Sign in to follow this  
Deeq A.

Dalxa oo baaq ka soo saaray dagaal beeleedyada

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaan Maxamed Cumar (Dalxa) ayaa ka hadladay dagaal beeleedyo dib uga soo cusboonaaday deegaano ka kala tirsan gobollada Shabeelaha Hoose iyo Jubbada Hoose, kuwaas oo galaaftay noloshada in badan oo ah dhinacyadii dagaalamay & dad rayid ah.

Pro. Dalxa ayaa ku tilmaamay dagaal beeleedyadaasi inay yihiin kuwa salka ku haya arrimo siyaasadeed oo ay gadaal ka riixayaan dad leh dano gaar ah, sida uu hadalka u dhigay.

Xildhibaanka oo u warramayey Shabelle ayaa tilmaamay maleeshiyaadka dagaalamaya looga baahan-yahaya inay ka fakiraan maslaxada deegaanka oo ay ilaaliyaan xasiloonida, si looga baaqsdo in dhiig fara badan uu ku daato dagaalladaasi.

Dhinaca kale xildhibaan Maxamed Cumar (Dalxa) ayaa baaq nabadeed u diray beelaha ku dagaalamaya nawaaxiga magaalooyinka Wanlaweyn iyo Kismaayo, isagoo ka dalbaday  inay dagaalka joojiyaan, islamarkaana ay wax weliba ku dhameeyaan wadahadal.

Maalmihii dambe ayaa waxaa qeybo ka mid ah dalka ka soo cusboonaaday dagaal beeleedyo salka ku haya dilal la xariira aanooyin iyo arrimo dhul-daaqsimeed.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this