Sign in to follow this  
Nasteexo

RAGII QARNIGOO QURMAY!!!!!!!!!

Recommended Posts

Nasteexo   

QA BAAN KA BILAABOO QA BAAN KU DHAMEEYOO QAADLOOW IGA QABO--------

 

Qaad seey u cunaayeen qaaxaa ku dhacdoo qúmankaa bararay

Qurunkaan qalalay ee qandhadu wada heyso

Qubqubteey ku hayaan qaacigey fadhiyaan oo qafiif beey ku noqdeen

Ee qaadiroow u gargaar

Qandhadaan kala jeedo

Qanjiradu qaaxo noqdeen

qurun baa ku dilaacoo qaboow baa ku dhecee qaadiroow naga hay

Qashinkaan qaa qaawan ee qaad ka ku wareeray quudna kuuma hayaan qumaneey ka tasho

qumayooyinkaan soo taagan mid qilaaf ku dhacay mid qaxooti noqday mid qaad u fadhiyoo oo quxuu leeynaaya

OO qaadirkii wuxuu siiyay qariboo ku cayaaray qorsho kuuma hayee qumaneey ka fogoow

Mid qataaran iyo mid qumaday iyo mid qafiifay

raggii qatartaa qaliir kacsadaa ka soo haray

Midaan qoor taagi karin oo qeeyba qalashay

suu qaad u cunaayeen qanjiradi balaarteen

Qoraxdu markeey dhacdo ileen qori ma hayaane qandhuufeey kugu qabtaan

Mid ku qaada mid ku qanciya iyo mid ku qaboojiya malehe waa qaaxo qaloocan

Qarankii soomaaliyeed iyo raggii qumanaa qaad baa isku aruurshoow qaxooteey ku noqdeen

Raggaan qaribmay qaranki ku cayaaray mana qabanaayaane gabdhihii qarankoow maxaa noo qorshaa??!!!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nasteexo   

Baac yaashaan balwada lagu qaaday

Baf markey ku siiyaan baad baqtineysaaye

Biif baaf ma yaqaaniin barfuuna ma gataan

Bidaar tii baa ku dheeraato bogga kugu dhufaneysoo

Balaayo soo taagan aan bugtooda la Fahmeeyn

Bisinkaad qabsaneysaa balada ka soo baxeysaa

Beentooda iyo balantooda Baariyoow naga badbaadi beleey meesha ku hayaane

Bajaqyadaan baarada ku baxdoo balada kasoo ureyso

Balaq banaan taagan oo babanaayo

Ragaan baqbaqda haayo sidii badar la karinaayo

Bidaartaan balaaran ee aad moodo buufin in lagu qaadey

Bahaladaan buko ee buufiska laga buuxshay

Ee Baloooooooooooy waa nin qaad cuna

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nasteexo   

Maraxyahoow maseeyr dartii maroorku la qaloocday

miriqdaada iga qari malag kusii qaadyee

Maqaar soconaayoo malashtu ka dhamaatay

Manjahaaga mafiiqdaa markaan aragno madaxwareegnaaye

Miriqdaada iga qari muruqyo kuusneeyde

Madaxaaga muuskaa ee maskaxda laga qaadey

EE sidii maraankii mabacda soo haaya

Mowduucaaga uma bogine ee marada sii qaado

Maac markaad tiraahdaa marwadaadu matag la wareegtaa

Mijahaaga qorigaa iyo miskahaaga mirifkaa ee marada ka sii lulato

Meel laga wareegsadaad miriqtameysaaye

Mid ma tihid mugdiyahoow malawadka kasoo jeedo

Mar markaan ku eegaan marin habaabaye

ee maankaaga iga qari muluc la moodyahoow

Mar markaan kuu eegaan macnahaaga firshaan

"MA MARTAA I QABATAA"

meeydkaan yaree yaal e sidii maraankii macnaha laga qaaday

Muuskaaga qaadoo mariinkaaga sii jiir

Mugdi kasoo jeedyoow miyirka laga qaaday

Macnahaaga uma bogin

Malax la moodyoow maamulka soo baro

looooooooooooooooooooooooooooooool

Share this post


Link to post
Share on other sites

"MA MARTAA I QABATAA"

meeydkaan yaree yaal e sidii maraankii macnaha laga qaaday

Muuskaaga qaadoo mariinkaaga sii jiir

Mugdi kasoo jeedyoow miyirka laga qaaday

Macnahaaga uma bogin

Malax la moodyoow maamulka soo baro

LOL LOL LOL LOL LOL LOL LOL LOL LOL LOL LOL

 

wow good poem that was some funny *** poem wallahi

props props man good use of words i'm printing this and sending it to my khat feind freind wallahi this is a soul penetrating humor generated poem. good one nasteexo good one wallahi wun love

Share this post


Link to post
Share on other sites
Macalin   

QA BAAN KA BILAABOO QA BAAN KU DHAMEEYOO QAADLOOW IGA QABO--------

 

Qaad seey u cunaayeen qaaxaa ku dhacdoo qúmankaa bararay

Qurunkaan qalalay ee qandhadu wada heyso

Qubqubteey ku hayaan qaacigey fadhiyaan oo qafiif beey ku noqdeen

This first one was nicely PUT~!

 

The rest of the 2 are also nice..true indeed@ laakin FUNNY

Share this post


Link to post
Share on other sites
Iffah   

looool Nasteexo. That was hysterical.. I couldn't stop laughing.... :D:D

Nicely written...you're very talented.

 

Still LOOL

Share this post


Link to post
Share on other sites
wadaad   

CUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUC....

AQAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAS

 

GABAY XUMAA MINKU KAA SOO DHAC :confused: redface.gif

THIS IS THE MOST DESGUSTING POEM I HAVE EVER HEARD IN MY LIFE.

 

WAXAANA FILAYAA ONE OF UR HUSBAND OR EX-HUSBAND AYAAD U TIRINEYSAA :eek: :eek:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Salaan...

 

Wah! Wah! Wah! Meesha abaay heloow aaba camiratee, kiyooskoo yar ayba ku furatey. Waraada idinka faaraxiinta wax difaaco maleh miyaa ururkeen. Waaba u camireysiin. Sugbo anaa hooshed aqaano tan.

 

Nasteexo, shirib hadii biloowdey, waa laguula shuk-shukulaa. :cool:

___________________

Xaq iyo xaraan mid xal u heshay malehee

Xaasidnima intee isku xaaqdey xalanimina ku gaarin

Xalaal waa loo xiisaa, xaraana waa laga xuroobaa

Xaajigeed habeen iyo maalin xamaloow

Iyadana intee ku xaashaneysaa

Xuquuqdiis ku xadgudbeysaa,

Xadna dhaaftee, ee bal mar xaasho

Xamar waa lagu xisaabtamaa, Xarar Dheere xoog

Xaliimo awalba axsaan lagaama sugeen

Xaasidnima xaalkeed ayee dishaa

Ee Xaliimo xaasho, xaalna qaado

Xaajigaana xaal sii

 

__________________

Makuu sii wadaa, ar majoogtidoo, intii aa baroorin :D

__________________

Shariifeey, shaash saaro,

Shareerka ku sheego

Shariifkaa u sheekh

Sheeko shaah maku siisee

Shuufinimo sharaf malahee

Ee shig-shignimadaa shuun bidaar galey haka dhigin

Shactirana kashaac oo shax ciyaar

Sheekhlaawe naagteed ay dishaa

Shuqulkaa waala shaqshaqaa

Shiinka quraanka in lagu saaro ma’ahee

Shac kale ma sheegi karo

Ee

Shiikhaa markiis yimaado shariifooyinka kale shubuukadaa haka shacaan

Ee

Minaa guri sheekh timaato adoo shuu oo sidii shinida camal laguu dhigin lagaa sheegi maayo

 

_______________

 

:D:D Waa kasaa, ee mar danbe afaaraheen hana soo gishan. smile.gif

_______________

 

Macsalaama!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nasteexo   

CALIYOOW WIXII HORE CAYAAR BAAD U MALEYSAA

CAAWA SIDII CAGAARKAAD CUNI JIRTAY BAAN KU CALAAJIN EE CURRIYOOW I DHAGEYSO!!!!!!!

 

Calidheerow cimrigaa waa gaabtee

Calaacal waa lagaaga roonyahay

Cabaadka dhaaf oo cimrigaa gaar

Cidlaad jiiftaaye oo ka caac leedahay

Culusoow calooshaa ku kartee ileen caano booraa ku jiree

Cudurkaan la socoo cambuulada dhaaf

Cunta fiican cun oo wax ciseynta baro

Ileen cantuugaad ka qaadataa wixii hore loo soo caayay

Oo cidlaad ka xanaaqday cuqdadbaadna qabtaa

Candhaq yahoow cududa weeyn ee cirfiidka u eg

ee ciradu ku dhamaatay cimrigaa waa tagee

Cidna kuuma hayno ciyaal baad la cayaari

ee cagaha wax ka day ha ii calool kuusnaane

camankaaga kuusan iyo ciridkaan ku cadaaday

iyo calooshan cambuulada laga buuxshay

hadaan kuu kala cadeeyo

oo caawo kuu fariisto

Caliyoow waad cabaadi doontaaye maad ciicda iga deysid

Mise waanku caayaa oo cirbahaaga wax tusaa

Candhuuf baad iila midtahoo walee waan ku calaajin

Ee cilmiyoow maad joogtid

ALA HAYAAY CEEBLAAY ragaan wada cuslaaday cajaladu cagaarteen ee geedka cagaaran wata ciirsi nooma hayaane maan cidleeyno?????

Cabaadbaa ka dhamaado caaq yadaan wada cantatabeen

Cambarooy ragaan goowsa cagaartay seey cagaar u cunaayeen cagaarshoow baaku dhacoo

Candhadii baa caatoowdoo sidii calal noqotay

Cakuyeey nin cagaar=(QAAD) cuna

curriyadaan wada cabeysan ee macashu wada barartey

sey u caay tamayeen ciyaalka noqday

lama caayi karee caadiloow naga haay.

 

LOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOL

CALIYOOW HAYGA CAROONIN ILEEN WAA CAYAARE :D;);););)smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Loyan   

Originally posted by Nasteexo:

[QB]Culusoow calooshaa ku kartee ileen caano booraa ku jiree

Cudurkaan la socoo cambuulada dhaaf

Cunta fiican cun oo wax ciseynta baro

Ileen cantuugaad ka qaadataa wixii hore loo soo caayay

Oo cidlaad ka xanaaqday cuqdadbaadna qabtaa

Candhaq yahoow cududa weeyn ee cirfiidka u eg

QB]

LOOOOOOOOOL.... Show gabadhu wax bay ogtahay? smile.gif

 

MMA ... sxb waxay joogtaa "wixii dhiig lahow kaca!"

 

Nasteexo... Well done abaayadiis :cool:

 

Eid Mubarak!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Hibo   

ehhehehehehehehehehehe alla beerkaaaaaaaa

Nasteexo ma fanaanadii Waaberi ayaad ku biirnaan jirtay wanba yaabe, hayaay kacaay hayaay baa iga soo hartay! Alleylehee dumarkeedii baad tahay. Sidaan u qoslaayay bey ilin kulul fow ka soo yidhaahdeen labadayda indhood oo kalyahaa i dilaaci gaadhay. Dee nimankan jaadyacunka ah si wacan baad ula socotaaye sidan miyaad ka deysid. Hadalkaagu dhagax isha ka rida ayey ku noqotay. Xaadirkan weyba indha beeleen. Sowtaadba wax ula kala harin. Halkaas nooga soo wad walaashiis.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this