Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro:- Shaqaalaha IGAD oo Soomaaliya ugu deeqay lacag lagula dagaalo Khatar taagan

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Dowladda Soomaaliya ayaa lagu wareejiyey lacag dhan 100,000 kun oo dollar, oo loogu tala galay ka hor tagga iyo la tacaalidda kiisaska la xariira cudurka Coronvirus, oo haatan dalka ku jira.

Lacagtan ayaa ka timid urur goboleedka IGAD oo ay ka tirsantahay Soomaaliya, waxaana war kasoo baxay xaafiiska Xoghayaha ururka lagu sheegay in deeqdan lacageed ay iska soo uruuriyeen shaqaalaha ururka IGAD.

Illaa 430 ka tirsan shaqaalaha urur goboleedka IGAD ayaa iska uruuriyey lacag dhan $700,000 (Todoba boqol oo kun oo dollar) si la dagaalanka COVID-19 ay uga caawiyaan wadamada ku mideysan IGAD oo si siman loogu qeybiyey lacagahaas.

Deeqdaas lacageed Soomaaliya waxaa uga soo aaday $100,000 (Boqol kun oo dollar), waxaana xubnaha Ururka ka gudoomay, Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya Maxamed Cali Nuur.

Shaqaalaha iska soo uruuriyey lacagtan ee IGAD ayaa kasoo kala keeda dhamaan dalalka ku bahoobay ururka goboleedkan, waxayna tabarucaadan ku tilmaameen hindise ay muwaadiniinta gobolka ugu garab siinayaan la dagaalanka xanuunka dunida wada saameeyey ee Coronavirus.

Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa 16-kii bishii Maarso ee sanadkan shaacisay in kiiskii ugu horeeyey ee Coronavirus ah in laga helay ruux ka yimid dibadda oo la qabtay lana karaantiilay xilli uu kasoo degay garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho, baaritaan kadibna laga helay cudurkaas.

Intaas kadib waxaa si tartiib tartiib ah u soo yeerayey kiisas hor leh oo dalka gudihiisa lagu arkay, balse laga helay dad intooda badan kasoo laabtay safarro dibadda ah iyo kuwo ajaaniib ah.

Tirada guud dadka qaba Coronavirus ee ku sugan gudaha dalka oo ay shaacisay wasaaradda caafimaadka ayaa ah 7 ruux oo laba ajaaniib tahay, halna ka caafimaaday, waxaana la sheegay in ay karaantiilanyihiin dadka qaba xanuunkaas.

#IGAD Secretariat staff from Head Quarters in #Djibouti & specialized offices across the region contributed USD700,000 towards the regional fight against the #CoronaPandemic.A handover of USD 100K has been made to #Djibouti, #Somalia & #Uganda each today.Stay tuned for more news! pic.twitter.com/IzU86VPvO8

— IGAD Secretariat (@igadsecretariat) April 6, 2020

a-1.jpg b-2.jpg c-2.jpg d.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this