Suldaanka

Reer Baardheere "Xataa cid tacsi noo soo dirtay ma hayno..."

Recommended Posts

Cheeseman's fake it till you make it runs in the face of reality. Baxnaano iska daaye, Badbaado ayay u baahanyihiin reer tolkii. I am sure the UN or World Bank do not provide 'Badbaado' in cash nor in kind.  :D :D

  • Haha - That was funny. You made me laugh! 1

Share this post


Link to post
Share on other sites

According to reports, more than 100 villages along the Juba River are inundated by flooding and home/livelihoods destroyed. The village of Doollow is hard hit. For more than 5 days the residents have not had any shelter and food is getting scarce. 

In all these suffering there is no word from Cheeseman. 

This is hard work. :D 

2020511637247817350766102.jpg

-------

HIIRAAN.COM

Isniin, May 11, 2020 (HOL) Inta badan xaafadaha magaalada Doolow ayaa waxaa saameeyay fatahaad ay si wadajir ah u sameeyeen webiyada Jubba iyo Daawo, waxaana saaka magaalada ka socda...

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Suldaan

Meeshaan kaluun kuma jiro.

Baahida soomaaliya allaa ku filan asagaana daboolaya inshaa -allaah waagii beryaba baahidu, waa kadis lagusoo tooso.

Waa kan senator'kii gedo metelayay oo u ooyaya in laga reebay mayd jig-jiga lasoo dhaafiyay.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

They've simply been left out to dry. They were forcefully removed from their state (I'm been kind here, lots of chameleons amongst the inhabitants of this region), promised the world and more, and now when reality hit, meel cidlaa looga dhaqaaqay. Ilaahay ha u gargaaro, kolley dawlad waxbo uma soo wadee. 

Share this post


Link to post
Share on other sites
3 hours ago, Haatu said:

They've simply been left out to dry. They were forcefully removed from their state (I'm been kind here, lots of chameleons amongst the inhabitants of this region), promised the world and more, and now when reality hit, meel cidlaa looga dhaqaaqay. Ilaahay ha u gargaaro, kolley dawlad waxbo uma soo wadee. 

Waxa ugu xun aduunka qof magaciisi la istimaalaayo oo hadana ka aradan. Reer Gedo 30 kii sano ee u danbeeyay maantay ugu liitaan. 

Sidaa odeygaa reer Baardheere sheegay meel ay ka tirsanyihin ma garanayaan, dhan walba waa u dhinteen. 

 

@gooni

Ninkaa odeyga ah warkiisu waa xaqiiq. Cheeseman 3 1/2 ayuu jooga wax sii halaaba mooye wax maanta rajo leh ma jiraan. 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Suldaanow

Wax halayn looma bixiyo shaqada adag oo ku wajahan in sharcigu sareeyo.

Fartaag waa shaqaale madoobe u shaqeeya waana nimanka gabalkoodu sii dhacayo oo xunbada cantoobsaday.

Ma "mayd" uu u ooyo yuu gedo ka waayay?

Xuduudka dadbaa ku shahiiday, qaar baa biyo baxo u dhintay baardheere iyo doolow.

Marxuumka tolkiis ethiopia iyo kenya bay joogaan, meeshay doonaan haku aasteen, maxaa asaga daba dhigay?

Doodiisa waxay ku fiicnayd inuu saxaafadda isugu yeero oo dawladda dhexe ku eedeeyo inaysan wax badan iyo sidii la rabay waxba ugu qaban fatahaada gedo

Mucaaradnimada waxaa lagu bislaystaa quluubta dadkii aad matashay.

Laakiin nin mayd xukumo waa ceeb inuu reer gedo matalo sinaba.

Raali ahaw suldaan

Arrintan maysan ahayn inaan xag-jirka snm kala sheekaysto, laakiin daruuftaa marmar kula galaysa.


 

Share this post


Link to post
Share on other sites
51 minutes ago, gooni said:

Doodiisa waxay ku fiicnayd inuu saxaafadda isugu yeero oo dawladda dhexe ku eedeeyo inaysan wax badan iyo sidii la rabay waxba ugu qaban fatahaada gedo

Awoowe meeshu waa hadal daysay. "Afkii ba juuqda gabay" hadii aad maqli jirtay waa tan oo kale. Dadku waxay hadlaa kolka jid u muuqdo, wax naawilayaan ama rajo muuqato. 

Kolka aad hopeless/rajo-beel noqotid, maskaxda qofku meel ayay ku ururtaa oo bigger picture waa ka suula. 

Meeshaa rajo beel ayaa ka muuqda dhan walba. Ku dar Cheeseman laftiisa. Wuu ogyahay inaanu waxba meesha u hayn. 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Suldaan

Walaal rajo beel ma muuqato waa indhahaaga oo qalbiga lagaa badelay, been u sheegay.

Soomaaliya maanta aragtidayda waa markay ugu fiicnayd, bur-burkii ka dib.

Waa markii ugu horaysay oo aan maqalno dawladu maxay wax uga qaban wayday fatahaada wabiyada.

Maxay wax uga qaban wayday cudurada iyo barakacayaasha.

Maxay wax uga qaban wayday xaduudkeeda iyo hawadeeda.

Maxay dhaqaalaha u kobcin wayday

Intaas oo eedayn ah waligeen ma aanan helin iyo cid aan eedayno midnaba.

Maanta snm wada hadal bay baryaysaa intaan koonfurtu wada hagaagin si ay ajandaheedii guracnaa usii wadato.

Dekadeheedii yaa loo bad-baadiyay si aa raqiis loogu boobin ayadoo sharciga la raacayo.

Xoolihii soomaaliya oo dhan yaa loo sharciyeeyay inay berbara ka dhoofaan ayadoo la fiirinayo maslaxada guud ee dalka.

Caruurtii soomaaliyeed oo jeelasha ku jiray yaa loo sheegay in safiirkii soomaaliya banaanka ku sugayo.

Intaasoo rajo ah see kuugu muuqan wayday? Maxaa kaa indho tiray?

Soo ma ogid shaqada soomaaliya taala markaad inta dabeecadu keentay kaliya ku eedayso farmaajo inaad amaantay? 

Waxa aad jahwareerka u aragto  waa islaax iyo hagaajin walaal.

Allahuma aslax axwaalnaa jamiican.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Guniyow

Nin durbaan qaatay ilaaq dalbay. Cheeseman wuxu sheegtay ayuunba la tilmaamaya inay yihiin lugooyo dadka runta u qaatay ee is mooday in dawlad u maqantay. Dadkaasi waa kuwaa maanta bilaa hoy, bilaa cuno. Dhan ay u ciirsadaan waa ku waa afkoodii ka sheegaya. Anigu maan odhan. Waa dadkii beenta loo sheegay ee la yidhi Dawlad ayaa idiin maqan. :D 

Hadii la qaawiyo oo la sheego runta, maha in la caayay ama laga been abuuray. Waa reality jirta ayuunba fartaa lagu fiiqay. Beenta iyo khiyaaliga Villa AMISom taala ayaa dadka loo bayaamiyay. 

Wax badan ayaa halkan ka hadashay intooda badan aan mawduucan khusaynin. Sida Somaliland ood soo qaadatay.

Mid kali ah ayaan ku soo koobaya arinka Somaliland, Somaliland wax ka maqan ayaa iska yar. Wada hadalka aad sheegtay waa arin ka timid saaxibadda Somaliland. Somaliland 30 sano oo jirtay wax ay u dabo fadhiisatay Mogadishu ma jirto, mana jiri doonto. Waxaan filayaa in casharo badan halkan ka faaiidasatay oo kolkii hore mugdi kaaga jiray.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.