Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo oo amray ciidanka xoogga inay deg deg u qaadaan taallabo ay ku…

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa caawa baaq nabadeed kasoo saaray colaada kasoo cusboonaatay degmada Wanllaweyn ee gobolka Shabeellada Hoose, taas oo u dhaxeysa laba maleeshiyo beeleed.

Madaxweynaha  ugu baaqay madaxda maamulka Koonfur Galbeed, odeyaasha dhaqanka iyo waxgaradka Wanllaweyn iyo deegaanada hoos taga in ay u istaagaan xallinta colaadda macno darrada ah ee beelaha walaalaha ah ku dhexmartay degmada Walaweyn ee gobolka Shabeellada Hoose.

Sidoo kale Madaxwayne Farmaajo ayaa faray ciidamada xoogga dalka inay qadaaan tallaabo ka dhan ah oo ay  sida deg-deg ah ugu baxaan, una kala dhex galaan malayshiyo beeleedyada dagaallamayey maalmihii lasoo dhaafay, waxa uuna ku tilmaamay colaaddan arrin fool-xun oo aan la aqbali karin.

“Innaa Lillaahi waa inaa Ileyhi raajicuun. Waxaa nasiib darro ah in dadkeennu ay u dagaallamaan qabyaalad iyo malayshiyo beeleed oo ay dhiigooda u daadiyaan, iyadoo aynu ku jirno maalmihii barakeysnaa ee bisha Shacbaan oo cibaadada iyo sadaqada lagu dadaalo”ayuu yiri Madaxwayne Farmaajo.

Madaxwaynaha ayaa sheegay in dowladda federaalka ay qaadayso tallaabo kasta oo lagu xaqiijinayo xasilloonida iyo nabadda deegaannada ay dhibaatadu ka dhacday,iyada oo loo dirayo guddi soo baara dhibaatada ka dhalatay, sida lagu sheegay qoraalkan oo goor dhaw kasoo baxay Villa Somalia.

Ugu dambeyntii Madaxwaynaha ayaa tacsi u diray dhammaan ehelada iyo qaraabada ay ka geeriyoodeen dadkii birima-geydada ahaa ee ku nafwaayey colaaddan, isagoo caafimaad u rajeeyey intii ku dhaawacmatay dagaaladaas oo maalmihii lasoo dhafay ka dhacay gudaha degmada Wanllaweyn iyo daafaheeda.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this