Laba-X

Amaan Dumar

Recommended Posts

Cabdow

^ La carar maa tiraahdaayee, buur kala bood hadaa rabtid :D ...Nice signature btw, Guuuuul

canjeex you are romantic

Thanks walaalo, you're so sweet.

wali waxa laga raba in aad amaanta so badisid see camal, and bring a chocolate and rose to go with it

That is a reasonable request miss 416, is that all? mise intaa waa only the tip of the ice-berg icon_razz.gif

Share this post

Link to post
Share on other sites
Holac

said:

Timahaaga dheere by Giriig

been laguma dhaartee

dhan loo dayaba gabaryay

jacaly iga dhab weeyee

timahaagan dheeree

dhabarkaaga joogee

ilaahay dhameeyee

ilkahaaga dhuuxiyo

dibnahaaga dhuxushaa

dhakafaar ka qaadee

waxa aad u dhigantaa

dhibicdiyo cadceedo

isu soo dhawaadee

dhaqan kaama luminoo

dhismahaa ma liicine

waqti kuma dhirbaaxine

sidii aad u dhalatay

dheehii u leeyiin

wali dhabanadaaduye

anna waxa ii dhaawacay

dhaayaha u rooney

dhoola ka qosolkaagee

waxa aad u dhigantaa

dhibicdiyo cadceedo

isu soo dhawaadee

sida dhool gu' oo kale

ama dhicirta hawdoo

geed sare ku taalaa

qurux loo dhameeye

dhalankaagu waa ubax

aan la kala dhantaaline

anna labada dhinac baan

kaa dhuganayaaye

kuma dhaafi karayee

waxa aad u dhigantaa

dhibicdiyo cadceedo

isu soo dhawaadee

Hablaha soomaliyeed maxaa amaan loo dhameeyey... Mexey kuku taalaa laakin waa ungratefull creatures, oo hadhow oran somali men are not romantic :mad:

I found this topic on Google. I will use this. :)

Share this post

Link to post
Share on other sites
On 1/28/2007 at 6:26 PM, Laba-X said:

Someone in this forum (A female) said to me that Somali gabays are disrespectful towards women in general and depict them in an inferior way and i argued that they don't - in fact they alleviate them in ways more than one. So she has asked me to show her some poems that praise women and i am here posting a few poems that Abwaans have recited to eulogize The Somali woman...

Some of the more notable members in Gabayo can help us here and add some more Gabays. But I'll start wth a few that i have read...

1 - Hablaha Geeska Afrika - Hadraawi

Ma geyoon ma gamashiyin

Ma gommodin ma gaagixin

Ma gabloobin maan gudhin

Mana gabin hankaygii

Gabaygiina maan deyn

Geeraarradaydii

Imminkaan gardaadshoo

Weli maan gunaanadin

Murti nimaam gunteediyo

Baran gogol-dhiggeedoo

Gonda degi aqoonoo

Garab-daar lahayn baa

Gawl-gawla hadalkoo

Kolba dhinac garoocdee

Sida Webi Ganaanoo

Cirka godollo maaloo

Biyihii ku gaaxdiyo

Gebiyadii ku soo degey

Ku darsaday gufaaciyo

Guullaama diriroo

Geli jabay habeenkii

Kolba gacan ma soo rogay

Qudhaciyo galoolkii

Gunta xididka maw jaray

Dhulka wada galaal iyo

Gabbalaha ma kaga tegey

Afartaa geddaydii

Dhaha laygu garan jirey

Gurmashada dagaalkiyo

Gulufkiyo colaadaha

Goobaha naf waagiyo

Halka laysku gawraco

Marka gorodda lays daro

Haddaan dumarku goonyaha

Guubaabo kicinayn

Sida galowga dhiilloon

Illayn geesi qayrkii

Birta kuma gumaadeen!

Gu´ hagaagay oo da´ay

Dhulka geedo jiifaan

Gurya-samo barwaaqa ah

Haddii geeddi lagu furo

Dhallinyaro is gurataa

Gurdan raaca fiidkii

Gole weyn ku kulantoo

Cagta garan-garteediyo

Isu geysa jiibkoo

Googooska luuqdiyo

Gedda sacabka loo jaro

Hablahaa u gaaroo

Garashada codkoodaa

Qof gaboobey kicisoo

Gelbiskiyo mashxaraddaa

Gama´kaa ilaashee

Haddaan gabadhi boodeyn

Illayn gegi ciyaareed

Wax ma dhaanto geriyaad

Haddaan guudka laga jirin

Gudihiisa xaabkiyo

Cayayaanka laga gurin

Marwo dumar garka u xidhan

Illayn guri dugsoon ma leh

Gaadaha habeenkii

Kelidaa galgalashiyo

Ged-geddoonka dhalisoo

Adigiyo go´aagaa

Hadba dhinac u guuroo

Barkintaad gabbood iyo

Gaashaan ka dhigataa

Haddaan guud haldhaaley

Kolba gacan la saareyn

Illayn gogoshu wehel ma leh

Kuma galo adduunyada

Ninna goonni-socodkoo

Marwo garasho dheer baa

Ninka raga u gudinoo

Iyadaa guddoonkiyo

Gadh-hayaa naftaadiyo

Gaadiidka reerkiyo

Gurgurshaaga noqotoo

Arrin kula gorfaysee

Haddaan gaari kula jirin

Illayn noloshu guul ma leh

Gocashada xanuunka leh

Waxaan uga gol leeyahay

Go'i waa barbaareey

Gobi waxay ku dhaqantaa

Garab waxay ka dhigataa

Gallad waxay ku dheeftaa

Samo waxay ku gaadhaa

Golollada haweenkee

Hiddaheena gaarka ah

Hablihii gabowgiyo

Geerida ku sugi jiray

Hablihii garayskiyo

Xidhan jirey guntiinada

Hablihii gu' iyo dayr

Sida baarqab golongolay

Dhexda xadhig ku goyn jirey

Hablihii garaaraha

Gaatan-socodka laafyaha

Sida gorayga ciideed

Gelbin jirey tallaabada

Hablihii gun iyo baar

Isha gacalo-eegtaa

Gama' aanay ledi jirin

Hablii talada guunkiyo

Gunti jirey xishoodkee

Hadalkoodu gaabnaa

Hablihii gef hooyiyo

Qarsan jirey guhaaddee

Hadday godollo soomaan

Ama gaajo liitaan

Cidi aanay garan jirin

Hablihii gammaan faras

Iyo geela ugubka ah

Guur doon ka bixin jirey

Hablihii Gargaariyo

Guuleed ku curan jirey

Goldaloolo iyo ceeb

Hablihii ka guban jirey

Hablahaan gankoodiyo

Hilbahooda gadi jirin

Haddii aad gujeysaan

Guul guul ku laysaan

Godol qudha ku mooddaan

Gabbalkooda dumisaan

Hadba tooda goosha ah

Ganacdeeda jabisaan

Dadku gabanna xooriyo

Garracyaley yidhaahdaan

Inagoo gumowniyo

Dhaqan guurey weeyee

Gocashada xanuunka leh

Waxaan uga gol leeyahay

Godob aabbe falay baa

Ubadkiisa gocondhiyo

Gumar shidan ku noqotoo

Gebi dheer ku dumisee

Ninka inan ma geyda ah

Golqaniin ku maalee

Gurrac kaga danaystow

Waxaad gaaxsanaysiyo

Gashigaad cunaysiyo

Xumahaad geleysaa

Ruuxay ka go’an tahay

Gabadhaada weeyee

Gefka aad falaysiyo

Waxaad geysanaysaad

Galab kale ka sheekeyn.

Gebagebada sheekada

Bal aan soo gunaanado

Guddoonsiiyo jiiftada

Gabigeed adduunyada

Gobol-gobol u qaadoo

Hablo weerar geli kara

Hablo geela dhicin kara

Hablo geesi dili kara

Gobonimana hanan kara

Hablo talada goyn kara

Garta madal ka niqi kara

Garashana iskaga mida

Quruxdana ka wada gob ah

Geesteena mooyee

Gayi kale ma joogaan

2 - Amaan Dumar - Maxamad Nuur fadal

Xasanow dhawaaq gabay haddaad iga dhaguugayso

hadduu guur qalbiga kaaga dhaco dheelin baad tahaye

dhadhan ma laha naagaa middii dhoocil noqotaaye

dhulka jiifto lama guursadiyo dhererka qaarkiise

hadday dhuubo weyd tahayna waa raaxo kaa dhimane

meesha iyo dhalaanimo middaan anigu dhowraayay

dhildhilada gacmihiyo shanshada dhumucda loo yelay

dhexda madaga dhaayaha indhaa dhaban wanaageda

dhudda qoorta iyo faayahay dhudi la soo jeedo

dhubbad qaadka timahaad haldhaa dhalinki moodayso

cirrid dhuxla iyo suuniyaa dhibic dawaadeeda

dhumbal-mada cad dhoolaa ilkuu dhayag noo dile'e

saddex dhudalay dhaclaa iyo dawali dhixir wanageda

sindi dheehan Qoolow sidii lagu dhex taalleeyay

waqfiyada gacmaa lagu dhuftee saayaq lagu dhaabay

dammideedba maantay deerays dheeg iskaga yeesho

ee ay dhabeelnimiyo qurux dhuuxa ka iftiinto

dhugta lugha iyo faayahay dhebel u sii dayso

kolkay socodka dhiif uma waddee dhebi sidii liicdo

dhega inan rag kay dhinac martaa dheelmatiin galabe

dhaqan iyo adduun lama hadheen dhogorta xoolaade

inta dahabka lacag dheertahay dumarka dhaantaaye

dhadhab igula looshiyo hurdada dhool anoo ladaye

dhuuxaga iyo feedhay dhudi ku laaqnayde

sidii malagga ruuxayga dhigay laygu kaa dherere

inkastay dhallaan yeelatiyo ubad dhawaaqaaya

dhimashada ha joogtee si kale waw dhur sugayaa

dhufsataye qalbiga maanigaa dhudi ka reebaaya

3 - Shukri - C/llahi C Qamaan

Aabahay rumaad iyo kolkii, hooyo laga reebo

Shugriyey wax ruux iyo naf leh, baad iigu roontahaye

Anna sida aan kuu rabo dhab baan, kaaga raaridiye

Rasmi inuu kalgacalkaygu yahay, oo aanan riyoonaynin

Rabbigii i uuntay baa igu ogee, rubuc intaad qaado

Raaliyadii aan saanyadaay, ramo odhaahdayda

Oo soo rujuuc oo niyada, hayga kala reebin

Anoo ruug-caddaaya oo aan lahayn, rug iyo raas toona

Anoon raasamaal haysan iyo, kob aan ku raaxaysto

Raggu maalintay shiri anoo, la iska kay reebo

Hadalkayga oon run iyo been, axad rabaa joogin

Ruwydiyo Najiib iyo Bedri iyo, raxantan qooqaysa

Muxyadiin Rijaal iyo Sacdoo, ugu yar reerkayga

Ubadkaa anoon rag iyo dumar, aabo ruux odhanin

Rabbi mahadii Eebaa, nikaax iigu kaa ridaye

Kolkan reerka buuxiyo adoo, raaxo ii sababay

Rabbi kuma cadaabee abaal, raaga adigoo leh

Sidee baanan aad kuugu rabin, saw nin rag ah ma ahi

Natfaa kuu riyaaqday oo ducaan, kuu ratibayaaye

Rabbigayna wuu iga aqbali, saan rajaysnahaye

Adduunyada ku raag oo wax badan, ribix ku noolowe

Risiqa Eebe kuu waasacyoo, raas qabow noqo e

Raggaa iyo raggii ay dhaleen, oo isdaba roori

Intay gaadhiyaal kuuraraan, raarta buuxsada e

Rukumada Xadkii iyo Kabcada, raaliyaay gudo e

Ifka waysku raynaye markay, ruuxdu ina dayso

Rabbigay ha saamaxo danbigaad, ruubatee hore e

Rasuulkii udgoonaa intuu, kula rafiiqsiiyo

Raaca u horeeya ee jannada, Rawdo gali doona

Alla inama kala reerayee, ha isu keen raacsho

...More to come + you can add

Shire Ahmed faarax(wididhid) waxaa walalo ahaayeen Xaaji Hassan Ahmed iyo fardaale Axmed iyo ragg kale badan.

Sadex wayga gabyaaga,
Sadexna waa iga geela,
Sadexna wayga gabdhaa,
Sadexna wayga gargeerta
Geedka loo dirayo.

Sadexna wayga gargeerta,
Geedka loo dirayee,
Aakhiray ku gubtaa,
Ifkana guuldarro weeye,
Reerkaagay gembidaa,
Gar eexayska ogaada.

Sadexna wayga gabdhaaye,
Haddaa guur damacdaan,
Goosataan taladiina,
Gaadhoo laysma yidhaahdo,
Waxuunbaa la gartaa,
Gunbaa ciil iyo way,
Guhaad loogu go’aaye,
Gobtuun baa la xigaa.

Sadexna wayga gabyaaga,
Golahaa I maqlaayee,
Gaafka caawa la keenay
Maadhiinkii gurxamaayey
Galaas bayna dhex yaale,
Waa ninkay u go’daaye,
Golaha caawa ka qaata!

Waa geeraar kale oo xarafka "t-da" ku socda oo uu geela ku tilmaamayo.

Haddaan dayrta tifteeda
Taraarey la xergeyn,
Intii ay taxnaydee,
Aanay Hawd u tallaabin,
Haddaan awrku ku taahin,

Boga oo tollomoobey,
Tuke guudki la moodin,
Talfiiqaa miciyaa iyo,
Bishnahaysku tumaynoo,
Hadba gees u tuxlayn,
Haddaan geedka tamuuxan,
Nirgaa loogu taxayn
Ma tabaala baxda ?

Waxaa ku deeqay: Jama abdi muuse

Share this post

Link to post
Share on other sites
Seedyare

indhawayd Amiiroow ma tirin,erayga sugaane

Aayar baan alooskii ka tagay ,or iyo geeraare

Eeggana AYAAN baan arkaye,alif ma sheegeene

Bal ayyida cawoo kalaan,ararta laacaaye

Indhaheeda quruxda leh markaad ,adigu sii eegto

Ama aad ag mareetood mindhaa   ,yara ilaalayso

Asal dhalad intay tahay baad ,amar ku gooysaaye

Waa ayni jira maandhoow yartaan eego leeyahaye

Allahii Sameeyaa asluub ,ugu abaal gudaye

Aaraan geela awrkiyo nirgaha,sidigta eeraan ah

Aboodiga sidoodii fardaha ,orodka dheereeya

Iyadaan aduun iyo ka bixin,aaladaha qaar e

Allahayoow amaanada aduun ,inuba waa nooce

Agtayda eboow ka yeel,inantaan iinshaartay

(Seedyare)

Share this post

Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.