Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo mudda kadib aqoonsatay madaxweyne Qoor Qoor

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo Caawa hadal jeediyay ayaa muujiyay in uu aqoonsaday madaxweynaha cusub ee Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor.

Madaxweyne Deni, ayaa ugu horrayn bogaadiyay tallaabada uu qaaday Ex. Madaxweyne Xaaf, kaasi oo aqblay in uu la shaqeeyo madaxweynaha cusub ee Galmudug Mr Qoor Qoor, kadib khilaafkii ka dhashay doorashadii Dhuusamareeb.

Sidoo kale, wuxuu Qoor Qoor uga mahadceliyay dadaalka uu ku  bixiyay dib u-heshiisiinta dadweynaha Galmudug, isagoo u adeegsaday kalmadda “ madaxweyne Qoor Qoor” taasi oo ka dhigan in uu si rasmiya u aqoonsaday madaxnimadiisa.

Dhinaca kale, madaxweyne Deni ayaa bogaadiya wada-hadallada ka socda magaalada Nairobi, ee u dhexeeya madaxweynaha Jubaland iyo xubno mucaaradsan maamulkiisa oo ay hoggaaminayaan Xiddig iyo Seeraar.

Hoos ka daawo muuqaalka Deni

PUNTLAND POST

The post Puntland oo mudda kadib aqoonsatay madaxweyne Qoor Qoor appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this