Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: Safaaradda Mareykanka ee Somalia oo ka jawaabtay eedeynta NISA ee Haaruun Macruuf

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa qoraal kooban oo ay soo dhigtay barta twitter-ka uga hadashay eedeynta ay hay’adda sirdoonka Soomaaliya ee NISA u jeedisay weriye Haaruun Macruuf oo ka tirsan laanta Af-Soomaaliga VOA ee ay leedahay dowladda Mareykanka.

Qoraal kooban oo ay safaaradda soo dhigtay twitter-ka ayaa lagu sheegay in “weerarada NISA ee ka dhanka ah Haaruun Macruuf” ay halis gelinayaan xoriyadda hadalka iyo madax-banaanida warbaahinta.

“Haaruun Macruuf waa weriye la ixtiraamo oo xirfadle ah oo ka howl-gala VOA, waana mid ka mid ah suxufiyiinta ugu saameynta badan Soomaalida. Weerarada NISA waxay halis gelinayaan xoriyadda hadalka iyo madax-banaanida warbaahinta ee aas-aaska u ah dimqoraadiyadda iyo isla xisaabtanka dowladeed ee Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraal ay safaaradda soo dhigtay barta twitter-ka.

@harunmaruf is a respected, professional @VOANews journalist & one of the most influential #Somali journalists. @HSNQ_NISA attacks threaten #pressfreedom & independent media as a foundation of democratic, accountable governance in #Somalia

— U.S. Embassy Mogadishu, Somalia (@US2SOMALIA) April 5, 2020

Hay’add Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa qoraal ay soo saartay 2-dii bishan April ku sheegtay inay “tallaabada ku habboon ee sharciga ah ka qaadeyso” weriye Haaruun Macruuf.

Qoraalkaas oo ay soo dhigtay barta twitter-ka ayey NISA ku sheegtay in Haaruun Macruuf uu “leeyahay xiriiro khatar ku ah amniga qaranka, kuna kacay falal ka baxsan anshaxa warbaahinta,” sida lagu sheegay qoraalka.

Qoraalka ayaan intaas ku daray “Waxaan hay’adaha dalka la wadaagaynaa iney ka feejignaadaan xiriirkiisa, soona wargaliyaan laamaha amniga qaranka.”

Idaacadda VOA ee uu ka shaqeeya Haaruun Macruuf ayaa hoos-tagta wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka, si la mid ah safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya oo iyana hoos-tagta wasaaradda.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this