Saalax

Popular youth from Badhan, east Sanaag arrested in Ceerigaabo, Somaliland region for wearing Somalia football track top

Recommended Posts

gooni   

Ciidanka snm hadii labo jufo isku dhacdo guryahooda kamasoo bixi karaan.

Ilmo yar oo kubad funaanad buluugga ku ciyaara iyo naag suuqa lagu dhirbaaxo un bay ka adagyihiin.

Askarta waxay ka dileen qaymkii ciidanka caruurta iyo gabdhaha haka fogaanina yaa lagusoo tababaray.

Mushaar naf leh ma siiyaan dadka dhex gala yaa lagulasoo dar-daarmay.

Hada ka hor yaa mid darawal ahaa siiyay askari bir ka qaaday hal warqad oo buluug ah waa waxay lacag ku sheegeen oo faraha kaaga dhagaya.

Markaasaan waydiiyay waxa ay u goyso?

Wuxuu iigu jawaabay waxba ma goyso iminka laakiin gawaarida oo dhan wuxuu ka helo yaa wax u goyn doona.

Koonfurta waxaan ku arkay magaalo aadan malayn karin oo bartamaha soomaaliya ku taal mid ku dhegsaday marada cagaaran ee snm oo aad u wayn dukaaka wejigiisa kore.

Waxaan waydiiyay sababta si kaftana, wuxuu iigu jawaabay waan taageersanahay gooni goosadka snm inay aqoonsi helaan.

Dadkoo dhan waa xor laakiin hadaysan isku kalsoonayn waa gun.


 

Share this post


Link to post
Share on other sites
2 hours ago, gooni said:

Ciidanka snm hadii labo jufo isku dhacdo guryahooda kamasoo bixi karaan.

Ilmo yar oo kubad funaanad buluugga ku ciyaara iyo naag suuqa lagu dhirbaaxo un bay ka adagyihiin.

Kolay waxaad ku indho dilaacsatay meel ay ciidan hubaysan shacabka ku dhex milmaan. Xaashal lilaahi dhanka reer Somaliland. 

Magaalooyinka waxa kali ah ee dhex jooga waa police, hubka ugu wayn ee dhex wataan waa ama bastoolad ama AK47. Police shaqadiisu waa 'Law enforcement' ama 'dhaqan galinta sharciga'. Caruurta maro yar oo  aan sumcad iyo karaamo toona aduunka ku lahayn magaalooyinka ku dhex xidha, waajib kooda ayaa la marsiinaya. 

Ciidanka Qaranka ee military magaalooyinka ma soo dhex galaan. 

 

  • Thanks 1

Share this post


Link to post
Share on other sites
10 minutes ago, Oodweyne said:

^^^^^

I suppose when your kin and kith are "cowardly-minded-folks" who always run from the merest troubles they come across instead of defending themselves, which is how the wretched "dh-abayaco folks" in the Somali Peninsula behaves like, then, those who are determined to defend their land to the extent of even ensuring that it should have no other flags other than their own one will come across to you as some sort of a "silly people". Is that the merit or the "unspoken gist" in which you were trying to convey to us in here, mate?

Case in point!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gooni wuxu ku indho-dilaacsaday sida Qardho ka socota maanta ee caruurta iyo dumarka caawimadii UN keentay askar hubaysan rasaas kaga hor joogaan.

Kolka ha layaabin, wuxu moodayaa aduunka dhan siduu ku soo barbaaray wada yahay.

 

 

  • Haha - That was funny. You made me laugh! 1

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Ma doonayn inaan professor'da snm ka xanaajiyo laakiin waxaa ka hadlyo waa waaqiciga jira ama aan indhahayga ku arkay.

Waa sax military iyo police in dharkoodii wax u eg loo tolay

Laakiin shaqada ay qabtaan way kala duwan tahay.

Kuwa shacabka lagu dhex daray waxay raacaan shacabka jeebkiisa, inay xiraan dad aan dambi lahayn, islaan uur leh dhirbaaxaan ilmo yar funaanadii buluugga kala baxaan iwm.

Kuwa milateriga loo ekaysiiyay ma kala celin karaan labo jufo oo reer miyi ah sababtoo ah ayagaa kasoo kala jeeda labadaa  jufo oo is dilaya.

Waxaasu ciidan ma'ahan walaalayaal. 

Xuduudka ay ku qayilaana waa xuduud khaldan, macnaha qabiil kale oo soomaaliyeed bay ka dhigeen dawlad kale oo cadaw ku ah marfish macmala.

Markii lasoo koobo
Askarigu labo arimood yuu askari sax ah ku noqon karaa

Inuu leeyahay anshax khasab ku ah oo uu askari kale sharcigiisa ilaaliyo.

Inuu qaato mushaar ku filan markiisii horana akhlaaq lagusoo xushay kana baqo inuu shaqadiisa waayo.

Wixii intaa kasoo hara ciidan ma'ahan ciyaalka dharkooda ha u daayeen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.