Sign in to follow this  
Deeq A.

Dr. Fuje oo ka hadlay war laga faafiyey oo la xiriira in 63 qof loo aasay Coronavirus

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha guddiga dhakhaatiirta ee u xilsaaraan wacyigelinta cudurka COVID-19 ee Somaaliya Maxamed Maxamuud Fuje ayaa faahfaahin ka bixiyey hadal la sheegay in laga soo xigtay oo ku saabsan xaaladda cudurka COVID-19 ee magaalada Muqdisho.

Dr. Fuje oo wareysi siiyey Idaacadda VOA ayaa sheegay inuu soo gaaray war ku saabsan dad tiro badan oo waqti isku dhow dhintay kuwaas oo looga shakiyey inay u dhinteen cudurka Caronavirus sidaas darteed ay bilaabeen inay hubiyaan arrintaas maadaama uu waajib ka saaran yahay.

“Anaga hadaan nahay dhakhaatiirta cudurada faafa, xan kasta oo nasoo gaarta waxaa waajib nagu ah inaan baaritaan ku sameyno, sababtoo ah haddii ay dhab noqoto waa halis” ayuu yiri Dr. Fuje.

Dr. Fuje ayaa sheegay in warkaas uu ahaa mid u dhaxeeyey dhakhaatiirta isla markaasna wuxuu xusay inuusan aheyn war loogu talagalay Saxaafadda ayna qalad aheyd in la faafiyo.

Dr. Fuje ayaa sheegay in markii warka lasoo gaarsiiyey ay isku gudbiyeen dhakhaatiirta maadaama ay halis tahay in warkaas la dhayalasado sidaasna ay saaka baaritaan u aadeen Qabuuraha Barakaat si loo hubiyo dadkii saacado gudahood lagu aasay halkaas iyo sababta ay u dhinteen.

Wuxuu sheegay in ugu dambeyn ay ogaadeen in warkaas uu yahay mid been abuur ah, isla markaasna aysan dadkaas u dhiman cudurka sida weyn ugu faafay adduunyada ee Coronvirus.

Ugu dambeyntii Dr-ka ayaa raali gelin siiyey maamulka Qabuuraha Barakaat, wuxuuna sidoo kale sheegay inuu cafiyey cid kasta oo faafisay ama codka markii hore dusisay.

Hadalka kasoo yeeray Dr. Fuje ayaa kusoo aadayo xilli baraha bulshada lagu faafiyey cod uu  ku sheegayo in 64 god laga qoday saacado gudaheed qubuuraha cusub ee Barakaat ayna dhici karto inuu yahay Coronavirus.

Dhankiisa, Cabdirisaq Axmed Yuusf oo ah maamulaha wasaaradda caafimaadka u qaabilsan Coronavirus ahna madaxa tayada daawooyinka oo isna la hadlay Idaacadda Goobjoog ayaa sheegaya in saraakiil caafimaad oo ka socda wasaaradda caafimaadka ay booqdeen qubuuraha Barakaat, kuwa Jaziira iyo xataa qubuuraha 13KM ee duleedka Muqdisho isla markaana ay xaqiijiyeen in Qubuuraha Barakaat tusaale ahaan aan lagu aasin wax 10 qof ka badan 5-tii maalin ee la soo dhaafay hadalka Dr. Fujena aanu xaqiiq iyo baaris dhab ah aheyn.

Cabdirisaq Axmed Yuusf, maamulaha wasaaradda caafimaadka u qaabilsan Coronavirus ayaa intaasi ku daray in wasaaradda ay wacday ehelada dadkii geeriyooday maalmihii tahay isla markaana lagu ogaaday in dadkaasi aaney u dhimman xanuunno u dhow calaamadaha Coronavirus.

Halkaan hoose ka dhageyso wareysiga uu Dr. Fuje siiyey idaacadda VOA

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/04/edd68b00-280c-475b-b96f-6a0558b736cc_48k.mp3

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this