Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

On the road to Bu'aale

Recommended Posts

This thread will be be updated regularly until Bu'aale laga saaro kuwa afka duuban, Rabi hadduu idmo. This time the news below is not about Bu'aale or Jubbada Dhexe per se, nonetheless waa qeyb ka mid ah ciribtirka lagu haayo kuwii afka duubnaa.

Ciidanka Danab oo howlgal qorsheysan kula wareegay deegaano ku yaal J/ Hoose

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, gaar ahaan Guutada 16-aad Ururka 5-aad ee Kumaandooska Danab ayaa lagu soo warramayaa in howlgal qorsheysan ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Howlgalka oo ahaa mid ballaaran ayaa waxa ay ciidamadu ku gaareen deegaanada Cabdi Dhoore iyo Beerxaani oo qayaastii 50 KM u jira magaallo xeebeedka Kismaayo.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalyahanada Al-Shabaab oo horay ugu sugnaaa deegaanadaasi ay isaga baxeen, ka hor inta ay gaarin ciidamada dowladda.

Saraakiisha horkaceysa howlgalladaan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in marka gudaha u galeen Cabdi Dhoore iyo Beerxaani ay soo dhoweeyn dadka shacabka ah.

Sidoo kale saraakiisha ayaa tilmaamay inay fariisimo cusub ay ka sameysteen halkaasi, islamarkaana ay sii wadi doonaan dhaq dhaqaaqyada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, waxaana gobolka Jubbada Hoose laga dareemayaa dhaq dhaqaaqyo u dhexeeya labada dhinac.

Jubbooyinka oo ay aad ugu xoogan yihiin dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa waxaa  muddooyinkii dambe howlgallo ka waday ciidamada huwanta ee jooga gobolladaasi.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites
galbeedi   

Who knows, this Coronavirus could change a lot of things around the world including Somalia. THe curfew in Mogadishu could sideline the sleeper cells. I would even use intelligence gathering and unannounced raids in certain sections of the city.

I heard the army is quietly pushing in JUbba area. Despite the virus, the army should be pushing to literate as many towns as possible. 

10 hours ago, Che -Guevara said:

That day shall come.

It might even come this summer.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada DANAB oo la wareegay deegaano cusub

1-2.jpg

2-2.jpg

 Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan guutada 16-aad ee Danab ayaa la wareegay deegaano ku yaalla dhanka xeebta ee gobolka Shabeelaha Hoose, kadib markii ay saaka ku qaadeen howlgal qorsheysnaa.

Taliyaha guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab, Gaashaanle Ismaciil Cabdi Maalik oo u warramaya Idaacada Codka Ciidamada ayaa sheegay inay gaareen deegaanada Dhanaane, Gandarshe iyo Jilib Marko oo ay horay ugu sunaayeen kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale taliyaha ayaa tilmaamay in ay si nabadoon ku qabsadeen deegaanadaasi, kadib markii ay isaga baxeen dagaalyahanada Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in xaalad kacsanaan ah laga dareemayo halkaasi iyo sidoo kale dhaq dhaqaaqyo u dhexeeya labada dhinac.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howlgalladaasi.

Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada Xoogga iyo kuwa Midowga Afrika AMISOM ayaa sare u qaaday howlgallada iyo dhaq dhaqaaqyada milatari ee ka socda K/Soomaaliya.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

CIIDAMO badan, gaadiid dagaal iyo diyaarado oo lagu arkay Baydhabo + Ujeedka

Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya gobolka Baay, waxaa maanta dhaq dhaqaaq ciidan oo aad u xoogan laga dareemayaa gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta ku-meel gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ciidamadii ugu badnaa oo wata gaadiidka dagaalka ayaa gudaha u galay magaaladaasi, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo deegaanka ah oo lagu kalsoon yahay.

Wararka ayaa sheegaya ciidamadaasi oo ka tirsan howlgalka AMISOM ee ka socda Soomaaliya ay yihiin kuwa u kala dhashay dalalka Itoobya, Uganda iyo Burundi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamadaan ay wehlinayaan diyaarado dagaal oo ka badan illaa soddon, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Ujeedka dhaq dhaqdhaqaaqyadaan cusub ayaa waxaa lagu sheegay kuwo ka dhan ah Al-Shabaab oo looga saarayo gobollada Baay iyo Bakool ee koonfurta Soomaaliya.

Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay maamulka Koonfur Galbeed oo la xariira dhaq dhaqaaqyada milatari ee laga dareemayo magaalada Baydhabo ee maamulkaasi.

Arrimahaan ayaa ku soo aadaya, iyadooa shalay taliyaha ciidamada AMISOM, Tigabu Yilma oo u dhashay dalka Itoobiya uu kormeer ku tegay xeryo ku yaalla magaaladaasi.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Danab oo weeraray goob ay ku shirayeen xubno Shabaab ah iyo saraakiil lagu dilay

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar qorsheysan oo ciidamada sida gaarka u tababaran Danab ay ka fuliyeen duleedka degmada Bu’aale ee gobolka Jubbada Dhexe, halkaas oo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Weerarka oo ahaa mid culus ayaa waxaa lagu qaaday deegaanka Carabow oo 50 KM u jira magaaladaasi, gaar ahaan goob uu shir uga socday saraakiil ka tirsan Al-Shabaab.

Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin oo ah taliyaha guutada 16-aad ee Kumaandooska Xoogga dalka Soomaaliyeed ee Danab oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in weerarkaasi ay khasaare xoogan ku gaasiyeen Al-Shabaab, islamarkaana ay gabi ahaan cagta mariyeen goobtii uu shirka ka socday, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu shaaciyey in howlgalkaasi ay ku dileen illaa saddex sarkaal oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, islamarkaana uu midkood ahaa Ajnabi ka soo jeeda dalka Maali, kaas oo uu magaciisa ku soo gaabiyey, Abuu Ayman.

Ismaaciil Cabdimaalik Maalin ayaa sidoo kale tilmaamay in labada kale ay yihiin Soomaali, islamarkaana ay dib ka soo sheegi doonaan magacyadooda.

Waxa kale oo hoosta ka xariiqay in weerarkan ay ku laayeen dagaalyano kale oo ka tirsanaa Al-Shabaab, walow uusan shaacin tiradooda.

Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada huwanta ayaa howlgallo iyo dhaq dhaqaaqyo ka dhan ah Al-Shabaab ka waday gobollada Jubbooyinka ee koonfurta dalka Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Garoon diyaaradeed fariisin ay ka dhigteen Shabaab iyo xarumo kale oo la weeraray

Wararka laga helayo gobolka Jubbada Dhexe ayaa sheegaya in diyaarado aan la aqoonsan halka laga leeyahay ay duqeymo ka geysteen saacadahii ugu dambeeyay deegaano ka tirsan gobolka.

Sida warka lagu helayo, duqeymaha waxaa laga fuliyay goobo ay ka mid yahiin garoonka diyaaradaha magaalada Bu’aale oo la fahamsan yahay iney fariisin weyn ku leeyahiin kooxda Al-Shabaab ee xiriirka dhaw la leh Al-Qaacida.

Sidoo kale deegaanada Jiira garoob, Sariiraha iyo Arabow ayaa la sheegaya iney duqeymaha ka dhaceen, waxaana la ogeyn ilaa iyo hadda hadii duqeymahaas ay khasaaro naf iyo maalba geysteen.

Mudooyinkii dambe gobolada Jubooyinka waxaa duqeymo dhanka cirka ah ka geysanayay ciidamada Mareykanka kuwaas oo caawinaad ka hela ciidamada Kenya iyo kuweea Soomaalida.

Taliska Jubbaland iyo Al-Shabaab qudhooda ayaan ka hadlin duqeymaha la sheegay iney ka dhaceen deegaano dhaca Jubbada Dhexe, waxeyna arintaan kusoo aadeysaa xilli kooxda Al-Shabaab dhawr dagaalyahan looga dilay hawlgalo laga fuliyay gobolka Shabeelada Hoose.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada DANAB oo dilay Ashraf Azmi Abu Hamdan, amiirkii u dhashay Nepal

danab-kumandoos.jpg

Taliyaha guutada 16-aad ee ciidamada kumaandooska Soomaaliya ee Danab G/le Ismaaciil Cabdimaalik Maalin ayaa faahfaain ka bixiyey howlgallo ay ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Dhexe, kuwaas oo lagu dilay xubno ka tirsanaa Al-Shabaab.

Taliyaha oo la hadlay Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa sheegay in howlaglladaas ay ku dileen sarkaal ka tirsanaa tababarayaasha sare ee Al-Shabaab, kaas oo u dhashay dalka Nepal ee ku yaalla qaaradda ASIA.

Saraalkaas waxaa magaciisa lagu sheegay Ashraf Azmi Abu Hamdan, waxaana lala dilay seddax dagaalame oo ilaalo u ahaa, sida uu sheegay sarkaalkan u hadlay Danab.

Taliyaha ayaa sheegay in deegaanada ay howlgalladaas ka fuliyeen ay kala yihiin Buur-gaduud, Waabo, Salagle iyo Duqay oo dhamaantood hoos taga degmada Saakoow ee gobolka Jubbada Dhexe.

Sidoo kale Taliye Ismaaciil oo sii hadlayey waxa uu sheegay in u jeedka howlgalkoodu uu ahaa inay beegsadaan saraakiisha sare ee Al-Shabaab, ayna sii wadi doonaan howlgallada nuucaan oo kale ah.

Arbacadii shalay ayey aheyd markii ciidamada Dana bee ku sugan gobolka Jubbada Hoose ay Al-Shabaab kala wareegeen deegaanada kala ah Xawaaljiri, Bernasey, Yaaqbishaar iyo Cusbo, oo hoos taga degmooyinka Kismaayo iyo Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose, kuwaas oo dhamaantood ay horay u maamulayeen Al-Shabaab.

Sidoo kale howlgalkaas saraakiishii hoggaamineysay ee Danab waxa ay sheegeen inay ku dileen illa lix dagaalame oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada dowladda oo guulo ka sheegtay dagaal ka dhacay Jubadda Hoose

Ciidamada kumaandooska Danab, gaar ahaan ururka 5-aad ayaa waxay sheegeen in howl-gal saacadihii lasoo dhaafay ay ka fuliyeen Gobolka Jubadda Hoose ay kula wareegeen deegaanka birta dheer oo 60KM u jira magaalada Kismaayo.

Taliyaha guutada 16-aad G/le Ismaaciil cabdiqaadir Maalin ayaa waxa uu sheegay in ciidamada dowladda hadda ay maamulayaan deegaanka ay la wareegeen.

"Wuxuu ahaa howl-gal si wanaagsan loo diyaariyay, ururka 5-aad ee guutada 16-aad waxay xaqiijeen guulo waaweyn" ayuu u sheegay warbaahinta.

Wuxuu intaa ku daray iney sii wadi doonaan dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab.

Dhinaca kale ma jiraan war kasoo baxay Al-shabaab oo ay uga hadlayaa guulaha ciidamada dowladda ay sheegeen.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

DF Soomaaliya oo markale ciidamo badan geysay gobolka Gedo

Wararka naga soo gaaraya Gedo ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay dowladda Soomaaliya ay ciidamo badan geysay gobolkaasi.

Ciidamadan oo diyaarad looga qaaday magaalada Muqdisho ayaa waxaa laga dajiyey degmada Doolow ee gobolka Gedo.

Sidoo kale askartan ayaa ku biireysa ciidamo isugu jira boolis iyo militeri oo horay u joogay magaaladaasi, degmooyin kale oo ka tirsan gobolka Gedo.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in dhaq-dhaqaaqyo xoogan haatan laga dareemayo Doolow iyo deegaanada hoos yimaada, kuwaas oo ay wadaann ciidamadaan ciidanka Gorgor, kuwa Haramcad iyo milatariga Soomaaliya ee ku sugan halkaasi.

Dhinaca kale taliyaha xasilinta gobolka Gedo, Bakaal Kooke oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in u jeedka dhaq-dhaqaaqyadaasi uu yahay, sidii Al-Shabaab looga saari lahaa deegaanadaas oo ay ku xoogan yihiin dagaalyahanadooda.

Arrimahan ayaa ku soo aadaya, iyada horey beesha caalamka ay uga digtay ciidamada ay dowladda ku daad-gurineyso gobolka Gedo oo ay horey ugula dagaalameen ciidamada Jubbaland, walow ay dhowaan Dhuusamareeb heshiis ku gaareen Madaxweynaha Soomaaliya iyo Axmed Madoobe.

Si kastaba ha’ahaatee dhaq-dhaqaaqyada dowladda ee Gedo ayaa waxaa ka dhashay xiisado hor leh iyo dagaal dhex-maray ciidamada Jubbaland iyo kuwa dowladda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.