Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Downed plane in Bardaale

Recommended Posts

Xabashi soldiers have downed a plane that was about to land in Bardaale town in Baay region. Dowladda dhexe waa inay arrintaan daba gishaa.

Xog ku saabsan shilka diyaaradeed ee ka dhacay Bardaale

202054637241969622455954.jpg

Garoonka diyaaradaha Magaalada Bardaale ee gobolka Baay ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed waxaa maanta ka dhacay shil diyaaradeed sababay dhimashada lix qof oo saarnaa diyaaradda African Airways oo sida la sheegay halkaasi gaarsiisay agab caafimaad oo loogu talogalay shacabka ku dhaqan degmadaasi.

Hadaba waxa ay warar is khilaafsan kasoo baxeen sababta shilka ku yimid diyaaradda.

Hiiraan Online ayaa la xiriirtay madax ka tirsan dowlad goboleedka Koonfur Galbeed si aan u helno xog sugan oo ku saabsan shilkaasi.

Mid kamid ah saraakiisha sar-sare ee Koonfur Galbeed oo codsaday in aynan magaciisa xigan sababo la xiriira in uusan u idmanayn in uu warbaahinta xog la wadaago ayaa sheegay in shilku ahaa gantaal lala beegsaday diyaaradda.

"'Inkastoo ay baaritaannadu socdaan oo ayadoo faahfaahsan warbaahinta kala wadaagi doono haddana xogta aan heleeyno 90% waa in ciidamada Itoobiya ee ku sugan garoonka in ay gantaal ku dhufteen diyaaradda," ayuu sargaalkan u sheegay HOL.

Mar aan weeydiinnay sababta ay arrintaasi ku dhacday, ayuu sheegay in ilaa hadda aysan garanayn, balse baaritaanka kadib la ogaan doono.

Howlgalka AMISOM oo ay qeyb ka yihiin ciidanka Itoobiya iyo Saraakiisha ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya weli kama hadlin arrintan.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

DF Somalia oo war rasmi ah kasoo saartay diyaaradii ku dhacday garoonka Bardaale

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, oo war rasmi ah kasoo saartay diyaaraddii shalay ku dhacday magaalada Bardaale, ayaa sheegtay inay si rasmi ah u bilowday baaritaan ku aadan shilkaas, oo ay ku dhinteen illaa lix qof oo saarnaa diyaaraddaasi.

Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya ayaa guddi khuburo ah saaka u dirtay goobta ay ku burburtay diyaadda oo ay laheyd shirkadda African Express.

Guddigan ayaa soo baari doono, sababta rasmiga ah ee ka dambeysay burburka diyaaddaasi oo la sheegay inay si ula kac ah u soo rideen ciidamada Itoobiya.

Wasaaradda gaadiidka ayaa sidoo kale shaacisay inay si deg-deg ah u shaacin doonto natiijada baaritaankaasi, islamarkaana ay la wadaagi doonto Ummadda Soomaaliyeed.

Diyaaradda oo uu nooceedu ahaa E120 ayaa siday shixnad gargaar daawo ah, waxaana ku nafwaayay dhammaan dadkii saarnaa oo lix qof ahaa.

Warar lagu kalsoon yahay oo Caasimada Online ay heshay ayaa sidoo kale sheegaya in duulimaadka diyaaraddaasi ay haysatay ogolaansho wasaaradda duulista dowladda federaalka ah ee Soomaaliya , iyadoo horay loo wargeliyay maamulka garoonka Bardaale, lagana war qabay xilliga duulimaadkaasi uu ku soo wajahnaa garoonka.

Dadka ku dhintay shilkan ayaa kala ahaa, Kabtan Xasan Musse Bulxan, Kabtan Mubruuk, Kabtan Cumar, Eng.  Kenyaan ah, mas’uulkii xamuulka saarnaa diyaaradda Cali Madax-Gaduud iyo wakiilkii Shirkadda Saciid C/laahi Maxamed, sida uu sheegay Xildhibaan Ibbi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kenya demands answers from Somalia over downed plane

Kenya has asked Somalia to investigate "unclear circumstances" under which a light aircraft was shot down in Bardale area.

The cargo plane carrying aid supplies for use in the fight against Covid-19 was shot down in Somalia yesterday, killing all six on board.

According to the Somali Ministry of Transport and Civil Aviation. the incident occured around 3.30 pm local time.

Of the six who were in the Embraer 5Y-AXO plane belonging to African Express, two are Kenyan pilots and four Somali nationals.

The Kenyans have been identified as Captain Mabruk Islam Sherman and Omar Chiraghdin from Mombasa.

“The incident occurred under unclear circumstances. The aircraft had been and was supporting humanitarian operations during this Covid-19 pandemic period,” the Ministry said in a statement issued Tuesday.

Daily Nation

Share this post


Link to post
Share on other sites

 Transport Minister promises independent investigation of Berdale crash

202055637242466717688117.jpg

 Six people including the pilot perished Monday after their aircraft carrying COVID-19 health and aid supplies came down in what multiple sources said was a result of ground to air shooting in Somalia’s southwest region.

The Captain of the plane, Hassan Musa Bulhan, along with his co-pilot Mabruk Islam were operating the ill-fated African Express aircraft as it was reportedly shot down at around 3:30 pm local time shortly before landing at Berdale, according to witnesses.

Capt. Hassan Musa Bulhan is the son of the African Express founder and CEO Muse Bulhan.

The flight was heading to Berdale from Baidoa in South West State.

Ground engineer Charles C Nganga and trainee pilot Omar Abdulle Jamal were among the dead along with two other passengers who were employed by African Express.

Five bodies have been recovered so far according to the Minister of Transport and Civil Aviation, Mohamed A Salad Oomaar.

Hiiraan Online spoke with the Transport Minister as he was on his way to Bardale airport with investigators to recover the Black Box which can reveal critical information on the last moments before the crash. He also plans to repatriate the bodies of the crash victims

Share this post


Link to post
Share on other sites

There would be nothing on the Black Box about this.

Ethiopians did not communicate, they just shot the plane. There is no exchange between Ethiopians and the plane.

The Ethiopians have spoken already. Farmaajo and Co. did not tell them that the plane has permit and everything is in order. They shot the plane in self and SFG protection.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wafdi ka socda DF, Kenya iyo Itoobiya oo gaaray goobtii ay ku dhacday diyaaradda

Wafdi.jpg

 Wafdi ka socda dawladda federaalka, maamulka Koonfur Galbeed iyo safaaradaha Kenya iyo Itoobiya ayaa maanta gaaray goobtii ay shalay galab ku dhacday diyaaraddii African Express ee duleedka degmada Bardaale ee gobolka Bay.

Wafdigaas waxaa qeyb ka ahaa wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar, wasiirka gaadiidka Koonfur Galbeed Xasan Xuseen Maxamed iyo safiirrada waddamada Itoobiya iyo Kenya u jooga Soomaaliya.

Mas’uuliyiintan ayaa halkaas u gaaray sidii baaritaan loogu sameyn lahaa sababtii ka dambeysay in diyaaradaasi ay soo dhacdo, waxaana laga war sugayaa wixii ka soo baxay baaritaankaas oo sida muuqata ay iska kaashanayaan quburo ka kala socota dowladaha Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta khadka telefoonka kula hadlay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, ayaa u balan qaaday in baaritaan dhab ah lagu sameyn doono sababtii ka dambeysay inay soo dhacdo diyaaraddu.

War qoraal ah oo warbaahinta Kenya ay soo xigteen waxaa lagu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu amray Hay’adda Socdaalka Soomaaliya in ay si degdeg ah u baarto waxa sababay in diyaaradda ay soo dhacdo.

“Madaxweynaha wuxuu soo dhoweeyay tallaabada uu Farmaajo qaaday ee ah inuu Laanta Socdaalka Hawada ee Kenya ku casuumay in baaritaanka ay qeyb ka noqdaan”, ayaa lagu yiri qoraalka.

Lix qof oo laba Soomaali aheyd ayaa ku naf waayey shilkaas, kuwaas oo kala ahaa, Captan Xasan Musse Bulxan, Captan Mubruuk, Captan Cumar, Eng.  Kenyaan ah, mas’uulkii xamuulka saarnaa diyaaradda Cali Madax-Gaduud iyo wakiilkii Shirkadda Saciid Cabdullaahi Maxamed.

Xildhibaan Cabdiraxman Aadan Ibbi oo ka mid ah milkiilayaasha Shirkadda African Express ayaa sheegay in muuqaal Saterlite laga qaaday uu muujinayo in diyaaradda wax lagu dhiftay, xilli ay 5-KM u jirtay runway-ga garoonka diyaaradaha ee magaalada Bardaale.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kenya, Somali leaders agree on joint probe after plane crash

Kenyan and Somali leaders on Tuesday agreed on a joint investigation into the aircraft crash that killed six people in southwest of Somali on Monday.

Kenyan President Uhuru Kenyatta said he received a telephone call from his Somali counterpart Mohamed Farmajo who said Mogadishu has commenced probe into the incident to establish what led to the plane crash.

Kenyatta said in a statement that Farmajo informed him that he had instructed the civil aviation authorities to immediately mount an investigation into the circumstances surrounding the crash of this aircraft which was supporting humanitarian operations in the country.

"In this regard, President Farmajo invited the Kenyan civil aviation authorities to team with their Somali counterparts with a view to completing the investigations expeditiously," Kenyatta said in a statement issued after the telephone call.

Kenyatta said the Somali leader called to express his regret and convey condolences for the loss of life after a Kenyan-registered aircraft which crashed while landing at Bardale airport.

The Kenya-registered aircraft, 5Y-AXO, belonging to African Express crashed in Bardere, Somalia as it approached the airport under unclear circumstances.

The plane which had six people, including the pilot, co-pilot, flight engineer, a trainee pilot and two airline workers, was carrying aid supplies for use in the fight against the novel coronavirus.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika oo ka qeyb qaadanaya sidii loo ogaan lahaa waxa sababay shilkii diyaaradeed ee Bardaale

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay aad uga xun tahay diyaaradii samafalka siday ee ku burburtay Soomaaliya, halkaas oo ay ku dhinteen lix qof oo saarnaa diyaarada oo ku sii jeedday Bardaale, oo qiyaastii 55 Km waqooyi-galbeed kaga beegan magaalada Baydhabo ee Xarunta Koonfur Galbeed, Soomaaliya.

Qaramada Midoobay waxay sheegtay inay wax kasta ku bixindoonto sidii loo ogaan lahaa waxa sababay musiibadaas.

“Annaga oo ah qoyska Qaramada Midoobay, waxaan sameyn doonaa wax kasta oo aan kari karno si aan uga caawino mas'uuliyiinta dowladda dhexe iyo kuwa Koonfur Galbeed in ay fahmaan waxa sababay musiibadaas. Waxaan sii wadi doonnaa dabagalka horumarkaas muhiimka ah,”  Kuxigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Dhinaca kale, howlgalka midowga Afrika ee Amisom ayaa soo dhoweeyay go'aanka ay gaareen hoggaamiyeyaasha Soomaaliya, Kenya, iyo Itoobiya ee ku saabsan baaritaanka shilka.

Madaxa howlgalka AMISOM, Danjire Francisco Madeira, ayaa yiri "Waxaan rajeyneynaa inaan sii wadno wada shaqeynta aan la leenahay dowladaha Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya, waxaanan taageeri doonnaa oo aan fududeyn doonnaa baaritaannada looga golleeyahay caddeynta duruufaha ku xeeran dhacdadan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
galbeedi   

I thought the Somali air space was closed. 

And planes coming from Kenya supposed to get permission to land.

Share this post


Link to post
Share on other sites
2 hours ago, galbeedi said:

I thought the Somali air space was closed. 

And planes coming from Kenya supposed to get permission to land.

Not for domestic flights, especially for humanitarian ones, which this flight happens to be.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Just one more sign when one is beholden to somebody for protection.

Farmaajo administration hands and now mouth are tied and tight. What is important to know to other plane operators is what kind of hand or role the Farmaajo administration had in this unnecessary and total without even doubt of justification.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada Itoobiya oo qirtay inay soo rideen diyaaraddii kusoo dhacday Bardaale

Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya ayaa qirtay inay toogteen diyaarad xamuul oo ay lahayd Keny, taasoo keentay lix dhimasho ah, sida uu qoray wargeyska caanka ah ee Daily Nation.

Warbixin uu soo gudbiyay Taliyaha Qeybta III ee Howlgalka Midawga Afrika ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidamada ku sugan Bardaale, oo 300km waqooyi-galbeed ka xiga Muqdisho aysan ka warqabin wax duullimaad rayid ah oo soo gala waqtigaas.

"Ma jirin wax macluumaad ah oo sheegaya in diyaaradda ay kusii jeeday Bardaale. diyaaradda ayaa ka duushay meel caadi ah oo ay si isdaba joog ah ugu sii dhowaatay dhulka," ayay yiraahdeen ciidamada Itoobiya.

Ciidamada ayaa ka shakiyay in diyaaradda ay ahayd mid ismiidaamin ah oo ay dooneysay bartilmaameed si ay u weerarto. Sababtaas awgeed ayay ciidamada Ethiopia u toogteen unasoo rideen diyaaradaan oo ay lahayd shirkadda diyaaradaha Aftican Express Airways.

Sheegashaan ayaa timid xilli dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya ay iska kaashanayaan baaritaanka sababtii ka dambeysay in ay soo dhacdo diyaaradaan, isniintii todobaadkii hore.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.