Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Fanaanad Cadar Axmed Kaahin Arrives in Jigjiga

Recommended Posts

Fanaanada caanka ah ee Cadar Axmed Kaahin ayaa maanta si heer sare ah loogu soo dhaweeyay Caasimada Dawlad Degaanka Soomaalida ee Jigjiga. Fanaanada oo ka soo kicintay cariga Maraykanka bishan aan ku jirno 3deedii ayaa xalay saqdii dhexe soo gaadhay Gegida Dayuuradaha Caalamiga ah ee Bole International Airport ee Magaalada Addis Ababa.

 

Waxaa fanaanada Gegida Bole ku sugayay masuuliyiin ka socotay Xafiiska Warfaafinta Dhaqanka & Dalxiiska ee Dawlad Degaanka Soomaalida kuwaas oo ilaa saaka salaadii subax fanaanada ku wehelinayay ilaa intii ay transitka ku ahayd Gegida Diyaaradaha ee Bole International Airport.

 

Kadib waxay Fanaanadu u soo anbabaxday dhanka Caasimada Dawlad Degaanka Soomaalida ee Jigjiga iyadoo si VIP ah loogu soo qaaday dayuurad ay leedahay shirkada Ethiopian Airlines. Intii ayna diyaarada ay la socotay fanaanadu ayna soo caga dhigan Jigjiga International Airport waxaa gegida dayuuradaha isku xoomay dadwayne aad u fara badan.

 

Waxaa Fanaanada Cadar ilaa intii ay ku soo jirtay duulimaadkeeda ilaa Caasimada Dawlad Degaanka Soomaalida ee Jigjiga lagu sharfayay marti qaad iyo tixgalin gaar ah oo

ay u samaynayeen shaqaalaha iyo marti soorka diyaarada dhexdeeda oo marti qaadka uu ka mid ahaa.

 

Waxaa kaloo gegida dayuuradaha ee Jigjiga Airport ku sugnaa madax & masuuliyiin fara badan oo ka socday Xukuumada Dawlad Degaanka Soomaalida oo ay hor

kacayeen Madaxa Xafiiska Warfaafinta Dhaqanka & Dalxiiska Mudane Guuleed Casoowe, Madaxa Komishinka Booliska Degaanka Soomaalida Mudane Yuusuf Jalaale, Komishinka Asluubta Mudane Cabdi Bade Cusmaan, Ku Xigeenka Xafiiska Ka Hortaga & U Diyaar Garowga Masiibooyinka DDS Mudane Khadar Cabdi Ismaaciil, Agaasinka Qorshaynta & Barnaamijyada Xafiiska HAPCO Mudane Maxamuud Heeryo, Agaasinka Qorshaynta Xafiiska Caafimaadka Mudane Cabdiraxmaan Aadan (Hereri), Madaxa Xafiiska Maalgalinta Mudane Qalbi Axmed.

 

Waxaa kale oo dadwaynaha soo dhawaynayay fanaanada Cadar Axmed Kaahin ka mid ahaa fanaaniinta fanka & sugaanta ee Dawlad Degaanka Soomaalida oo ay ka mid yihiin kooxaha Wadani Stars, Kooxda Ilays Band, Kooxda Qureysh Fiiq Band iyo kuwo kale. Waxaa kale oo iayagana Fanaanada ku soo dhaweeyay Haween badan oo isugu jira asxaab, qaraabo, ehel, ganacsato & masuuliyiin ka tirsan Xukuumada Degaanka Soomaalida.

 

Dayuuradii siday Fanaanada Cadar Axmed Kaahin ayaa abaaro 11:00 Barq animo soo caga dhigatay gegida

waxaana hal mar wada yeedhay sawaxan iyo luuqda jaanta & jabaqda ay sameenayeen kooxaha hidaha & dhaqanka oo Dhaanto ku soo dhaweeyay fanaanada. Kadib markii la furay albaabkii diyaarada ayaa waxaa ka soo baxay Fanaanada Cadar Axmed Kaahin oo labada gacmood kala hayaan labadii Pilot ee diyaarada waday oo si sharaf leh uga soo dajiyay jaranjartii diyaarada.

 

Fanaanada ayaa markii ay cagaheeda taabteen dhulka hal

mar labadeeda indhood ka soo boodeen ilmo kulul iyadoo farxad la ilmaysay markii ay aragtay sida sharafta leh ee loo soo dhaweeyay. Waxaa fanaanada diyaarada hoosteeda ubax ugu dhiibay gabadh yar oo qoortana u sudhay ubax iyo qoor xidh sharfeed.

 

Fanaanada oo labadeeda

indhood ay wali ilmadu ka hoorayso ayaa bilowday gacan qaad inay ku salaanto madaxdii soo dhawaynaysay oo iyaga laftooda la qiirooday shucuurta fanaanada iyo weedhaha salaanta ah ee fanaaniintu ay ku luuqanayeen. Waxaa gegida dayuuradaha laga bilaabay ciyaaro dhaqameed

isugu jira Dhaanto, Wilwilo & Buraanbur kala gadisan oo lagu amaanayo laguna dhiiri galinayo sharafta fanaanada timid dhulkeeda hooyo.

 

Fanaanada & madaxdii ayaa

halkaas ciyaaraha kula ciyaaray fanaaniinta iyadoo Marwo Cadar Axmed Kaahin ay marba qof

salaantii ku dul ooyayso. Weedhii qudha ahayd ee ka soo baxday Cadar Axmed Kaahin ayaa ahayd "Waligay dad waan soo dhawayn jiray, laakiin laba shey ayaa maanta igu kalifay in aan la ilmeeyo. Mida koowaad waxay tahay, waligay ma arag wax i soo dhaweeya, waligayna ma arag sidan boqornimada leh ee la ii soo dhaweeyay. Mida labaad waxay tahay isma lahayn dhul & dad aad leedahay ayaad ka maqan tahay. Maantase waxaan xaqiiqsaday in aaan riyadaydii gaadhay".

 

Kadib markii ay fanaanada & dadkii soo dhawaynayay ay ka soo anbabaxeen Gegida dayuuradaha ee Jigjiga waxau kolonyadii gawaadhida ahaa ee galbinayay

fanaanada ay u baqooleen dhanka magaalada Jigjiga iyadoo ilmadii ka socotay fanaanada indhaheeda ay isku badaleen shucuur farxadeed & raynrayn. Waxaa dabadeed la isugu tagay barxada Huteelka Xamda ee Caasimada Jigjiga halkaas oo fanaaniinta Degaanka Soomaalida & Marwo

Cadar Axmed Kaahin ay ku qabsadeen ciyaaro Dhaanto ah oo kala duwan.

 

Isku soo wada duuboo, imaatinka Fanaanada Cadar Axmed Kaahin oo ah fanaanad u dhalatay Degaanka Soomaalida ayaa maanta si aad ah looga dareemayay dhamaan daafaha Caasimada Jigjiga, iyadoo shacabka ku nool Gobolka Dhagax-Buurna ay taleefanada cidhiidhi galiyeen sida ay isaga xog waraysayeen imaatinka Fanaanada Cadar Axmed Kaahin.

 

Mar ay

Fanaanada Cadar Axmed Kaahin ay la hadashay saxaafada iyadoo ku sugan qolka nasashada ee Hotelka Xamda, waxay mahad gaar ah u celisay Madaxwaynaha Degaanka Soomaalida Mudane Daa'uud Maxamed Cali & Hogaanka Maamulka Cadaalada & Nabadgalyada Mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ay sheegtay inuu galiyay rajada inay soo booqato dhulkeeda hooyo inta ay nooshahay.

 

Waxay Fanaanadu sheegtay in Hogaanka oo ay taleefan ku wada hadleen uu u sheegay in ay degaankan u wada dhasheen. Waxay fanaanadu sheegaty inuu Hogaanku ku yidhi "Kaama xigo Degaankan oo waan u wada dhalanay, qof kaa xigana ma leh, xor baadna u tahay inaad timaado iyo inaad ku noolaato".Waxay fanaanadu carabka ku dhufatay in Hogaanku u cadeeyay in sidii ay hore warbaahinta & saxaafada uga sheegeen inay dhiiri galinayaan in dadka degaankan u dhashay ee ku sugan qurbaha ay xor u yihiin inay yimaadaan dhulkooda oo ay maal gashadaan.

 

Waxay fanaanadu sidoo kale u mahad celisay Madaxa Xafiiska Warfaafinta Dhaqanka & Dalxiiska oo ku dhiiri galiyay inay dalkeeda & degaankeeda soo booqato oo ilaa soo dhawayntaa aadka u qaayaha badneed u diyaariyay. Waxayna fanaanadu tidhi "Maanta ayaan noqday Boqorad u dhalatay Degaanka Soomaalida oo leh calan & dawlad lagu hirto".

 

Sidoo kale, Madaxa Xafiiska Warfaafinta Dhaqanka & Dalxiiska Mudane

Guuleed Casoowe ayaa tilmaamay in imaatinka Cadar Axmed Kaahin ay galisay shucuur wadanimo & mid degaaneed. Wuxuu Mudane Guuleed yidhi "Waxaan ilmada ka da'aysay indhaha Fanaanada Cadar Axmed Kaahin aan ka dareemay in ayna jirin meel lagu doorsan karo dhulkaaga hooyo". Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu Mudane Guuleed Casoowe raaciyay "Waxaa gubayay Fanaada Cadar Axmed Kaahin waa marti soorka ay ku aragtay tan iyo intii ay soo gaadhay dalka Itoobiya laga soo bilaabo xalay saqdii dhexe oo ay ku sugnayd caasimada Addis Ababa oo Xafiiska Warfaafinta Dhaqanka & Dalxiiska uu ugu diyaariyay koox halkaas ku madadaalisa fanaanada inta ay ku jirto transitka sugida duulimaadka Jigjiga & soo dhawyntii aan loo kala hadhin ee ay ku aragtay Caasimada Jigjiga". ayuu yidhi Mudane Guuleed Casoowe.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sikaawe   

Waayo waayo, if I am right she is here singing with Ahmed Gacayte, Allah yaa rahma for him. She still looks young the recent pictures, I could take her in for the second, she could produce kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk!

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sikaawe   

Originally posted by Valenteenah.:

^ No woman is safe from you, as long as ay is haysato, huh?

 

What a nice welcome for the lady.

Valenteenah, gabadh Somaliyed oo aan meel kale ku xidhnayn, madax banaan, oo is haysata oo caano geel aad u heshay,oo xigsin (markasta) kasta aad caanaha u durduurato, nin ayaan le ayuun baa hela. icon_razz.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

Interesting. All the guys who welcomed her happen to be from Dhagaxbuur and she is from there as well. Waa loo qabyaaladeeyey.

 

But how things have changed! Waa Guuleed ninka leh waxbaan soo dhaweyn. kkkkkkkkkk.

 

I have to say I am amazed by Guuled's resourcefulness. From bringing Baarlex to Garowe Memorial (hashii dhimatay oo taalo loo dhisay).

 

Walee, ninkii nool tu walba wuu arki. There were times you will have to pour four buckets of water over Guleed to wake him up markuu Awadaay'ga ka dhergo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

By the way, that Airport is way better than Igal international and the dusty fields Faroole lands on when he comes back to Garowe. Laakiin, we need to train some people on faan and exaggerations.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tuujiye   

Maxaa waaye calankaan itoobiyaanka? Jigjiga waa somalia shiiiiiiiiidh!! qofdhan oo somali ah oo calan itoobiyaan luxaayo....

 

 

Wareer Badanaa!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

^^ Lets not forget that Jigjiga is the centre of colonization and this place is the place of torture for many, no other flags are allowed, not even listening to songs of denouncing guumeysiga itoobiya, what happened to Waayaha Cusub video song(named: guumeysiga itoobiya), it was a hit song in Jigjiga and around Somaliweyn regions, but it resulted the arrest of many people and the closure of many studios.

 

 

Have they waved Somali flag, or of that of ONLF(which is taboo), all of them including Cadar would have gone to jail.

 

 

No choice, and they were forced to do it(wave the bloody itoobiyaan calan), the band that welcomed Cadar are the local band group in Jigjiga, they usually welcome people with this flag, they get paid for it.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this