Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyey qarax ka dhacay Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in maanta qarax khasaare geystay uu ka dhacay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Qaraxa ayaa wararku waxa ay sheegayaan in gaarigiisa loogu xiray mas’uul ka tirsan waaxda canshuuraha wasaaaradda maaliyadda ee Puntland, kaas oo magaciisa lagu koobay Cabdi-Gube.

Ilo deegaanka ah ayaa Shabelle u sheegay in qaraxa uu dhaawac ka soo gaaray sarkaalkaasi oo la dhigay isbitaalka guud ee waqooyiga Gaalkacyo.

Ma jiro weli war rasmi ah oo ka soo baxay dhanka saraakiisha ammaanka Puntland oo ku aadan qaraxaasi

Inta badan Al-Shabaab ayaa falal amni darro oo u badan dilal qorsheysan ka geysata gudaha magaaladaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this