Saalax

A rare picture of former Somalia Vice President General Mohamed Ainanshe

Recommended Posts

galbeedi   

While Allah ha nu naxcariiste Salaad Gabayre was promoted due to his family relationship (Son in law of Aadan Cade), Caynaashe and C/qaadir Dheel were the real soldiers Siyaad Bare eliminated from competition.

Ismaaciil A Abokor, Samatar, Dafle, Rabiile and the rest were junior officers compared to general Caynaanshe.

  • Thanks 1

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   
1 hour ago, galbeedi said:

While Allah ha nu naxcariiste Salaad Gabayre was promoted due to his family relationship (Son in law of Aadan Cade), Caynaashe and C/qaadir Dheel were the real soldiers Siyaad Bare eliminated from competition.

Ismaaciil A Abokor, Samatar, Dafle, Rabiile and the rest were junior officers compared to general Caynaanshe.

 

How did they allow Siad Bare to outmaneuver them surely they must have known he was plotting their demise. 

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Siyaad barre iyo senior' kii kacaanka markoodii hore waxay ku heshiiyeen inuu siyaad barre hogaamiyo noqdo da'da iyo khibrada labadaba iyo asagoo ahaa taliyihii ciidamada.

Balse shirkii ugu horeeyay bay kala sxiixdeen, inaysan ayagu is inqilaabin wixii towrada hub kala hor yimaadana la tookto.

Inqilaabkii ugu horeeyay waxaa abaabulay madaxdii dalka la qabatay oo ay ugu horeeyeen caynaanshe gabayre.

Kacaankii aan dhiiggu ku daadan wuxuu noqday in dhiig lagu ilaaliyo oo qof walbaa naftiisa u baqo wixii maalintaa ka dambeeyay.
Allaha u naxariisto dhamaantood.

Waxaa aad u muhiim ah in la fahmo inqilaabka sidiisuba xaq ma ahaa mise xaq ma ahayn?

Ayadoo shacabku kusoo daalay dawladihii rayidka ahaa oo musuq maasuq iyo qabiilaysi iyo is daba mar looga maaro waayay, bay timid dhimashadii madaxweyne sharmaarke allaha u naxariisto.

Ka dib waxaa dhacay in baarlamaankii madaxa isla galo oo jid iyo jaho laga waayo dalkiina khal khal dhan kasta ah galo.

Markaas ka dib yaa towradii barakaysnayd dhalatay 21'oc 1969.

Waa la shanlaystay waa la sinaaday, waxabaa lawada qabsaday, qabiil baa la aasay, wax barashaa la aaday, kala sarayn waa la waayay iyo gabar reer boqora yaa soo socota.

Inqilaabkii labaad yaa dhib badnaa ee c/laahi yuusuf iyo cirro.
Arragtidayda waa hooyadii burburka ee soomaaliya.

Dadkii waxaa la baray inay qabiil u kala baxaan, inay Ethiopia la dumiso qabiilada soomaaliyeed dalkooda hooyo.

Way ka guulaysteen siyaad barre aakhirkiina xukunkii way ka tuureen, laakiin meel cidla ah bay isku waraysteen lagama sheekayn jaro waa sheeko dheer laga wada dharagsanyahay.

Hadaba dagaalkii 90'kii ka dib wax faa'iido ah malaga helay?

Khasaaraha in bada yaa layska waraystay laakiin faa'iido muhiim ah yaa ku jirtay.

Aragtidayda faa'iidada laga helay, waxaa ugu waynaa...

Beelo badan yaa berigii hore waxaa ka dhaadhacsanaa mana talin kartaan qabiil kalena kama adkaan kartaan caqliga wayn dacaayadda lama gelin karo way kasoo noqotaa buufis yaa lagu riday intaasoo sano.

Nasiib wanaag labadiiba way dhacday oo maalinkaas bay kor fiiriyeen.
USC'  way adkaatay.
Snm'  way talisay.

Laakiin mushkiladda jirta waxay tahay wali qalbigoodu sidii la rabay uma buskoon.

Tusaale waxaad usoo qaadata farmaajo.

Markay arkeen maamul hufan waxay bilaabeen oohintii 90kii ka hor, waqooyi iyo koonfurba asagoon beeshiisii la joogin wax gaarana u hayn.

Warka markii lasoo koobo meel hoose waa laga talin karaa 
Qabiil ahaana waa looga adkaan karaa qabiil kale.

Balse buurta meesha ugu saraysa waxaa kaliya oo ku gayn kara daacadnimo iyo xasad la'aan.

Allahuma aslax axwaalnaa jamiican.

  • Like 1

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.