Saalax

PM Khayre to lead Somaliland region talks in a new plan

Recommended Posts

gooni   

Dr.odweyne

Waxaas aad tirisay oo dhan, ama aad farmaajo ku sheegtay, waxaa ka wayn jacaylka ay snm u qabto Ethiopia. 

Qof kastoo caqli leh wuu u jeedaa sida qoraxda mana qarsadaan haday qayilaan iyo hadii kaleba.

Wada hadal?

Khalad wayn, yaa ku jira hadaan la sixina wax macno ah yeelan maayo abid aragtidayda.

Muxuu yahay khaladku?

Snm waa munaafaqiin aan daacad noqon waligood, naftooda iyo dadkoodana been u sheega, waa inay meesha ka baxdaa arintaas.

Mar waxay leeyihiin wada hadalka waxaa hor taagan waa beel, oo marnaba la hadli mayno beeshii siyaad barre oo xasuuqa noo gaysatay.

Marna waxay leeyihiin ma doonayno dad lahjada waqooyiga ku hadla inaan hor fariisano.

Mar kalana waxay leeyihiin aan u wada hadalno qaybtii ingiriiska iyo talyaaniga.

Qaybtii talyaaniga haday USC kaliya u arkaan ama beel ahaan, 30 sano farmaajo ka hor maxay wax un ugula heshiin waayeen soo walaalahood ma'ahan?

Mar afaraad waxay leeyihiin aan goobo badan la fariisano si munaafaqdaysan, ama aan hadhaw ugu sheegno ingiriiska in laysku daalay.

Xagee timahoodu u xiirmaan marka walaalayaal?

Nabad aad ceeb la dhex fadhido waxaa dhaanta qarax aan marnaba is taagin.

Waa xaqiiq jirta oo aysan dareemi karin ilaa qoraxdu qabato.

Ilaahayna ma jecla dadka musrifiinta ah oo xoolahooda iyo nabadooda daroogo ku badesha beena ku meeraysta iyo waxaan anfac lahayn.

Xasuus

Waad ii sheegi kartaan hadii ay jirto in wax sharuud ah ay koonfurtu ku xirtay wada hadalka snm, waligayna ma maqal.

Ingiriiska na geeya....waa hagaag.

Turkiga na geeya...waa hagaag

Ethiopia na geeya.... waa hagaag

Israel na geeya....yaa noo harsan waana midaan ku kala bixi lahayn.

 


 

Share this post


Link to post
Share on other sites

I am sure Somalilanders are extremely happy that Ghelleh is being excluded by Mugadishu too scared of Abiy and Afwerki to even go to Djibouti.

Something is very dishonest and most highly likely ill intentions, bad motive.


The best current SFG can get out of this is asking MPs to vote for them since they are in the middle of the greatest the best the miracleous the audacious never done before...negotiations. The next day after the re-election post on face book and go to war.

If you see Somalis avoiding Ghelleh, going to others, they are doing something that dishonors the whole Somali people. Say what you will, or Ghelleh has been unfair to Somaliland or Puntland, but he can never be accused of disrespecting Somalis with non Somalis.




Share this post


Link to post
Share on other sites
On 4/5/2020 at 3:44 PM, Holac said:

Tani waxba kama duwana sheekadii "Shibirayahow heesa"

I agree, however, the intent of these so-called “talks” is not meant to resolve any tangible political grievances of the northern h@bros, but  rather to negotiate the price N&N has to pay to the Biixi administration for the support of the **** Federal members of parliament in the upcoming elections next year.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   
On 4/5/2020 at 5:55 PM, Tillamook said:

I agree, however, the intent of these so-called “talks” is not meant to resolve any tangible political grievances of the northern h@bros, but  rather to negotiate the price N&N has to pay to the Biixi administration for the support of the ****Federal members of parliament in the upcoming elections next year.

 

The Somalilanders are not even united in the south.  *** federal members are allied to the Vice PM Mahdi Khadar. 

Share this post


Link to post
Share on other sites
On 4/5/2020 at 6:01 PM, Saalax said:

The Somalilanders are not even united in the south.  *** federal members are allied to the Vice PM Mahdi Khadar. 

Regardless of which way the cookie crumbles, the Farmaajo administration needs the support of the northern Federal MPs that get their marching orders from the Biixi administration if their hopes of re-election are to materialize.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Feysal Dhurwaa quuqdiisa waa inuu asagana dhiibtaa.

Faysal Cali Waraame oo si adag uga horyimid qorshihii uu Abiy u weeciyay Khayre

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid, Eng Faysal Cali Waraabe ayaa maanta ka hadlay qorshaha cusub ee la sheegay in Abiy Ahmed uu mas’uuliyada wada-hadalada DF iyo Somaliland dusha ugu saaray Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre.

Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in Somaliland aysan marnaba ogoleyn wada-hadalo uu qeyb ka yahay Khayre, midaasi noqoneysa fashilkii labaad ee ku yimaada qorshayaasha Abiy Ahmed.

Faysal ayaa ka horyimid aragtida uu aaminsan-yahay Abiy, kaasi oo ahaa in Somaliland aysan rabin Farmaajo balse ay Khayre macquul tahay inay aqbalaan, maadama aysan xasaasiyad weyn ka qabin sida Madaxweynaha.

Guddoomiyaha ayaa banaanka keenay in qorshaha Abiy Ahmed ee wada-hadalada uu yahay mid uu ku wiiqayo jiritaanka Somaliland, isla markaana uu ku rabo inay midoobaan Soomaaliya iyo Somaliland oo sheegata inay ka madax-banaantahay Jamhuuriyada.

Faysal Cali ayaa gebi ahaanba diiday in wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya ay qeyb ka noqdaan dalal ay kamid tahay Itoobiya, oo uu sheegay inay u xaglinayaan dhanka Soomaaliya.

Lamana oga in mowqifka Faysal ay ka wada socdaan Madaxweynaha Somaliland oo isagu ka gaabsaday ka hadalka arrinkaasi, balse si guud u sheegay inay diyaar u yihiin in wada-hadalo la furaan dowladda Soomaaliya, marka laga baxo xaalada ka dhalatay Corona ee dunida saameysay.

Xigasho

  • Haha - That was funny. You made me laugh! 1

Share this post


Link to post
Share on other sites
2 hours ago, Xaaji Xunjuf said:

What's the difference between cheese guy and the kheyre guy aren't they the same 

I thought u were ok to talk non Faqash ? 🙂

Share this post


Link to post
Share on other sites

Saalax, Muuse Muqayil odeyaashii soo baraarugay ayuu u booteeyo rabaa. Jawaab fiican ayuu siiyey odeygaan.

Suldaanka 'Somaliland' oo ka jawaabay hanjabaaddii uu Muuse Biixi ugula kulmay ku baaqa midnimada Soomaaliya

Suldaanka guud ee beelaha Somaliland, Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ayaa maanta si kulul uga jawaabay hanjabaadii uu dhowaan u direy Madaxweyne Muuse Biixi, kadib markii uu sheegay Suldaanku in midnimada umadda Soomaaliyeed ay tahay muqadas.

Suldaan Maxamed ayaa kamid ahaa Salaadiin ka hadlay wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, kuwaasi oo dalbanayey inay qeyb ka noqdaan wada-hadaladaa si looga gaaro natiijo wax ku ool ah.

Suldaanka ayaa hore u sheegay inay muhiim tahay dib u furida wada-hadaladaasi, isagoona carabka ku adkeeyay midnimada iyo wada-jirka ummadda Soomaaliyeed.

Suldaanka ayaa hanjabaada Muuse Biixi ku tilmaamay mid aan meesha oolin, isagoona sheegay haddii uu ka fiirsan waayo arrinkaasi inay reer Somaliland ka tashan doonaan oo shir-weyne iskugu iman doonaan.

Sidoo kale waxa uu Suldaanku shaki galiyay heerka aqooneed ee uu Madaxweyne Muuse Biixi u leeyahay arrimaha siyaasada, isagoona si dad-ban u sheegay inuusan u aqoonsaneyn Siyaasi hogaamin kara.

“Madaxweynaha waxaanu leenahay, Arrinku meel aanu taagnayn inaad gaadhsiisaan waa Fool-xumo. Madaxweynaha isku gefi mayno. Dadka Koonfureedna waxba hadal u dhigan mayno” ayuu yiri Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir.

Wuxuuna intaas kusii daray Suldaanku “Meel aanu Arrinku nala gaadhin haddaad gaadhsiiso, Qaranka Somaliland baa ka wada-hadli. Ninka siyaasiga ah anigu waxaan u aqaan Ninka Jaamacad ka sita Shahaado, Siyaasada Jaaamacad baa looga soo baxaa oo Kuliyad dhan baa looga soo baxaa siyaasada”.

Hadalka kulul ee Suldaanku uu maanta uga jawaabay Hanjabaadii Madaxweyne Muuse Biixi ayaa kor usii qaadaysa xiisada kala dhaxeysa, xili ay ku kala aragti duwan-yihiin qaabka loo wajahayo wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya.

Lamana oga in Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Biixi ay talaabo ka dhan ah ka qaadi doonto Suldaankan iyada oo hore ugu hanjabtay, maadama ay hore u dhacday in Salaadiin iyo Siyaasiin kale oo aaminsan fikirka midnimada umadda Soomaaliyeed xabsiyada Somaliland lagu guray.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.