Sign in to follow this  
Deeq A.

XFS oo ka hadashay saameynta dhaqaale ee Corona

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Inj. Cabdullaahi Cali Xasan, ayaa maanta xafiiskiisa kulan is-xog-waraysi ah oo ku saabsan saameynta dhaqaale ee cudurka COVID-19 uu ku keeni karo maceeshadda dalka la yeeshay mas’uuliyiinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha JFS oo uu hoggaaminaayey guddoomiyaha Rugtaasi Mudane Maxamuud Cabdikariin Gabeyre iyo Ganacsato kala duwan oo Soomaaliyeed.

Kulankan oo sidoo kale ay ka soo qeyb-galeen Agaasimaha guud  Mudane Cabdicasiis Ibraahim Aadan iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda, ayaa ujeedkiisu ahaa siddii  Wasaaraddu ay Ganacsatada uga heli lahayd xogo la xiriira badeecadaha dalka gaar ahaan kaydka raashinka, waxaana ay sheegeen in illaa hadda uu dalku haysto badeecado ku filan oo aanay qabin wax wer-wer ah sidoo kalena ay taagan yihiin Maraakiib dalka u sida raashin tiro badan.

Ganacsatadu, waxa kale oo ay halkaas ka sheegeen caqabadaha jira iyo weli ba tallooyin ku aadan sida ugu habboon ee loogga hor-tagi karo saameynta dhaqaale ee uu keeni karo xanuunka Coronavirus( COVID-19).

Inj. Cabdullaahi Cali Xasan oo ugu dambeyn halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inay ka dawlad ahaan diyaar u yihiin tallaabo kasta oo loogga hortagi karo saameynta dhaqaale ee cudurkaasi ku keeni karo maceeshada dalka, waxaana uu carabka ku dhuftay inay Ganacsatada ka taageerayaan siddii loo yareyn lahaa caqabadaha jira iyo fududeynta Ganacsiga, isaga oo ku dhiiri-geliyey in shacabka loo naxariisto wakhtiyadan adag isla-mar-ahaantaana aan kor loo qaadin qiimaha maceeshada dalka.

IMG-20200405-WA0029-1024x683.jpg IMG-20200405-WA0030-1024x683.jpg IMG-20200405-WA0031-1024x683.jpg IMG-20200405-WA0033-1024x683.jpg

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this