Sign in to follow this  
Deeq A.

Deni oo sheegay in Qaadku yahay gudbiyaha ugu daran ee Coronavirus

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo Caawa hadal ka jeediyay xarunta madaxtooyada Garoowe, ayaa si faahfaahsan uga hadlay khatarta muuqata ee uu dunida ku hayo cudurka Coronavirus iyo tallaabooyinka ilaa iyo haatan xukuumaddiisu qaadday si looga hortago faafidda xanuunkaasi.

Madaxweynaha ayaa sheegay, in cudurka COVID-19 uu yahay musiibadii ugu weyneyd ee Caalamka soo wajahda mudda ka badan 100-sannadood, islamarkaana wuxuu xusay in cudurkaas oo dunida si xawliya ugu fidaya ay xakamayn waayeen dalalkii ugu awoodda badnaa, balse Soomaalidu ay weli dhayalsanayaan halistiisa.

Mudane Deni, ayaa ka warbixiyay tallaabooyinka ka hortagga ah ee xukuumaddiisu ka qaadatay cudurka Coronavirus, inkastoo uu si cad u sheegay in Puntland aysan awood u lahayn xakamaynta xanuunkaas, haddii uu dillaaco, maadaama dalalkii waaweynaaba tabar u waayeen.

Madaxweyne Deni , wuxuu sheegay in Qaadku yahay gudbiyaha ugu daran ee Coronavirus si dhakhso ah ugu faafin kara Soomaaliya, sidaasi darteedna la joojiyay isticmaalka Qaadka, balse weli amarkaasi dhaqan-geli la’yahay.

Wuxuuse si gaar ah eedayn ugu jeediyay ciidamada Puntland, oo uu sheegay in ay tallaabo ka qaadi waayeen joojinta Qaadka, halka qaarkoodna uu ku tuhmay in ay iyagu weli isticmaalaan Cunista Jaadka, isagoo xusay in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono cid kasta oo lagu qabto falkaas.

Hoos ka daawo muuqaalka

PUNTLAND POST

The post Deni oo sheegay in Qaadku yahay gudbiyaha ugu daran ee Coronavirus appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this