Sign in to follow this  
Deeq A.

Cali Jeyte oo shaaciyey inuu diyaar u yahay wadahadal

Recommended Posts

Deeq A.   

Cali Jeyte Cismaan guddoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Hiiraan ayaa maanta kulamo ka bilaabay gudaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaasi.

Kulamadaan oo uu la qaatay xubno ka tirsan maamulka gobolka, kan degmada Beledweyne iyo bahada garsoorka ayaa waxaa diirada lagu saaray xiisada maamul ee haatan ka taagan magaaladaasi, kadib markii guddoomiyihii hore uu ka biyo diiday xilka qaadistii uu dhowaan ka sameeyey madaxweynaha HirShabelle, Mudane Maxamed Cabdi Waare.

Sidoo kale waxaa kulamadaas oo ka qabsoomay xarunta maamulka gobolka ee Beledweyne ayaa waxaa lagu soo qaaday dardar-gelinta howlaha shaqo ee haatan horyaalla maamulka.

Jeyte oo madasha ka hadlay ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu wadahadal la galo cid-kasta oo tabasho qabta maamulkiisa, si xal looga gaaro khilaafka haatan jira.

Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo shalay guddoomiyihii hore ee maamulka goboka Hiiraan, Mudane Cali Muxumed Caraale uu shaaciyey inuu weli yahay guddoomiyaha saxda ah ee gobolkaasi, kadib shir jaraa’id oo uu warbaahinta ugu qabtay Baledweyne.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this