Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Hirshabeelle shenanigans

Recommended Posts

Madaxweynaha Hirshabeelle iyo guddoomiyaha barlamaanka oo laga gudbiyay mooshino kalsooni kala noqosho ah

Khilaaf siyaasadeed oo xoogan ayaa ka jira dowlad goboleedka Hirshabelle, khilaafkaas oo u dhexeeya madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare iyo guddoomiyaha barlamaanka maamulkaas Sheikh Cismaan Barre Maxamed.

Guddoomiyaha barlamaanka Hirshabeelle ayaa caawo soo bandhigay mooshin ka dhan ah madaxweyne Waare, mooshinkaas oo ay soo diyaariyeen xildhibaanada barlamaanka Hirshabelle kamid ah.

Waxaa mooshinka ku qoran in madaxweyne Waare uu musuq maasuqay kuna tagri falay dhaqaalaha Hirshabelle ka hesho dowladda federalka Soomaaliya iyo mashaariicda horumarinta ee laga helo beesha caaalamka.

Waxaa kaloo ku xusan mooshinka in madaxweynuhu ku xadgudbay sharciga iyo wada shaqaynta laamaha kala duwan ee maamulku ka kooban yahay islamarkaana talada Hirshabeelle ay noqotay mid meelo kale laga maamulo.

Dhinaca kale, Guddoomiye Ku Xigeenka Baarlamaanka Hirshabelle Cabdi Xuseen ayaa isla caawa qabtay Mooshin kalsooni kala noqosho Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Sheekh Cismaan Barre.

Hirshabelle waxay xilligaan ku jirtaa marxalad kala guur ah, waxaana bisha Octobar ee soo socota ku beegan tahay in la qabto doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka. Waxaa kasoo horeeya soo xulistii xldhibaanada iyo doorashada hoggaanka barlamaanka maamulkaas.

Hirshabelle oo la aas aasay sanadkii 2016, waxaa soo maray labo madaxweyne. Weli maamulka si rasmiya uma cagdhigan. Wuxuuna ka bixi waayay khilaafaad joogto ah iyo madaxda xilka loo doorto oo Muqdisho iska farriista.

Dadka siyaasada falanqeeya ayaa aaminsan in dhibaatada ka taagan Hirshabeelle ay sababteeda leedahay, iyadoo markii hore maamulkaan lagu dhisay qaab uu ka muuqday degdeg.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hirshabeelle oo ku waabariisatay Mooshinno iska soo horjeeda

Madaxweynaha Hirshabeelle, Maxamed Cabdi Waare, ayaa qaar ka mid ah xildhibaannada Baarlamaanka maamulkaasi waxa ay xalay ka soo gudbiyeen mooshin ay doonayaan in ay xilka kaga qaadaan.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Sheekh Cismaan Barre Maxamed ayaa sheegay in uu qabtay oo uu gacanta ku hayo mooshinka ka dhanka ah Madaxwayne Waare.

Mr Cismaan ayaa BBC-da u sheegay in Madaxwayne Waare ay tahay markii saddexaad ee mooshin laga keeno tan iy intii uu xilka qabtay.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Cismaan Barre Maxamed ayaa sheegay in Madaxwayne Waare lagu eedeeyay " in uu ku tuntay dastuurka,tagrifalid awoodeed iyo musuqmaasuq baahsan ".

"Mooshin ayaan gacanta ku hayaa waa markii saddexaad oo laga keeno mooshin kalsooni-kalanoqosho ah ka dib markii lagu soo eedeeyay qodobo badan oo ay ka mid yihiin inuu ku tuntay dastuurka,ku tagrifalidda awoodda iyo musuqmaasuq baahsan", ayuu yiri gudoomiyaha.

Sheekh Cismaan Barre ayaa xusay in mooshinkan ay ku saxiixan yihiin 54 xildhibaan oo doonaya in xilka laga qaado Madaxwayne Waare.

"Aniga waxaa la ii keenay mooshin ay ku saxiixan yihiin 54 xildhibaan, xildhibaanada waajibka ugu wayn ee ay qabtaan waa sharci dajinta, matalaadda shacabka iyo la xisaabtan, marka waa qeyb la xisaabtanka ka mid ah", ayuu yiri gudoomiye Cismaan.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Sheekh Cismaan Barre Maxamed ayaa dhanka kale qiray inuu jiro khilaaf u dhaxeeya isaga iyo Madaxwayne Waare.

Balse waxa uu beeniyay in khilaafku yahay mid shaqsiyadeed isaga oo sheegay in uu yahay mid ku saleysan dastuurka.

"Khilaafka naga dhaxeeya waa mid dastuuri ah, anaga waxaan halkan ku joognaa sharci, qof ra'yigii halkan kuma joogno, waxaan nahay dad hoos yimaadda dowladda Soomaaliyeed, dhisteena dadka reer Hirshabeelle ee ka kooban labada gobol," ayuu yir gudoomiyaha.

Waxaa uu intaa ku daray in madaxwaynaha uu doonayo in uu "ra'yigiisa ku maamulo" Hirshabelle.

"Madaxwaynaha waxaa uu caadaystay oo uu sharci ka dhigtay inuu ra'yigiisa ku maamulo Hirshabeelle anigana hay'addii sharci dajinta ayaan madax ka ahay," ayuu intaa ku daray.

Ma jiro ilaa iyo haatan wax war ah oo kama soo baxin dhanka Madaxwaynaha Hirshabeelle oo ku aadan mooshinkan.

Dhanka kale, waxaa iyana jira xildhibaanno kale oo Barlamaanka Hirshabelle ka tirsan oo iyana isla Guddoomiyaha Baaralamaanka Cismaan Barre Maxamed, ka gudbiyey mooshin ay ku doonayaan in ay xilka kaga qaadaan.

Guddoomiya kuxigeenka koowaad ee Baarlamaanka Hirshabelle, Cabdi Xuseen Geeddi, ayaa BBC u sheegay in mooshinkan ka dhanka ah Gudoomiyaha Baarlamaanka ay soo gudbiyeen qaar ka mid ah xubnaha Baarlamaanka Hirshabelle.

"Mooshinka caawa waxaa ii keenay xildhibaano dhowr iyo Soddon gaaraya guriga ayay iigu keeneen waxaa soo saxiixay xildhibaano gaaraya 63 xildhibaan oo baarlamaanka Hirshabelle ka tirsan," ayuu yiri Mr Geedi.

Guddoomiya kuxigeenka koowaad ee Baarlamaanka Hirshabelle, Cabdi Xuseen Geeddi,ayaa farta ku fiiqay in mooshinkan laga keenay Gudoomiyaha Baarlamaanka qodobada loo cuskanayo ay ka mid yihiin in uu caqabad ku noqday howlihii Baarlamaanka Hirshabeelle.

"Sababta loo keenay ayay yiraahdeen. waxay tahay inuu caqabad ku noqday baarlamaanka howshiisii in la socodsiiyo iyo howlihii fulinta ay laheyd faragalin uu ku sameeyay," ayuu yiri Mr Geedi.

Mooshinadan iska soo horjeeda ayaa ku soo beegmaya xilli dalka Soomaaliya uu fara ba'an uu ku hayo feyrsika Corona islamarkana aysan sahlanayn in kulamo ay yeeshaan baarlamaanka.

- BBC Soomaali

Share this post


Link to post
Share on other sites
On 4/29/2020 at 4:20 AM, gooni said:

Dastuur qabyaalad ka bilawda caano lagama cabbo.

Erayga madaxweyne soomaalida waa kharibay.

Maxee isku heystaan horta labadaan Jowhar ku lagdagamaayo? Waqti la isjiid jiido lamaba joogo ma'ogi waxa ka qaldan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   
20 hours ago, Miskiin-Macruuf-Aqiyaar said:

Maxee isku heystaan horta labadaan Jowhar ku lagdagamaayo? Waqti la isjiid jiido lamaba joogo ma'ogi waxa ka qaldan.

Waxaan u malaynayaa in dhibku yahay labo arimood

1- doorashadii hir- shabeelle oo soo dhaw taasoo mar walba dhiigga kululaysa.

2- dhaqaale ma sameeyo maamulku, intii loogu tala galay oo lakala dhacsanayo.

Waa sida kan kismaayo oo kale hadaad maqasho xal baa la gaaray macnaheedu waa waxbaa lakala goostay.

Hadaad maqasho waa lays haystaana waxa laysku haystaa waa dhaqaalihii lakala goosan lahaa, marnaba shacab  iyo horumar fekerkeedu meesha ma yaalo.

Mabda'u qof kasta ma galo waa curadkii iimaanka alle bixiyo.
 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Warka jidka la isla dhex maraayo oo aan la xaqiijin:

Halkee ayuu ku biyo shubtay Khilaafkii Waare & Barre & mooshinkii jiray

Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa si hoose u xaliyay khilaafkii u dhaxeeyay madaxweyne Waare iyo guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle,kaas oo sababay mooshin iska soo horjeedo la iska gudbiyo.

Ilo ku dhow Madaxtooyada Hirshabeelle ayaa inoo xaqiijiyay in guddoomiye Cismaan Barre Maxamed uu ku calaacalay madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen,islamarkaana ka dalbaday inuu soo kala dhexgalo isaga iyo madaxweynaha Maxamed Cabdi Waare si xal looga gaaro khilaafka jira.

Cali Guudlaawe ayaa Waare ka wargeliyay iney muhiim tahay in laga haro mooshinka labada dhinac,islamarkaan xaaladda adag ee gobolka uu ku jiro loo baahan yahay in si wadajir ah looga gudbo.

Sida wararka ay sheegayaan mooshinadii la iska gudbiyay ayaa buray,waxaana hadda labada dhinac ay yihiin kuwo howlahooda si caadi ah u wata.

Maamulka Fadhiidka ah ee Hirshabeelle ayaa ku fashilmay howshii loo igmaday,wuxuuna Bulshada ku riday god mugdi ah oo laga soo bixi karin.

Dowladda Federaalka ayaa qorsheyneysa iney la wareegto doorashada soo socota ee maamulkaas,iyadoo meesha ka saareysa wakiilada sare ee maamulkaas.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mooshinkii Sheekh Cusmaan oo lagu joojiyay amar ka baxay Muqdisho

Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in la joojiyay mooshinka xil ka qaadista guddoomiyaha baarlamaanka HirShabelle Sheekh Cusmaan Barre, oo maalmihii la soo dhaafay ay taagneyd dood ku saabsan.

Wararka ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in guddoomiyaha baarlamaanka uu u tagay Madaxweyne ku xigeenka HirShabelle islamarkaana uu ka codsaday in la baajiyo mooshinka, waxaana la sheegay inuu ku raacay arrintaas.

Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in Villa Somalia ay door weyn ku laheyd in la joojiyo mooshinka ka dhanka ah Sheekh Cusmaan Barre maadaama la joogo xiligii kala guurka ah ee HirShabelle.

Kulamo oo aan wali dhamaanin ayaa la isku afgartay in la joojiyo mooshinka halka Sheekh Cusmaan Barre laga dalbaday inuu raali gelin ka bixiyo warqad ku saabsan musuq maasuq ka jira HiSshabelle uu la wadaagay deeq bixiyaasha caalamka, arrintaas oo ay ka xumaadeen dowladda Soomaaliya iyo madaxda kale ee HirShabelle.

Maamulka HirShabelle ayaa waxaa u harsan 4 bil oo kaliya mana ka muuqato dedaalo ku aadan in doorasho ay ka dhacdo maamulkaasi oo afartii sano ee la soo dhaafay ku dhameestay is qab qabsi iyo waxqad la’aan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Khilaaf culus oo soo kala dhex-galay guddoonka baarlamaanka HirShabelle iyo Mooshin la gudbiyey

Khilaaf cusub oo u dhexeeya guddoonka sare ee baarlamaanka HirShabelle oo salka ku haya dhinaca maamulka ayaa haatan soo shaac-baxay, kaas oo u dhexeeya guddoomiyaha baarlamaanka maamulkaasi, Sheekh Cismaan Brare Maxamed iyo guddoomiye ku xigeennka labaad, Marwo Canab Axmed Ciise.

Khilaafka oo ah mid aad u culus ayaa soo if-baxay, xilli haatan uu guddoomiye Barre ku sugan yahay gudaha magaalada Muqdisho, halka Canab ay joogto magaalada Jowhar, wuxuuna yimid, ka gadaal ku simaha guddoomiyaha baarlamaanka HirShabelle Marwo Canab Axmed Ciise ay ku war-gelisay xildhibaanada baarlamaanka maamulkaas inay dib ugu soo laabtaan magaalada Jowhar, si ay u bilowdaan shaqooyinkooda caadiga ah.

Canab Axmed Ciise ayaa sidoo kale ku amrtay xildhibaanada inay ku soo laabtaan Johar, ka hor maalinta Arbacada oo taariikhdu tahay 19/08/2020, basle waxaa taasi ka horyimid guddoomiyaha oo haatan ku sugan gudaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

“WARGELIN. Dhammaan xildhibaanada dowlad goboleedka Hirshabelle waxaa lagu wargelinayaa inay yimaadaan Xarunta Baarlamaana DGHSH ugu dambeyn maalinta Arbacada oo taariikhdu tahay 19/08/2020 si loo dardargeliyo howsha dastuuriga ah ee horyaala Baarlamaanka Hirshabelle. Mahadsanidiin Xog/K/Golaha.” ayaa lagu yiri fariinta ay guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka HirShabelle u dirtay xildhibaanada.

Intaasi kadib waxaa sidoo kale fariin taas ka soo horjeeda u direy xildhibaanada baarlamaanka guddoomiye Barre, iyadoo u qorneyd sidan;

“Amar ka soo baxay Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle ayaa dib loogu dhigey fariintii hore ee loo diray baarlamaanka waxaana loo soo diri doonaa fariin labaad oo ajandaysan.”

Dooda intaasi kuma ekaan, waxaan fariin kale oo ka timid Canab Axmed Ciise lagu sheegay in xildhibaanada ay waajib ku tahay inay yimaadaan, ka hore 19-ka bishan Augusto, iyadoo sidoo kale ku shaacisay fariinteeda inuu Mooshin ka yaallo guddoomiyaha, islamarkaana uusan xaq u laheyn inuu xildhibaanada fariin u diro, sida ay hadalka u dhigtay.

“AMAR Dhammaan xildhibaanada waxaa lagu amrayaa inay yimaadaan BDGHSH kahor maalinta Arbacada. FG Guddoomiyaha Baarlamaanka waxaa ka yaala mooshin xaqna uma laha in uu fariin diro. Xildhibaan si aad u gudato waajibkaaga dastuuriga waa inaad imaataa xarunta Baarlamaanka Dowlad Goboleedk Hirshabelle BDGHSH.” ayey markale tiri Canab

Arrimahan ayaa ku soo aadaya, iyada oo haatan uu gaba-gabo yahay muddo xileedka baarlamaanka maamulka HirShabelle, waxaana u harsan kaliya muddo ka yar 2 bilood.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kadib ku dhowaaqista xildhibaannada maxaa laga filan karaa Hirshabeelle?

Waaxaa weli buuq iyo is jiid-jiid siyaasadeed uu ka taagan yahay dhismaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabeelle, iyada oo xalay si rasmi ah loogu dhawaaqay liiska xildhibaanada labaad ee baarlamaanka maamulkaasi.

Xildhibaannada la shaaciyey oo u badan dhalinyaro ku cusub siyaasadda ayaa tiro ahaan gaaraya illaa 90 xubnood, sida ku cad liiska uu soo saaray guddiga farsamada.

Sidoo kale waxaa aad u kooban tirada haweenka ee ku jira xildhibaannada lagu dhowaaqay waxaana kaliya dumar ka ah 5 xubnood, taasoo saluug laga muujinayo.

Waxaa sidoo kale liiska dib ugu soo laabtay qaar ka mid ah xildhibaannadii hore, balse waxaa meesha laga saaray xubinimada guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Hirshabeelle, Sheekh Cismaan Barre Maxamed iyo Maxamed Xuseen Geedi oo ku xigeen u ahaa, halka Canab Axmed Ciise ay dib u heshay xildhibaanimadeeda, iyada oo shaneysay afar dumar oo lagu soo daray baarlamaanka cusub ee maamulka Hirshabeelle.

Kadib ku dhowaaqista xildhibaannada maxaa laga filan karaa Hirshabeelle?

Inkastoo guddiga farsamada doorashada Hirshabeelle uu shaaciyey in xildhibaanada lagu dhowaaqay loo qeybiyey hab-qabsiga beelaha dega gobollada Hiiraan & Shabeelaha Dhexe ayaa haddana waxaa weli jira cabasho iyo dood ay qabaan beelaha qaar, gaar ahaan beesha *** oo miisaan ku leh dhismaha Hirshabeelle, siiba Beledweyne.

Beeshan waxa ay xildhibaanada cusub ka heshay illaa 12 xubnood, sida ku cad liiska lagu dhowaaqay, hayeeshee waxay dood ka qabtaa kursiga madaxweynaha oo markii hore la siiyey Beledweyne, balse haatan la doonayo in laga soo wareejiyo, taas oo dhalisay muran aad u xoogan.

Marka la fiiriyo sida ay wax u socdaan dad badan ayaa dhaliil ka muujinayo, maadaama ay meesha ka maqan tahay doorka dowladda dhexe iyo kan maamulkii hore ee Hirshabeelle.

Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare oo uu waqtigiisu dhammaaday ayaa horey uga horyimid tallaabadii ugu horreysay ee uu qaaday guddiga farsamada, isaga oo xusay in uu qabyo yahay guddiga, islamarkaana lagu darayo xubno dheeri ah oo haween ah, balse ma jirto cid dhageysatay hadalka madaxweynaha ee ku aadan dhismaha guddiga.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaana khilaafka ugu daran uu ka taagan yahay doorashada xilka madaxweynaha oo uu u taagan yahay Cali Cabdullahi Xuseen (Guudlaawe) oo ahaa madaxweyne ku xigeenkii hore ee dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Sidoo kale dadka qaar ayaa qaba in Hirshabeelle ay ku socoto burbur iyo kala qeybsanaan hor leh, halka kuwa kale ay aaminsan yihiin in wax is-bedal ah uusan soo kordhi doonin, maadaama weli xilalka ugu sarreeya ay u taagan yihiin qaar ka mid ah madaxdii hore.

Hirshabeelle ayaa tan iyo markii la dhisay wajaheysay khilaafaad dhanka maamulka ah, daruufooyin dhanka amniga iyo dhaqaalaha ah, waana kan ugu liito maamullada dalka.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Cali Guudlaawe oo loo helay musharax la tartama

Diiwaan gelinta Musharaxiinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka maamulka HirShabeelle ayaa si rasmi ah loo soo xiray shalay.

Ilaa hadda laba Musharax ayaa loo diiwaan geliyay tartanka Madaxweynaha waxeyna kala yihiin Cabdiraxmaan Jimcaale iyo Cali Cabdullaahi Xuseen “Cali Guudlaawe” oo hadda ah Madaxweyne ku xigeenkii hore ee waqtiga ka dhamaaday.

Aqoon dheer looma lahan Musharaxaan kale oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Jimcaale oo ka soo jeeda magaalada Beladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan, waxeynu wararku sheegayaan in loo keenay in uu camiro ama tartan la ogyahay natiijadiisa la galo Cali Guudlaawe.

Guudlaawe oo ay aad isugu dhow yihiin Villa Somalia ayaa la rumeysan yahay inuu yahay madaxweynaha xiga ee HirShabeelle.

Tartanka Madaxweyne ku xigeenka ayaa sidoo kale loo diiwaan geliyay laba xubnood oo kala ah Maxamed Dheere oo ka tirsan Xukuumadii HirShabeelle iyo Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed oo ah guddoomiyihii hore ee gobalka Hiiraan.

Maanta ayaa la filayaa in Musharaxiinta Khudbadahooda jeediyaan iyadoo ugu dambeyna Arbacada ay dhici doonto doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka maamulka HirShabeele.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maleeshiyo is-hortaagtay safarkii Cali Guudlaawe ee Beledweyne iyo xiisad taagan

Waxaa mar kale maanta dib u dhacay safar uu Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Cali Cabdulllaahi Xuseen (Guudlaawe) ku tagi lahaa Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Sababta baaqashada safarka madaxweyne Guudlaawe ee Magaalada Beledweyne ayaa lagu sheegay kadib markii maleeshiyaad hubeysan oo kasoo horjeedo safarkiisa ay aad ugu soo dhawaadeen garoonka diyaaradaha ee magaaladaas.

Maleeshiyaadkan hubeysan, oo ku sugnaa deegaanka Ceelgaal ee duleedka Magaalada Beledweyne, ayaa la sheegay inay xalay usoo dhawadeen garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaladaasi.

Waxaa fashil kusoo dhamaaday wada-hadal u socday xubno ka tirsan Maamulka Gobolka Hiiraan iyo maleeshiyada hubeysan ee kasoo horjeedo safarka uu madaxweyne Guudlaawe ku imaan lahaa magaalada.

Maleeshiyadaan hubeysan ayaa waxaa hoggaaminaya General Xuud oo ah sarkaal hore, islamarkaana kamid ahaa musharixiinta madaxweynaha maamulka HirShabelle.

Generalkaan ayaa la rumeysan inuu aad uga soo horjeedo isbadalkii lagu sameeyey awood qeybsigii Maamulka Hirshabelle kadib markii xilka madaxweynimo laga wareejiyey Beesha Xawaadle oo horey u heysay.

Waxaa socdo dadaalo dheeraad ah oo la doonayo in xiisadaan lagu damiyo, balse aad ayey u yar tahay rajada ah in Madaxweyne Guudlaawe tago Magaalada Beledweyne sida ay noo xaqiijiyeen illo wareedyo ku sugan Magaalada.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasiirka arrimaha gudaha Xukuumadda Soomaaliya oo Baledweyne gaaray

2020123637425764313948441.jpg

Wafdi uu hoggaaminaayo wasiirka arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta dowlada Federaalka Soomaaliya Janaraal Muqtaar Xuseen Afrax ayaa soo gaaray magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Wafdiga wasiirka waxaa garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Baledweyne kusoo dhaweyay masuuliyiin ka tirsan Hirshabeelle iyo maamulka gobolka iyo sarakiil ciidan.

Ujeedka safarka wasiirka arrimaha gudaha iyo wafdigiisa ayaa ah sidii ay u xalin lahayeen tabashada dadka reer Hiiraan aay ka qabaan dhismaha maamulka cusub ee Hirshabeelle oo dhalisay xiisad iyo dhaqdhaqaaqyo ciidan oo looga soo horjeedo madaxda Hirshabeelle ee dhawaan Jowhar lagu soo doortay.

Wasiir Muqtaar ayaa lagu wadaa inuu kulamo la qaato waxgaradka reer Hiiraan ee tabashada ka qaba Hirshabeelle iyo waliba hoggaamiyaha ciidamada diidan Hirshabeelle Janaraal Abuukar Warsame Xuud kuwaas oo siweyn uga horyimid inuu Baledweyne yimaado madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.