Laba-X

Amaan Dumar

Recommended Posts

Originally posted by Laba_Xiniinyood:

Maandarin
- Barkhad Cas

 

 

Tilmaanteeda:

 

Madheera oo gaabni way dhaaftoo

ma dhuubnoo baruurtu may dhicinoo

dhexdeeda taakadaa is dhaafaysoo

dhawaaqa hadalkeedu kuma dhibo

dhalaalka midabkeeda dhaayaha

midaan u dhigoon ku dherershaa

may dhalan dhabarkana laguma sido

Lool :D indeed

 

haweenka xulkoodi waan ku hubaa

nin hoodo lebaa nasiib ku helee

Biixiyow hagardaamo halis weeyee

 

Labo waa raggeedii,

 

Ka waran yaa labao ninka yidhi in - Amaan dumar:

 

Gu' aad joogto Gelin barwaaqa'ah

Daruur goor barqo'ah ku guud timi

Intooy biyo gelisay kala guratay

ayaad gadeed tahay oon laga garan

 

Geedka iyo ninka markaan la kala garan(Twilight)

Qoraxadoo geeskastaba falaadho gantay

ayaad gedeedii tahay oon laga garan

 

by mohamed omar - hurryo in Raaxeeye Burcaawi

 

the best amaan durmar i ever heard is in Mohamed Mogeh's song:called mudantii haweenkaay?

 

Mudantii haweenkay, marwadii la sheegee dadku wada ma jiirtaay

 

Laan yahay magooshee midhihiyo caleentiiyo

Mannka lagu talaalee - Qurxux lagu mannaysataay!

 

Mudoo aan yaraynbaan kugu so maqnaa yo

Ma ogatahay habeenkii sida mayayga roobkaan

hadba maayad keena ayaan kugu so mirkacayaa!

 

Milgo' ayaa hadabal ku leeyoo

Ereygii maquun'ah waa loo mashxarada

Madaalo beenah ayaad igu mayracaysaa

 

Aan jeexo milikoon waabayda miirroo

Magacaagu goobta naftu way ku maagtoo

Ka maarmi waydee!

 

Marti waa la soora, Magan waa la bixiyaa

How dhuran masuugii maahmaahdu sheegtee!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cara.   

Originally posted by Xoogsade:

quote:Originally posted by Cara:

LOL.

 

Xoogsade, thank you, but I second Xiin's caution. Unlike him, compliments can easily go to my head and give me foolish ideas. And wouldn't that be just like a woman?

Cara, Do you think women are more susceptible to adulation? I am thinking your question is meant to trick me into being myself and say definitely that is being a woman
:D
I think my work here is done :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Laba-X   

Sharmaakow, Allaylehe thats a classic song. la'aanteed mirqaanba ma jiro lool Just kiddin!

 

here are a few more, ku soo dar

 

Cilmi Boodhari, After he had a dream about the girl.

 

Ma samaynin waayahan tixdii saaniga ahayde

Waataan ka saahiday tan iyo sebenkii dayreede

xaluun ba saqdii dhexe hurdada wax isalaameene

Aan sifeeyo inantii tiriig saxan la moodaayay

Ilkaa sadaf la moodiyo wajiga lagu saruureeyey

Timaha basari baan subkine saaran garabkeeda

sanka iyo indhaha iyo afka sida sabiibeed ah

Suniyaal madoobey qalbigu saakin kaa noqoye

Soomaali, carab iyo hindiga sooyo laga keenay

Inta sabada joogtiyo khalqiga waad u sidataaye

Soo soco sidciyo qaaliyey saanad baad tahaye

 

Yamyam Alla haw naxariisto

 

Alla gabadha daya luqunta

Cabaadhyaha ku yaalla qoorta

Dhabankeeda xaadda leh labeenta

Hammiga ku jira xasuusta

Share this post


Link to post
Share on other sites
Originally posted by Laba_Xiniinyood:

Sharmaakow, Allaylehe thats a classic song. la'aanteed mirqaanba ma jiro lool Just kiddin!

 

here are a few more, ku soo dar

 

Cilmi Boodhari, After he had a dream about the girl.

 

Ma samaynin waayahan tixdii saaniga ahayde

Waataan ka saahiday tan iyo sebenkii dayreede

xaluun ba saqdii dhexe hurdada wax isalaameene

Aan sifeeyo inantii tiriig saxan la moodaayay

Ilkaa sadaf la moodiyo wajiga lagu saruureeyey

Timaha basari baan subkine saaran garabkeeda

sanka iyo indhaha iyo afka sida sabiibeed ah

Suniyaal madoobey qalbigu saakin kaa noqoye

Soomaali, carab iyo hindiga sooyo laga keenay

Inta sabada joogtiyo khalqiga waad u sidataaye

Soo soco sidciyo qaaliyey saanad baad tahaye

 

Hadaba ninkii LX ma jacaylba hoosta ka so hayaa ;) ?

 

Cilmi boodhari oo sii wada jacalkii hodan:

 

Sidii geel horwayno wax badan hawdka miranaayey

Oo haro la soo joojiyo kuraygu heegaayo

Oo hoobay loo qaaday iyo hees walwaaleedka

Hodaneey markaa tidhaahdaanba qalbigu waa soo hinqanayaaye

Haday hawlyaraan idin latahay aniga way hooge

Ayadoon xabaal lagu hamsiin waanaan ka hadhayne

Hammada beenah marbaan is idha waad la hurudaaye

Jin uun bay haddoodilay miday habar wadaageene

Hareertayda madhan baan is idhi haadso gacanteeda

Kolki aan hubsaday meel cidla ah inaan ku hawshooday

 

U haylhaylay gogoshii sidii halablihii aare

Siday iga haleeyeen maryihii hiifay oo tumaye

Haabhaabtay labadii go' oo shaadhkii maan heline

U hagoogtay sidii geesi ay niman ka hiisheene

U hiloobay sidii wiil la dhacay kadin ay haysteene

 

and how about this yaa LX: still from Cilmi Boodhari:

 

Hadii aanan kulahayn yartaay kuma haleeleene

Habeenkii yimaadaba lixjeer kuma horjoogeene

Hal abuurka kuum aaan tirsheen heesta caashaqa

 

Hablahoo dhan keligaa yartaay hibeda laysaarye

Sida hogol kaliishii da'doo milicdu ay-hayso

Ama lebiga hawdoo gugii ubaxu heeryeeyey

Oo haadku dhaafoo shinbiro cimilo goor heesa

Aadmigu ma hilayee dhakhsuu ugu hiloobaaye

Anna xiisahaan kuu hayaa kaba hanaan dheere

Ninba tuu ka helay buu gabdhaha Hodan ku sheegaaye

Oon heerkastay qurux ka tahay hawlin taa kale'e

Anna dookhu adiguu huwadey kuna hareer yaale

Qaar buu gabdhaha hilibku iyo hugu cusleeyaaye

Adna inaanad haabkaa ahayn hubiyey dhawrjeere

Naasahan sidii hooto waran hore u soo taagan

Dibnahaagan hiifkaba aqoon hadal san mooyaane

Gudub halacsi daymada indhahan hibada loo siiyey

Qosol hanaqa soo taabayoo caashaq hurinaaya

Ilka aan hogoodii ka lumin kalana hoosaynin

Sankaagaa hanaankiyo qorshaa hadiyad loo siiyey

Dhabanada hareeraha wejiga halalac nuuraaya

Suuniyaha haabkoodan wacan hadal dhamayn waaye

luquntii habkii geri lahaa halal wax dhaafsiisey

Timo hoos garbaha uga degoo sinaha haab-haabtay

Heega iyo laafyaha gamcahan hibada loo siiyey

Dhaxdan aan hareeraha u fidin horena soo taagmin

Hanaan quruxsan waataa luguu ka haqab beeleene.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Pujah   

Abuuraas:

 

sida ubaxa waaberiga

ama uduga saxansaxada

ku arko, markaan ku arko adigaa

jacaylku i abaaraayee

agagaarka beerka iyo

wadnaha layga adaaye

waa olol jacayloo

waa urugo kalgacale

 

Sahro Ahmed: dhextaal

 

sida abriska iyo aarka

ayaan umalka iyo taaha

hadba aburka seydhaaye

 

Abuuraas: 2 dhextaal

 

indhahaagu waa bodee

quruxdaadu waa ugubee

hablo kacay adduunyada

adaan kaa asdeystee

sideen kuu ilaabaayee

 

Sahro Ahmed:

 

sida hawd ugbaadkiisa

ama daalo aragooda

ku arko, markaan ku arko adigaa

jacaylku i abaaraayee

indhahayga caashaqa

ilmada lagu asqoobaayee

waa olol jacayloon

waa urugadaadee

 

Abuuraas:

 

sida ubaxa iyo diinka

ayaan araga iyo muuqa

indhaha ugu furiyaayee

 

Sahra Axmed:

 

waa adiga caashaquye

waa arami hawluhuye

waxa wiil arlada jira

adaan uurka ku hayaa

sidaan kuu iloobaayee

 

Abuuraas:

 

sida ubadka iyo ehelka

ama aabe iyo curadka

ku arkoo, markaan ku arko adigaa

jacaylku i baaraayee

agagaarka beerka iyo

wadnaha layga adaaye

waa olol jacayloo

waa urugo kalgacale

 

Sahro Ahmed: dhextaal 1

 

sida abriska iyo aarka

ayaan umalka iyo taaha

hadba aburka seydhaaye

 

Abuuraas: 2 dhextaal 2

 

indhahaagu waa bodee

quruxdaadu waa ugubee

hablo kacay adduunyada

adaan kaa asdeystee

sideen kuu ilaabaayee

 

Sahro Axmed:

 

sida ulaha dhabigeena

ama uduga yaaquudka

ku arko markaank u arko adigaa

jacaylku i baaraayee

indhahayga caashaqa

ilmada lagu asqoobaayee

waa olol jacayloon

waa urugadaadee

 

Abuuraas:

 

sida ubaxa iyo diinka

ayaan araga iyo muuqa

indhaha ugu furiyaayee

 

Sahra Axmed:

 

waa adiga caashaquye

waa arami hawluhuye

waxa wiil arlada jira

adaan uurka ku hayaa

sidaan kuu iloobaayee

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cabdow   

Timahaaga dheere by Giriig

 

been laguma dhaartee

dhan loo dayaba gabaryay

jacaly iga dhab weeyee

timahaagan dheeree

dhabarkaaga joogee

ilaahay dhameeyee

ilkahaaga dhuuxiyo

dibnahaaga dhuxushaa

dhakafaar ka qaadee

 

waxa aad u dhigantaa

dhibicdiyo cadceedo

isu soo dhawaadee

 

dhaqan kaama luminoo

dhismahaa ma liicine

waqti kuma dhirbaaxine

sidii aad u dhalatay

dheehii u leeyiin

wali dhabanadaaduye

anna waxa ii dhaawacay

dhaayaha u rooney

dhoola ka qosolkaagee

 

waxa aad u dhigantaa

dhibicdiyo cadceedo

isu soo dhawaadee

 

sida dhool gu' oo kale

ama dhicirta hawdoo

geed sare ku taalaa

qurux loo dhameeye

dhalankaagu waa ubax

aan la kala dhantaaline

anna labada dhinac baan

kaa dhuganayaaye

kuma dhaafi karayee

 

waxa aad u dhigantaa

dhibicdiyo cadceedo

isu soo dhawaadee

 

Hablaha soomaliyeed maxaa amaan loo dhameeyey... Mexey kuku taalaa laakin waa ungratefull creatures, oo hadhow oran somali men are not romantic :mad:

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

canjeex you are romantic , bt not romantic enough..... u see the difference?

 

wali waxa laga raba in aad amaanta so badisid see camal, and bring a chocolate and rose to go with it :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

^^jacaylbaro lol

 

 

Ghanima waad iga darantahay ma istidhi anuu aman iyo ubax iyo chocolate un igu filan.

 

adiga yarka ma in uu waxwalba oo aad so ibsan karin ku iibiyaad rabtaa...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ibtisam   

He does not have to iibi anything at all. Just not something tacky as chocolate and roses :D

 

Jac lol, what is so romantic about having a man?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ibtisam   

^^^No just being a "man" does not qualify as romance. So pray tell what is so romantic about simply being a man?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ariadne   

Originally posted by Jacaylbaro:

whay do you need to have roses, chocolates and others while you have a complete man ,,,, isn't more romantic to have A MAN ??
:D

lol! I think I can already see the hallmark comercial for this. with the old madtv song in the background

 

lowered expectations

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.