiyay xuquuqdii yarayd ee uu dastuurku siiyay Madaxweyne ku xigeenka oo ah inuu la tashado. tashigu sidiisaba waa dastuuri khasab ah inuu Madaxweynuhu la tashado ku xigeenkiisa,” ayuu yiri Cabdixakiin Dhoobo-Daareed.”

Ugu dambeyhn wuxuu ku baaqay in lagu dhaqmo, lana ilaaliyo dastuurka iyo shuruucda u taalla Puntland, si looga kaashaanto dib u dhac ku yimaada horurmarka maamulkaasi.

Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo haatan uu fikta sare gaaray khilaafka u dhexeeyey Madaxweyne dowlad goboleedka Puntland, Siciid C/laahi Maxamed (Deni) iyo ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) oo isku hayo awooda maamulkaasi.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wararkii ugu dambeeyey ee khilaafka Saciid Deni iyo Axmed Karaash ee Puntland

Wararka laga helayo gudaha magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal ayaa sheegaya in Madaxweynaha Puntland iyo ku xigeenkiisa ay aqbaleen inay ka wada-hadalaan khilaafka haatan u dhexeeya, si xal waara looga gaaro.

Guddoomiyaha dallada ururada bulshada rayidka Puntland ee PUNSA, Feysal Axmed Warsame ayaa ka warbixiyey kulamo gooni gooni ah oo ay la qaateen Siciid Deni iyo Axmed Karaash, kuwaas oo looga arrinsaday, sidii loo dhameyn lahaa khilaafkooda.

Feysal ayaa sheegay in labaduba ay ka codsadeen in wad-hadal lagu dhameeyo xiisada, islamarkaana ay ka aqbaleen in ay is hor fadhiistaan, si ay uga wada-xaajoodaan.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ka dallad ahaan ay iyagu dhameyn doonaan arrinta, islamarkaana ay heystaan damaanad-qaad la xiriira in ay ka aqbaleen dadaalka ay wadaan.

Khilaafka u dhexeeya madaxda sare ee dowlad goboleedka Puntland oo aad u xoogeystay maalmihii u dambeeyey ayaa salka ku haya awooda maamulkaasi.

Waxaa sidoo kale fashilmay isku dayo kala duwan oo horay loo sameeyey, si loo dhex-dhexaadiyo labadaasi mas’uul.

Xaaladda Puntland ayaa muuqata mid sii cakirmeysa marba marka ka dambeysa, iyadoo uu saameeyey cudurka Coronavirus oo laga helay mas’uuliyiin ka tirsan maamulkaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
galbeedi   

I will ad the Karaash issue two things.

First, money is in short supply in Garoowe these days,  and the Reer Bari,  traditionally do  not throw money around like those from MUdug.

Second, those from Sool consume a large amount of the budget. When late president C/laahi Yusuf became president and left for Mogadishu, he was replaced by another Reer Bari who grew up in the South, the late Cadde Muuse. Xaabsade, who under C/laahi Yusuf had his own militia and millions , left to Hargeisa when the money dried up. 

I heard that , another major reason is this C/laahi Deni guy is pushing certain reforms like holding municipal elections and those from Sool whose 90% of their land belongs to Somaliland will became homeless. 

C/laahi DEni is paying the price or inaction  of  by C/weli Gaas and Faroole who didn't save for rainy days or build constitutions.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Deni iyo Karaash oo kulan xasaasi ah ku leh Garoowe

Wararka naga soo gaaraya gudaha magaalada Garoowe ayaa sheegaya in haatan Madaxweynaha maamulka Puntland, Siciid Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Karaash uu kulan xasaasi ah uga socdo xarunta baarlamaanka ee magaaladaasi, kadib markii ismimada maamulkaasi ay ku guuleysteen inay isu-keenaan.

Kulankan ayaa ah mid lagu dhex-dhexaadinayo labada adhinac, si ay xal uga gaaraan khilaaafka xoogan ee muddooyinkii la soo dhaafay u dhexeeyey.

Isimada Puntland oo markasta u istaaga xalinta khilaafka madaxda sare ee maamulkaasi ee haatan xalinta wada ayaa waxaa ka mid ah, Islaan Ciise Islaan Maxamed, Garaad Saleebaan Garaad Maxamed,  Boqor Cabdullaahi Axmed Cali Daba-gooye, Ugaas Maxamuud Cabdullaahi Ciise Nuur iyo Suldaan Siciid Maxamed Garaase, kuwaas oo dhex-dhexaadinaya mas’uuliyiintaasi.

Sida qorshuhu yahay waxaa kulanka hadda socda lagu soo afjari doonaa khilaafka hareeyey Madaxweynaha Puntland iyo Madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi oo maalmihii u dambeeyey si aad ah looga hadal hayey deegaanada maamulkaasi.

Khilaafka labada nin ayaa bannaanka yimid kadib markii 14-kii bishan May uu madaxweyne kuxigeenka ka soo horjeestay magacaabista taliyaha iyo taliye kuxigeenka madaxtooyada Puntland oo uu magacaabay madaxweyne Deni. Mudane Karaash ayaa sheegay in aan lagala tashan magacaabistaasi.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa toddobaadkii hore sheegay in khilaafkooda uu gaaray heer aysan hadda saalanta iska qaadin labadan mas’uul oo ku wada shaqeeya dhismaha madaxtooyada Garowe.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.